Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009?
Waxaana dhici karta in Badda Soomaaliya lagu wareejin doono Hay'ad hoos timaada
Qarammada
Midoobey si ay uga kirayso dalal shisheeye..
- CILMI-BAARIS | SOMALITALK.COM | February-April, 2009
Tusmo:
- Furfuritaan
- Hordhac
- Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
- Soomaaliya iyo Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
- Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida
- Dhaqan Galkii Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
- Guddiga Loo Xilsaaray Xadaynta Badaha Adduunka
- Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha
- Dalalka Xogta u Gudbiyey Guddiga Xadaynta Badaha
- Sanduuqa Taageerada Lacageed ee Xadaynta Badaha
- Soomaalida, Xeerka Cusub iyo Waqtiga Kama Dambaysta ah
- Yaa la wareegaya, Maxaase Muranka Keeni Doona?
- Jihooyinka Adduunka iyo Xadaynta Badaha
- Xadka Badda ee u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen
- Xadka Soomaaliya & Kenya: Aagga Raas Kambooni iyo Lamu
- Kenya oo Calaamadsatay Dhul-Badeedka Soomaaliya
- Gabagabo
- Xaggee lagala xiriiri karaa Guddiga Xadaynta Badaha
Furfuritaan
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
SomaliTalk:
Marka ugu
horaysa waxaan umahad celinaynaa Allaah oo noo fududeeyey inaan soo diyaarino
warbixin ku saabsan Badda Soomaaliya. Waxaana ahmiyad noo leh in aan ummadda
Soomaaliyeed usoo gudbino Warbixintan.
SomaliTalk.com: Waa Shabakad Warbaahin iyo xog aruurin isugu jirta, kana mid
ah kuwa ugu da'da wayn Mareegaha Soomaalida. Waxayna aad isugu howshaa
inay soo gudbiso Baaritaano, Faallooyin, Warbixin iyo Qormooyin, laxiriira Badaha
iyo Bariga Soomaaliya, kuwaas oo u badan dhacdooyin horay u dhacay oo ay soo
faagto iyo waxyaabo Mustaqbalka la qorshaynayo inay dhacaan oo ay soo bandhigto
ama ka digto. Sida warbixintaan oo kale iyo dabcan wararkii iyo maqaalladii
maalinlaha ahaa.
SomaliTalk markay diyaarisay warbixintaan waxay go’aan satay in ay si toos ah
Masuuliyiinta Soomaalida ugu gudbiso, muhiimmadda warbixintan ay leedahay
daraadeed. Kuma ay qancin inay Internetka oo kaliya ku daabacdo. Waxaan
warbixintaan si toos ah ugu hagaa jinaynaa;
- Ku: Dowladda Faderaalka Kumeel gaarka ah: Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha
- Ku: Somaliland: Madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa
- Ku: Puntland: Madaxwaynaha iyo Kuxigeenkiisa
- Ku: Culimada, Isimada, Aqoonyahanka iyo Qofkasta oo Soomaali ah oo awooda inuu wax ka
qabto.
- Ka: SomaliTalk.com
Ujeedo: Warbixin
Waxaa socota inay Qarammada midoobay ka shaqaynaysay sidii Badaha
Adduunka
sharci loogu samayn lahaa, waxay qaadatay labaatan sanadood (1970-1994) in la
dhaqan galiyey xeer oranaya: Waddan kasta wuxuu xaq u leeyahay (370 km) oo ka
bilaabanaysa xeebta baddiisa inuu isagu leeyahay ku takri falkeeda. Xilligaas
waxaa jirtay dowladdii Soomaaliya oo wax ka saxiixday.
Toban Sano kahor (1997-2009) ayaa mar kale Qarammada midoobay waxay isku howshay
sidii sharci kale loo samayn lahaa, sharcigaas cusub oo ka dhigaya dowlad kasta
inay xaq u leedahay (648 km) oo ah badda, lahaanshaha buuxa ee masaafadaas.
Sharcigaan danbe wuxuu kusoo aaday iyadoo dowladdii Soomaaliya burburtay,
baddeediina ay noqotay bad caalami ah oo ka dhaxaysa ummadaha adduunka oo dhan.
Qarammada middoobay waxay isku howshay inay dhaqaale iyo waqti dheer ay ku
bixisay sidii sharcigaan loo meel marin lahaa, sharcigaan danbe ayaa wata
shuruudo ad adag, sidaa daraadeed, adduunku wuxuu ku howlan yahay sidii ay usoo
buuxin lahaayeen shuruudahaas. Shuruudahaas waxaa ka mid ah iyadoo la raacayo
sharciyo iyo xeerar ay samaysay Qarammada middoobay, in wadankasta soo cabiro
baddiisa, soona gudbiyo xogtaas ugu danbayn 13ka May 2009, wadankii aan xilligaas
soo gudbin waxaa dhici karta in wadammada dariska la ah kusoo durkaan iyo in
baddiisa lala wareego.
Sidaas daraadeed:
Waxaan ku dhiiri galinaynaa dhammaan dadka ay qusayso ee kor ku xusan inay
qaadaan tallaabooyinkaan soo socda si deg deg ah;
1- In dhammaan Dowladda
iyo maamullada kale ay magacaabaan guddi ama hay’ad u khaas ah arrintan si loo
badbaaddiyo baddaha Soomaaliya, inta aan lagaarin muddada (May 13, 2009)
Qarammada midoobay u qabatay wadammada badaha leh inay kusoo gudbiyaan cabirka
cusub ee badahooda.
2- Inay xiriir deg deg ah lasameeyaan Guddiga Xadaynta Badaha (CLCS) kuna
qanciyaan ama ka codsadaan laba arrimood, in muddada loo kor dhiyo, loogana dhigo
waqti suura galin kara in xogtaas lagu soo uruuriyo, iyo inay siiyaan dhaqaalaha
loogu tala galay wadammada soo koraya. Sida loola xiriiri karo iyo foomka
dalbashada dhaqaalaha waxay ku xusan tahay warbixinta.
3- In haddii qodobka labaad suuroobi waayo ay Qarammada midoobay ka dalbadaan in
loo hakiyo sharcigaas wadanka Soomaaliya ayna caddeeyaan inaysan aqoonsanayn
xeerka cusub ee baddaha. Arrintaasna waa mid wadammada oo dhan xaq u leeyihiin
sida ku cad warbixinta.
4- Inay isha ku hayaan wadammada badda lawadaaga
Soomaaliya inay soo durkeen iyo in kale sida; Kenya, Yemen, Sychelles,
Maldives iyo Hindiya, sidoo kalena ay lasocdaan xogta ay u soo gudbiyaan
Qarammada midoobay oo cadaynaysa Joqoraafi ahaan baddooda. Waxaa soo ifbaxday
xiligan aan Baarintaankan wadno in , Dowlada Kenya ay cabiratay qayb kamida
Badda Soomaaliya ee xuduuda laleh, sida ku cad qoraal ay Kenya u gudbisay UN-ta
Maarso 10, 2009 oo ay ku sheegatay Jasiirado iyo qayb wayn oo badda Soomaaliya
leedahay ah, kuwaasoo u dhow Raaskanbooni, sida aan hoos ku arki doono.
5- SomaliTalk waxay ka digaysaa in aan cidina saxiixin xeerka cusub ee
(Xadaynta) Badaha
Soomaaliya haddii aysan Soomaaliya waddan ahaan buuxin shuruudaha laga rabo, gaar
ahaan Dowladda Kumeelgaarka ah waxaan si gaar ah u xasuusinaynaa inaysan qaadin
wadadii qaar kamid ah maamulladii ka horeeyey ay qaadeen, kaas oo ahaa inay
saxiixaan arrimo culculus oo Soomaaliya ay ka dhaxli karto cawaaqibxumo iyo
hagardaamo muddo dheer jirta. Sidoo kale waxaan ku baraarujinaynaa inay aad u
dhuuxaan xeerkii hore ee baddaha Soomaaliya, kaasoo qorayey inay Qarammada
midoobay Soomaaliya oo qura ay Dalalka Afrikada bari uga aqoonsanayd (370 km) halka Wadammada kalena loo
aqoon sanaa (22km) xogtaas iyo kuwa kale oo farabadan waxay kuxusan yihiin warbixintan.
Ugu danbayntii Waxaan ka rajaynaynaa cidda ay warbixintaan sida tooska ah iyo si
dadban ugu socoto inay u qaataan badbaadinta badda Soomaaliyeed sidii xaalad deg
deg ah oo kale. Sidaa markaan leenahay waxaan niyadda ku haynaa inay horyaalaan
dhammaan qaybaha aan soo xusnay howlo waa wayn oo is dul rasaysan, ayna ku
mashquul san yihiin sidii ay u kala horaysiin lahayeen, gaar ahaan Dowladda
Kumeel gaarka ah ee Cusub. Hadana taas macneheedu ma’ahan in la sugo haddii daad
kugu soo socdo inta uu kaa qaadayo, dabcan waa in la iska moosaa.
Intaas haddaan
kaga gudubno furfurashada, waxaan u gudbeynaa warbixinta oo tifatiran:
Hordhac:
Badda ku xeeran dhulka Soomaalida, oo dhererkeeda lagu qiyaaso 3333km - bilicda
iyo quruxda ka sokow- waxay ka mid tahay badaha ay ku jiraan
khayraadka ugu badan adduunka ee aan weli la daah-furin ama laga faa'iidaysan.
Khayraadkaas waxaa ka mid ah kalluunka noocyadiisa kala duwan, oo haddii si
wanaagsan looga faa'iidaysto kobcin kara dhaqaalaha Soomaalida, soona gelin kara
lacag adag haddii si cilmiyaysan loo iib geeyo, oo shaqo u abuuri kara dadka ku
dhaqan xeebaha ama xeeb-joogta.
Khariidad muujineysa baaxadda badda ku xeeran dhulka Soomaalida.
Isha Sawirka: GoogleEarth
Waxa kale oo khayraadka badda Soomaalida ka mid ah macdan kala duwan iyo
shidaal aan weli si buuxda loo sahamin, laakiin lagu tuhmayo in ay dhex jiifaan
badda ku xeeran dhulka Soomaalidu degto, khayraadkaas dabiiciga ah oo haddii la
daah-furo dhulka Soomaalida ka dhigi kara dhul hodon ah.
Khayraadkaas - badankiis - waxa uu qarka u saaran yahay in 13ka
May
2009 laga wareejiyo mulkiyadda Soomaalida. Waxaa dhici karta badda ku xeeran dhulka
Soomaalida in lagu wareejiyo "Kenya, Jabuuti, Ethiopia iyo Yemen"[1].
Sidoo kale waxaa dhici karta in badda Soomaalida ay la wareegto hay'ad
hoos timaada Qarammada Midoobey si ay uga kirayso dalal kale oo ka baaran kara Macdan, Batrool iyo Gaas,
isla markaana adeegsan kara khayraadka ku jira
halkaas - ayadoo aan arrintaas Soomaalida laga talo gelin.
Akhristaha waxaa dhici karta in ay
ku soo degdegto su'aasha ah: Sidee ku dhici kartaa in
badda ku xeeran dhulka Soomaalida lagu wareejiyo Kenya, Jabuuti (in kasta oo Jabuuti aysan
meel naga jirin), Ethiopia iyo Yemen ama in Qarammada Midoobey inta ay la
wareegto ka kireyso dalal kale oo halkaas shidaal ka qota ama ka
gurta kalluunka, sidaasna ay badda Soomaalida faraheeda uga wareegto?
Arrintaas si dadka loogu baraarujiyo, loogana hor tago, waa sababta ay Bahda
SomaliTalk.com warbixintan iyo cilmi baaristan degdega ah isugu soo duba rideen.
Gaar ahaan qoraalkani waxa uu ku jihaysan yahay shacabka Soomaalida iyo
madaxdooda.[2]
Haddaba, si aan u fahamno arrinta warbixintani ku saabsan tahay iyo sidii looga
hor tegi lahaa in badda dhulka Soomaalida lala wareego, waxaan marka hore si
guud mar ah uga hadli doonaa halka ay arrintani salka ku hayso, cabbirka dhulka
halista ugu jira in lala wareego, markii ay arrintani soo bilaabatay iyo sababta
degdega ka dhigeysa in shacabka Soomaaliyeed aysan arrintan dhayalsan.
Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
Xeer lagu dhaqo Badaha Adduunka in la sameeyo waxaa loo baahday kaddib markii la arkay
in uusan shaqayn karin xeerkii badda ee lagu dhaqmi jirey laga soo bilaabo qarnigii
17aad ee ay sameeyeen Dutch-ka (Holland), kaas oo biyaha badda ee dal
uu leeyahay ku xadidayey meel xeebta ka durugsan 3 nautical mile (5.6 km)
oo keliya. Biyaha badda ee intaas ka baxsan waxay ahaan jireen kuwo aan cidna
lahayn, oo aan cidna sheegan karin. FG: 1 nautical mile (nmi) = 1.852 kilometer (km).
Qarnigii 20aad ayaa dalal badan oo leh xeeb waxay muujiyey
baahida ay u qabaan in la kordhiyo fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin
biyaha badda ee ay dalalkaasi xaqa u leeyihiin, si ay u yeeshaan macdanta, Batroolka
iyo khayraadka dabiiciga ah, isla markaana u difaacdaan kalluunka, kana
ilaaliyaan wasakhaynta ama dikhowga loo geysan karo ama in aan qashinka lagu duugin.
Arrintaas baahideeda waxaa lagu aqoonsaday kulan sannadkii 1930kii
lagu qabtay magaalada Hague (Holland), laakiin kulankaas waxba la iskuma raacin.
Ilaa
sannadihii 1950-maadkii waxay Qarammada Midoobey isku dayeysay in ay dalalka
adduunka ku qanciso in ay isku raacaan sharci loo sameeyo badda adduunka.
Shir-weynihii ugu horeeyey ee Qarammada Midoobey ee sida rasmiga looga hadlay xeer loo
saameeyo Badaha Adduunka waxaa magaalada Geneva (Switzerland) lagu qabtay 29kii
April 1958,
shirkaas oo hordhac u ahaa afar kulan oo lagu samaynayey Xeerka Badaha. Sannadihii
1970-naadkii ayaa la qabtay shir-weynihii saddexaad ee Qarammada Midoobey ee xeer
u samaynta badda. Shir-weynahaas kaddib, toban (10) sano ayey qaadatay in la nidaamiyo xeerka badaha, ayadoo
la tixgelinayo khayraadka dabiiciga ah ee badda ku jira iyo cidda yeelan doonta.
Shirweynihii Qarammada Midoobey ee 10kii December 1982 lagu qabtay
magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica ayaa waxaa 117 dal saxiixeen sharciga
Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka. Waxana uu Xeerkaasi si rasmi ah u dhaqan
galay 16kii November 1994. Dalal badan ayaa xeerkaas saxiixay,
kaddibna dhaqan geliyey. Laakiin sida aan arki doono waxaa jira dalal saxiixay balse aan
weli
dhaqan gelin, dalal diiddan qaybo ka mid ah xeerka badda iyo dalal aanba saxiixin. Waxaa Xeerka
Qarammada Midoobey ee Badaha
Adduunka loo soo gaabiyaa UNCLOS (United Nations Convention of the
Law of the Sea).[3]
Arrinta ugu weyn ee xilligaas (1994) uu Xeerka Badaha Adduunku wax ka bedeley waxay ahayd
in la kordhiyey fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ay
leeyihiin dalalka xeebaha leh, taas oo ahaan jirtey 3 nmi waxaa laga dhigay meel
xeebta ka durugsan ilaa 12
nmi (22 km), waxaana qaybtaas loo aqoonsaday in ay ka mid tahay dhulka
dalka xeebta leh - eeg sawirka hoose - barta (TS). Islamarkaas fogaan xeebta ka
durugsan ilaa 24nmi waxaa loo tixgeliyey in ay tahay aag la ollog ah dalka xeebta leh (CZ).
Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuqda
gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel xeebta dalkaas
u jirta 200 nautical miles (370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi xuquuq u
siinayaa in dal kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu gaar u lahaanayo
xuquuqda batroolka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi
(370 km) meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas - toosna ugu beegan xeebta
(macne weyn ayaa ku jira hadalka ah "toos ugu beegan xeebta").
Fogaanta badda ee xeebta ka durugsan ilaa 200 nmi (370 km) waxaa loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee
Ganacsiga (EEZ), waana aag ganacsi ahaan ay khaas u adeegsan karaan dalalka leh xeebaha.
TS: Territorial sea (ka tirsan Dhulka Dalka). CZ: Contiguous Zone
(Aagga la olloga ah dalka).
EEZ: Economic Exclusive Zone (Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga). HS: High
Sea (Bad weyn).
Continental Shelf (Qalfoofka Qaaradda - waa inta dhulka ah ee si toos
badda u sii dhex gashan).
Sawir faahfaahsan oo ay samaysan Qarammada Midoobey Eeg
halkan (www.un.org).
Sida aan warbixintan ku arki doono, waxaa jira qorshe hadda ka socda
Qarammada
Midoobey oo lagu doonayo in wax laga bedelo "Xeerka Badaha Adduunka", waxaa
qorshuhu yahay
in la kordhiyo fogaanta 200nmi oo laga dhigo ilaa 350 nmi (648 km) - Sidaas
daraadeed waxaa la kordhinayaa waa Aagga Gaarka ee Ganacsiga ee EEZ.
LAAKIIN, waxaa shardi ah in dalalka leh xeebaha ugu dambayn
13ka May 2009 ay Qarammada Midoobey u gudbiyaan macluumaad iyo xog
la xiriirta cabbirka rasmiga ah ee badda dalalkaas si loogu kordhiyo fogaanta.
Haddii kale waxaa dhici doonta in dalkii aan waqtigaas ku soo gudbin xogta uu
markaas
waayi doono xuquuqda badda - wixii ka baxsan 200nmi - oo lagu wareejiyo dalal kale ama Hay'ad ay
Qarammada
Midoobey samaysay oo shirkado ama dalal kale ka sii kiraysa badda dalkaas aan
macluumaadka ku soo gudbin waqtiga kama dambaysta ah ee kor ku xusan.
(Halkaas
weeye dulucda warbixintani meesha ay ku saabsan tahay, waayo Soomaaliya uma muuqato
in ay waqtigaas kugeyn karto macluumaadka iyo khariidadaha muujinaya xadka cusub
ee
badda Soomaaliyeed, horayna looma maqal maamul ka hadlaya ama codsaday deeqda
Qarammada midoobay ugu tala gashay waddamada soo koraya sidii ay xogta badahooda u
soo gudbin lahaayeen. Sidaas daraadeed badda Soomaaliya waxay qarka u saaran tahay
in dalal kale lagu wareejiyo!)
Xeerkii hore ee Badaha Adduunka: EEZ = 200nmi (374 km)
Xeerka Cusub ee Badaha Adduunka: EEZ = 350nmi (648 km)
Soomaaliya iyo Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
Inta aynaan u gudbin Xeerka Cusub ee Badaha, aan dib u jalleecno waxyaabihii
ay Soomaaliya ka tiri xeerkii hore ee badaha iyo sharciyadii ay ka soo saartay.
Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka
ee UNCLOS waxa ay Soomaaliya saxiixday 10kii December 1982. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii
July 1989. Waxaana, sida aan hoos ku arki doono, uu Xeerka Badaha Adduunku si
rasmi ah Qarammada Midoobey uga dhaqan galay 16kii November 1994.
Laakiin, Soomaaliya waxay ku adkaysatay in 200 nmi (370 km) ee badda loo
yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ay ka mid tahay dhulka Soomaalida.[4]
Dalalka Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, markii ay heleen xorriyadda waxay
dib u eegeen xeerarkii ay dejiyeen gumaystayaashii. Xeerarkaas dib loo eegay waxaa ka mid ahaa xeerka badaha oo xadaynayey in badaha dhulka dalalkaasi ay
xaqa u leeyihiin ay tahay ilaa 3 nautical mile (5.6km) oo keliya. Haddaba, sannadkii 1963
ayaa dalalka Madagascar iyo Tanzania waxa ay fogaantii
badda (ballaca) ka mid ah dhulkooda ee ahayd 3 nmi ay ka dhigeen 12 nmi (22km). Halka dalalka
Kenya, Mauritius iyo Seychelles ay ballacii 3nmi ee badahooda ka dhigeen 12 nmi, sanadihii
1969, 1970 iyo 1972 siday u kala horeeyaan.
Laakiin, Soomaaliya taas waa ka duwanayd. Sannadkii 1967 ayaa Soomaaliya
waxay fogaantii 12nmi ee badda dalku leeyahay ka dhigtay 200 nmi (370.4km).
Sida aan hoos ku arki doono, dawladdii Soomaaliya waxay sharci rasmi ah oo
arrintaas jidaynayay ka soo saartay sannadkii 1972
- Taas macnaheedu waa in Soomaaliya aysan aqoonsanayn Aagga Gaarka ah ee
Ganacsiga (EEZ), balse aaggaas ay u aqoonsan tahay in uu ka mid yahay dhulka
Soomaalida (TS). Soomaaliya aragtideedu waxay ahayd in ay ka faa'iidaysan karto baddeeda haddii ay kordhiso badda ay xaqa u
leedahay - arrintaas buugaag badan ayaa laga qoray.[5]
Dawladdii Soomaaliya oo ka hadleysey qeexidda Aagga Ganacsiga ee loo yaqaan EEZ iyo sida ay u aragto waxay
tiri "Habka ugu macquulsan ee ay tahay in lagu magacaabo aagga badda ee qaranka
waa in la yiraahdo badda ka tirsan dhulka dalkaas, halkii laga oran lahaa Badda
Ganacsiga ee Gaarka u ah dalkaas. Dalalka soo koraya dantooda waxaa loo adeegi
karaa marka badda dalalkaas ay ahaato fogaan ku xadaysan 200 nmi. Waa in
aysan fikir ahaan noqon Badda Gaarka ah ee Ganacsiga, balse hab firkir ahaan waa in ay
noqoto bad ka tirsan dhulka dalalkaas".
Dawladdii Soomaaliya waxay si QEEXAN u sheegatay in ay mulki ahaan u leedahay badda laga bilaabo xeebta ilaa
370km oo toos ugu beegan xeebta. Waxayna sheegtay in baddaas ay mari karaan oo keliya maraakiibta dalalka ay aqoonsan tahay
Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya. Waxaana khasab ku ahayd maraakiibta
shisheeye in ay marka hore ogolaansho ka helaan Soomaaliya ka hor inta aysan
halkaas marin.
Khariidad muujineysa cabiradii xadka badda Soomaaliya. Isha:
Buugga V.L.Forbes
Bedka badda Soomaaliya ay xilligaas sheegatay waxaa lagu
qiyaasay 782,800 sq. km
Laakiin marka la isticmaalo Computer dhul-badeedka Soomaaliya waa
825,052
km˛
Xeer Lambar #37/1972 - Xeerka Badaha Dhulka Soomaalida
Dawladdii Soomaaliya si ay xaqiijiso ilaalinta xadka baddeeda, waxay soo saartay Sharci
Lambarkiisu ahaa Xeerka 37aad oo ka soo baxay Mogadishu, 10kii September 1972:
Sharcigaas oo loo yaqaan Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaalida waxaa ka mid ahaa
qodobadan:
- Qodobka 1aad: Badda dhulka Soomaalida (Somali Territorial
Sea) waxaa
soo hoos gelaya qayb badda ah oo
gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay
galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka
waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.
- Qodobka 2aad: Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu
hoosaysa xeebaha Soomaaliya (xigmad weyn ayaa halkaas ku jirta).
- Qodobka 6aad: Kalluumaysiga Badda Dhulka Soomaalida iyo u kala gooshinta
xamuulka iyo dadka ee dekedaha Soomaaliya waxay khaas u tahay maraakiibta
sita Calanka Soomaalida iyo markiibta u haysta fasax/sharci. Haddii taas lagu xad
gudbo marka hore waxaa markabka la ganaaxayaa 5,000 ilaa 10,000 Sh.So. (oo
xilligaas u dhigantey $700 ilaa $1,500 - waa xilligii Shillinka Soomaaligu
qiimaha lahaa oo ahaa US$1 = 7Sh.So.). Haddii
xad gudubku soo noqdo mar labaad waxaa markaas ganaaxa laga dhigayaa laba-laab,
waxaana kabtanka markabka lagu qaadayaa sharciga xeer dembiyeedka Soomaaliya,
waxaana lala wareegi karaa markabka.
- Qodobka 9aad: Jamhuuriyadda Dimoqraadiga
Soomaaliya dalalka aysan aqoonsanayn maraakiibtooda looma ogola in ay maraan
Biyaha Soomaaliya. Ciddii ku xad gudubta arrintaas, Soomaaliya waxay ka
qaadeysaa tallaabadii ku haboon.
- Qodobka 10aad: Maraakiibta dagaalku ma soo mari karaan badda ku
xeeran dhulka
Soomaalida haddii aysan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliyeed.
Maadaama ilaalinta iyo beekhaaminta kalluunku uu muhiimad weyn u lahaa
Soomaalida, waxaa dawladdii Soomaaliya soo saartay Xeerka Kalluumaysiga oo
lambarkiisu ahaa N° 23 ee soo baxay 30kii November 1985, xeerkaas
oo qeexayay maraakiibta iyo shakhsiyaadka la siiyo shatiga ee ka
kalluumaysanaya baadda Soomaaliya in ay dhawraan xeerkaas, islamarkaasna ay
soo sheegaan inta ay leegtahay kalluunka ay badda kala soo baxeeen iyo
nidaamka ay adeegsadeen. Ciddii xeerkaas ku xadgudubtana ay la kulmayso
ganaax adag ama xabsi. Waxaa xeerkaas ku cad in:
- Ganaax gaaraya ilaa So.Sh. 10,000 laga qaadayo doonta aan matoorka
lahayn ee xeerkaas ku xadgudubta.
- Ganaax dhan So.Sh. 15,000 ilaa So.Sh. 4,000,000 laga qaadayo doonyaha uu
saaran yahay matoorka baaxadiisu dhaxayso 6 HP (HorsePower) ilaa 101
HP.
- Xabsi 3 ilaa 10 sano ah ama ganaax So.Sh. 5,000,000 ilaa So.Sh.
50,000,000, ama in la isugu daro xabsi iyo ganaax, qofkii kalluumaaysiga u
adeegsa waxyaabaha qarxa, ama adeegsada aalad mamnuuc ah, ama kalluumaysa
xilliga xirmada ee aan lal ogolayn in kalluunka la dabto, ama soo jillaabtay
kalluun mamnuuc ay tahay in la soo qabto. (FG: Xilligaas 1985 qiimaha
isku bedelka lacagtu wuxuu ahaa US$1 = 36 So.Sh. Sidaas daraadeed 50
million So.Sh waxay u dhigaantey 1.4 million doolar.)
Xeerkaas kaddib waxaa su'aalo ka soo laaban kareen sidee lagu
xaqiijinayaa in maraakiibta shisheeye ee shatiga la siiyay ay runta
ka sheegaan cadadka kalluunka ay la soo baxaan. Taas waxaa xal u noqotay:
Wareegto ay Soomaaliya soo saartay 24kii September 1986 ayaa si
qeexan u sheegtay maraakiibta shisheeye ee la siiyo shatiga kalluumaysiga
badda Soomaaliya ay shardi tahay in shaqaalaha boqolkiiba 30% ka
dhigaan Soomaali.
Xeerka Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya (xeer #37/1972) waxay dawladdii Soomaaliyeed ka diiwaan gelisay dukumiintida
Qarammada Midoobey - DOALOS/OLA.[6]
Meelo badan oo ka
mid ah dukumiintiga iyo qoraallada Qarammada Midoobey waxaa ku qoran in badda ay
leedahay Soomaaliya (TS) ay tahay 200nmi, halka
dalalka kale badankood badaha ay leeyihiin ay tahay 12 nmi.[7]
- Xusuusnow dalalka kale
cabbirka 200nmi waxay u tahay aagga ganacsiga (EEZ).
Shaxda Dalalka iyo badda inta ay hore u sheegteen -
Warbixintii UN-ta ee May 28, 2008.
Dhaqan Galkii Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka
Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka (UNCLOS), Qodobkiisa 308aad waxa
uu dhigayaa in Heshiiskii la saxiixay 10kii December 1982 uu dhaqan gelayo 12
bilood kaddib marka ay dhaqan geliyaan lixdan (60) dal. Dalalka dhaqan gelinaya
waxaa marka hore laga doonayay in ay sharciga dalkooda waafajiyaan xeerka
UNCLOS III, kaddibna ay Xafiiska Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobey keenaan
khariidadda iyo xogta muujineysa xadka badda dalkaasi sheeganayo, markaas kaddibna in
dalkaasi si rasmi ah u dhaqan geliyo xeerkaas.
Xeerkaas Badaha dhaqan gelinta waxaa loo
furay 10kii December 1982. Maalintaas waxaa xeerka dhaqan geliyey dalka
Fiji.
Soomaaliya waxay noqotay dalkii 40aad ee dhaqan gelinya (1989). Dalkii
60aad waxaa noqday Guyana oo dhaqan gelisey 18kii November
1993. Waxaana xeerka
UNCLOS uu markaas si rasmi ah u dhaqan galay November 1994. Tirada dalalka
dhaqan geliyey heshiishaas (February 2009) waxa ay tiradoodu gaareysey
157 dal.[8]
Khariidadda Muujineysa Heshiiska UNCLOS ee Badaha Adduunka. Isha Sawirka: WikiPedia.
Sida aan kor kusoo xusnay, waxaa jira dalal aan weli saxiixin xeerka Badaha Adduunka
oo tiradoodu gaarayso ilaa 17 dal. Waxa kale oo jira dalal
kor u dhaafaya 20 oo xeerka saxiixay laakiin aan weli dhaqan gelin, waxaana ka mid ah
Maraykanka. Dalka Maraykanku in kasta oo uu ka mid yahay dalalka saxiixay,
haddana heshiiskaas weli ma dhaqan gelin, sababtoo ah waxa uu diidey qodobka
Part XI ee xeerka Badaha.[9]
Qodobka Part XI waxa uu ku saabsan yahay xad u samaynta badda wixii ka baxsan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga (EEZ).
Waxaana qodobkaasi sheegayaa in aaggaas wixii ka baxsan ay noqoneyso Bad Caalami
ah oo ay maamulaan Beesha Caalamka, gaar ahaan hay'ad Qarammada Midoobey
samaysay oo loo soo gaabiyo ISA (International Seabed Authority),
hay'addaas oo qaabilsan macdanta ku jirta ubucda badda hoosteeda. Waxay hay'addaasi
bixin kartaa ogolaanshada iyo shatiyada sahaminta iyo baarista macdanta ee badda ka baxsan
aagga EEZ, iyada oo macaash ka qaadanaysa.
Haya'dda ISA in la asaaso waxaa la soo jeediyey 1982, kulankii
Qarammada Midoobey ee lagu qabtay Jamaica. Waxaase la ansixiyey
16kii November 1994, laakiin waxay ISA si rasmi ah u hawl gashay June
1996. Xarunteeduna waa magaalada Kingston ee dalka Jamaica.[10]
Dalalka Bariga Afrika ee aan weli saxiixin heshiiska Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka waxaa
ka mid ah Eritrea. Dalka Eritrea xilligii la qabtay shirkii lagu
saxiixay Xeerka Badaha waxa uu ku hoos jirey gumaysi, waayo Itoobiya ayaa
dalkaas qabsatay 1962. Waxayna Eritrea xornimadeeda si rasmi ah u ugu dabaal degtay
May 24, 1993.
Dalalka kale ee Afrikada Bari ee Heshiiska Badaha saxiixay, laakiin aan weli
dhaqan gelin, waxaa ka mid ah Ethiopia. Dalka Ethiopia xilligii uu saxiixay
heshiiskaas oo ahayd 10kii December 1982 waxa gacanta ugu jirey dekedda Casmara iyo qayb ka mid
ah Badda Cas oo ah dhulka Eritrea. Laakiin maadaama dadkii lahaa xeebta ay dagaal
kula jireen, markii
dambana laga xoreeyey badda cas, waxaa xukuumadda Ethiopia ku adkaaday in ay
dhaqan geliso Xeerka Badaha.
Soomaaliya, sidii aan kor kusoo aragnay, waxay ka mid ahayd dalalka Afrikada Bari
ee saxiixay, oo haddana dhaqan geliyey Xeerka Badaha - inkasta oo markii xeerkaasi
sida rasmiga ah dhaqan
galay 1994 aysan Soomaaliya ka jirin Dawlad Dhexe - oo dagaal sokeeye ka bilowday
December 1990. Dagaalkaas oo sababay burbur ku dhacay dhammaan hannaankii
dawladeed. Khasaaraha naf iyo maal ka sokow, waxaa burburay wixii xog, macluumaad,
dukumiinti iyo tixraac ahaa ee Soomaalida ugu kaydsanaan jirey madxafyada iyo diiwaanka
dawladda. Waxaa burburay dhaqaalihii dalka, waxaana dalka ka baxay in badan oo
ka mid ah dadkii wax u bartay.
Guddiga Loo Xilsaaray Xadaynta Badaha Adduunka
10kii June 1996 ayey ahayd markii ugu horeysey ee Qarammada
Midoobey si rasmi ah looga hadlay in la sameeyo Guddi ka soo baaraan dega sidii loo kordhin
lahaa badda ay xuquuqda u leeyihiin dalalka leh xeebaha, taas oo fogaantii ahayd 200 nmi
looga dhigo ilaa 350 nmi (648 km), ayadoo la cuskanayey xeerka Qarammada Midoobey ee Sharciyada Badaha ee dhaqan
galay 16kii November 1994. Arrintaas si loo dhaqan geliyana waxaa loo
baahday guddi hawshaas u xilsaaran.
13kii
March 1997 ayaa markii ugu horeysey waxaa la doortay Guddiga Xadaynta Badaha oo ka kooban 21 xubnood. Guddigaas oo loo
soo gaabiyo CLCS (Commission
on the Limits of the Continental Shelf ) waxaa la soo doortaa shantii sanoba
mar. Sidaas daraadeed guddigii koowaad oo hawshiisa bilaabay 16kii
June 1997 waxaa la bedeley 16kii June 2002, waxaana guddigaas sii
bedeley guddiga hawsha hadda gacanta ku haya oo shaqadiisa bilaabay 16kii June 2007 (ee shanta sano 2007-2012).
Guddigaasi waa kan u xil saaran in ay falanqeeyaan oo go'aamiyaan xogta iyo
macluumaadka badaha ee ay dalalku ku soo wareejiyaan ee la
xiriirta xadaynta aagga ganacsiga badaha.[11]
Guddiga Xadaynta Badaha waxaa xarun u ah Qarammada Midoobey Xarunteeda magaalada
New York. Cinwaankooda, emailka, iyo telefoonka lagala xiriiri karo waxa
uu ku qoran yahay dhanka hoose ee warbixintan.
Kulankii 13aad ee ay yeeshaan Guddiga Xadaynta Badaha oo dhacay 26kii April 2004 ayey ku xadideen waqtiga kama dambaysta ah ee dalalku ay ku keenayaan
macluumaadka, xogta iyo khariidadaha la xiriira badaha dalkaas si loogu kordhiyo
baaxadda badda ilaa 350nmi (648 km). Waqtiga kama dambaysta ah ee dalalka loo qabtay waa 13ka
May 2009. Waxaana shardi ah in macluumaadka la soo gudbinayo ay waafaqaan sida
uu dhigayo Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha (oo aan hoos ku
arki doono).
Sida ku cad Xeerka Badaha Adduunka ee UNCLOS, dalalka doonaya in ay
calaamadiyaan xadka badda dhulkooda inta ka baxsan 200 nautical miles (nmi),
waxaa laga doonayaa in ay Guddiga loo Xilsaaray Xadaynta Badaha u keenaan ama ku
soo wareejiyaan akhbaar cilmiyeedka ku saabsan Juquraafiga iyo xadka badda
dalkaas (oo Email
ugu diraan: doalos@un.org ama toos ugu
geeyaan xafiiska UN-ta ee New York) .
Waana in guddiga (CLCS) xogtaas lagu wareejiyo inta ka horeysa May 13, 2009. Guddigaas ayaana
go'aan ka gaaraya xogta.[12]
Kulan ay yeesheen Qarammada Midoobey 19kii June 2007 ayaa looga hadlay baaxadda ay leedahay hawsha ku soo fool leh
Qarammada Midoobey,
gaar ahaan
qaybta u qaabilsan farsamada cilmiga Juquraafiga. Guddiga Xadaynta Badaha waxa
ay muujiyeen sida ay ugu baahan yihiin kharash aad u farabadan, farsamo iyo
aaladda computerka/Software lagu socodsiiyo hawsha xadaynta badaha. Dalalkii halkaas ka hadlay
waxaa ka mid ahaa Koonfur Afrika oo aad ugu dooday in dalalka soo koraya ay ku
adag tahay arrintaasi oo aysan waqtiga loo qabtay ku keeni karin macluumaadka looga baahan
yahay.[13]
Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha
Qodobka Article 76 ee Xeerka Xadaynta Badaha waxa uu si qeexan u
sheegaya macluumaadka looga baahan yahay dalalka leh xeebaha si loogu
kordhiyo ballaca badda ay xuquuqda u leeyihiin. Waxaa loo baahan yahay cabbir
ka soo bilaabanaya Xeebta dalka ilaa 350nmi (648 km) oo dhanka badda ah, xogtaas
oo muujineysa Juquraafi ahaan in Qalfoofka Qaaraddu ay hore u sii gashan tahay badweynta. Waa arrin u baahan cilmi,
lacag, waqti iyo farsamo casri ah iyo dad aqoon u leh oo wax ka dhaadhicin kara
Guddiga Qarammada Midoobey arrintaas u xilsaartay.[14]
Qodobka Article 76 waxa uu sharaxaad ka bixinayaa sida loo samaynayo
khariidadda lagu xadaynayo biyaha dalalka leh xeebaha, ayadoo laga cabbir qaadano wixii ka
baxsan meel xeebta u jirta 200nmi. Waxaana qodobkaas ka mid ah:
- Waxaa shardi ah in xadka baddu uusan ka
badan meel xeebta u jirta 350nmi,
- ama aan ka durugsanaan karin 100 nmi meesha uu
maro cabbirka 2,500 metre isobath oo ah xarriiq isku xireysa meel badda
hoos u gashan ilaa 2,500 mitir. (Halkaas weeye meeshii ay dawladdii
Soomaaliya maanka ku haysay markii ay qoraysey Xeerka #37/1972 qodobkiisa
2aad oo dhigaya "Meesha cabbirka laga bilaabayo waa meesha ugu hoosaysa
xeebaha Soomaaliya" -- xeerkaas markaa la waafajiyo xeerka cusub ee
badaha macnaheedu waxa weeye: si loo xadeeyo badda Soomaaliya waxaa laga
qiyaas qaadanayaa barta ugu hoosaysa dhammaanta xeebaha Soomaaliya oo
markaas hoos looga sii socon karo 2.5km (2,500 mitir).
- Waxaana shardi ah in meesha laga cabbir qaadanayo ay
xadidayaan loolka iyo dhigaha adduunka.
- Muhiimaddu waa in la caddeeyo in
Qalfoofka Qaaraddu uu hore usii gashan yahay badda hoosteeda.
Khariidad muujineysa farsamada xadaynta badaha.. Isha sawirka:
www.un.org/Depts/los/
Waxaa shardi ah dalalku in ay raacaan arrimaha ku qeexan qodobkaas si loo
aqbalo xogta ay u gudbinayaan Guddiga Xadaynta Badaha. Arrintani waa caqabadda
ugu weyn ee soo food saareysa dalalka soo koraya, waayo farsamada ku qeexan
qodobkaas oo ah mid u baahan cilmi dheeri ah iyo aalad farsamo oo aysan haysan
inta badan wadamada soo koraya. Marka laga hadlayo Soomaaliyana waxaa laga soo
bilaabayaa (gal galin, gubad).
Dalalka Xogta u Gudbiyey Guddiga Xadaynta Badaha
Waxaa hadda dunida ka socda dadaal xoog leh oo ay dalalku ku doonayaan in waqtiga loo qabtay
ay xogta iyo cabbirka badahooda ugu gudbiyaan Qarammada Midoobey si loogu kordhiyo baaxadda badda.
Waxayna Qarammada Midoobey daabacdaa liiska dalalka ee xogta soo gudbiyey.[15]
Ruushka ayaa ahaa dalkii ugu horeeyey ee macluumaadka u gudbiyey
Guddiga Xadaynta Badaha, waxana dalkaasi uu
xogta la xiriirta cabbirka badihiisa Qarammada Midoobey gaarsiiyey 20kii December 2001.
Australia waxay 15kii November 2004 xogta iyo cabirka xadka
cusub ee badaheeda ku wareejisey Guddiga Xadaynta badaha - waxaa ka horeeyey Ruushka
iyo Brazil oo keliya. Afar sano kaddib, ayaa Qarammada Midoonbey waxay 9kii
April 2008 dalka Australia u ansixisay in ay kordhisan karto cabirka baddeeda,
kuna darsan karto bad ay baaxadeeda ama bedkeedu yahay 2.5 million km2
(square kilometers) oo siyaado ah, oo bannaanka ka ah fogaanta 200nmi.[16]
New Zealand ayaa ahayd dalkii shanaad ee xogta khariidada badaha dalkiisa u
geeya Gudiga Xadaynta Badaha 19kii April 2006. Soo ururinta xogta
cabbirada badaha waxaa dalka New Zealand ku kharash gareeyay lacag dhan $44
million oo dollar, waxayna ahayd macluumaad ay ururinayeen muddo 10 sano ah.
Waxayna New Zealand sidaas ku heleysaa bad baaxadeeda ama bedkeedu dhan yahay
1.7 million km2
(sq km) oo siyaado ah, islamarkaasna bannaanka ka ah Aagga Ganacsiga Gaarka ah
ee EEZ ee ahaa 200nmi.[17]
Halkaas waxaa kaaga soo baxaya baaxadda ay leedahay soo ururinta xogta loo
baahanyahay, waqtiga iyo lacagta badan ee loo baahan yahay. Waxaa su’aal ah
Soomaaliya ma u suurta gali kartaa muddada yar ee hartay in howshaas adag wuxuun
laga bilaaabo?.
Sanduuqa Taageerada Lacageed ee Xadaynta Badaha
Qaraarkii Qarammada Midoobey ee Resolution 55/7 ee soo baxay 30kii
October 2000 ayaa lagu asaasay Sanduuq Taageerada (Trust Fund)[18]
oo
loogu talo galay in dalalka soo koraya gacan laga siiyo soo dhamaystirka
xogta looga baahan yahay xadaynta badaha. Waxaana xeerkaas la sii ansixiyey
ama wax laga bedeley, markii uu soo baxay Qaraarkii Qarammada Midoobey ee Resolution 58/240 ee
23kii December 2003.
Foomka Dalalku ay Qarammada Midoobey kaga dalban karaan mucaawino si
ay u adeegsadaan soo ururinta xogta xadaynta badda (un.org). |
Ujeedada ugu weyn ee Sanduuqa Taageerada loo sameeyey waxay ahayd in dalalka
soo koraya xogta ay soo ururin doonaan ee badahooda ay waafaqdo sida ku Qeexan
Qodobka Article 76 ee Xadaynta Badaha, farsamo ahaan.
Sanduuqa Taageerada waxaa lacag ka dalban kara dalalka soo koraya, gaar
ahaan kuwa ugu hooseeya xagga horumarka farsamada. Waxaana shardi ah in dalku uu xubin ka
yahay Qarammada
Midoobey, Isla markaasna qayb ka yahay Heshiiska Badaha Adduunka. Dalbashada
caawinaadda waxaa loo sii mari karaa dalalka wakiiladooda u jooga Qarammada Midoobey.
Waxaana lacagtaas loo adeegsan karaa:
- (a). Tababarka farsamo-yaqaannada iyo shaqaalaha maamulidda (waxaa shardi ah
dadka la tababarayo in ay yihiin heer Jaamacadeed, waxaana qofku Sanduuqa
Deeqda ka helayaa tababar hal koorso).
- (b). Aaladda farsamada, sida cilmiga computer-ka, oo la xiriirta sidii
daraasad iyo qiimayn loogu sameyn lahaa Qalfoofka Qaaradda iyo xadkeeda.
- (c). Sidii loo dejin lahaa qorshe ku saabsan soo ururinta xogta
loo baahan yahay iyo khariidadaha.
- (d). Diyaarinta dukumiintiga kama dambaysta ah iyo sidii loogu gudbin lahaa
Guddiga Xadaynta Badaha
- (e). La talin ku saabsan caawinaad la xiriirta qodobbada sare.
Soomaaliya waxay Qarammada Midoobey xubin ka noqotay 20kii
September 1960[19]. Dawladdii Soomaaliya waxay saxiixday heshiiskii badaha (1982), waana
dhaqan gelisey heshiiskaas (1989). Waana dal ka mid ah dunida soo koreysa,
kuwa ugu hooseeya. Sidaas daraadeed waxay ahayd in Soomaaliya ay ka
faa'iidaysato lacagta Sanduuqa Taageerada si ay u samayso cabbirka badda ee
looga baahan yahay si loo xadeeyo badda Soomaaliya oo markaas loogu kordhiyo
fogaan ilaa 350nmi.
Arrintaasi waxay meesha
ka baxday markay la dageen siyaasado isugu maran sidii shabaaktii. Waxayna u muuqataa in
waqtigii ka dhammaanayo Soomaaliya, haddaan lahelin cid ugu howl gasha si dag
dag ah.
Soomaalida, Xeerka Cusub iyo Waqtiga Kama Dambaysta ah
Sida aan kor kusoo aragnay, May 13, 2009 waa maalinta ay Guddiga Xadaynta
baduhu u qabteen in dalalku ay ku keenaan xogta iyo khariidadaha xadayneya
badahooda. Waxaa maalintaas ka dhiman laba bilood iyo xoogaa (markii aan
qoraalkan qoreyney).
Waa arrin aad u adag in waqtigaas kooban lagu soo diyaariyo ama lagu soo
ururiyo dhammaan xogta badaha Soomaaliya, isla markaana waqtiga ku haboon loogu
gudbiyo Qarammada Midoobey si aan badda Soomaalida cid kale ula wareegin, waxaa
khasab ah in Dowladda hadda jirta ay si dag dag ah u howl gasho iyadoo
adeegsanaysa cidkasta oo ka caawin karta howshaas adag.
Waxaa xusid mudan in arrintani ay la xiriirto Ganacsi iyo dhaqaale lumaya/dhumaya. Sidaas daraadeed waxaa
muhiim ah in laga fekero sidii ay Soomaalidu u adeegsan lahayd Qodobka Article 79 ee Xeerka
Qarammada Midoobey ee
ku saabsan heshiisyada in laga bixi karo marka ay dhacaan arrimo aan bini'aadamku
wax ka qaban karin - oo Afka Faransiiska lagu yiraahdo "Force Majeure",
luqadda Ingriiskana ku ah "superior force" - maadaama Soomaaliya ay
ka jireen dagaallo iyo xasillooni la'aan Dec 1990 ilaa 2009.
Sidaas daraadeed, haddii wax kale la qaban waayo, oo ay suurta geli weydo in
xogta lagu keeno waqtiga loo qabtay, waxaa markaas muhiim ah in Qarammada
Midoobey lagu qanciyo in dhulka Soomaalida maadaama ay dagaallo iyo deganaansho
la'aan ka socdeen ilaa markii la ansixiyey xeerka badaha (1994), oo aysan jirin
dawlad awood u leh soo ururinta xogta xadaynta badaha dhulka Soomaalida, markaas
in waqtiga dib loogu dhigo ilaa muddo macquul ah.
Haddii aan sidaas la yeelin, ama aan la helin qorshe arrintaas xal u ah, waxaa
markaas halis ku jira baaxad aad u ballaaran oo ka
mid ah badda Soomaalida oo ay dhici karto in lala wareego.
Yaa la wareegaya, Maxaase Muranka Keeni Doona?
"Su'aasha ku saabsan meesha ay
Kenya ka dhigeyso xadkeeda ay badda kala wadaagto dalka deriska kala ah
WaqooyigaBari ee Soomaaliya waxay muddo dheer walaac ku haysay madaxda Kenya
isku daygooda in ay Batrool ka sahamiyaan aagga Lamu. Laakiin maadaama
Soomaaliya aysan hadda ka jirin Dawlad Dhexe, ama wax dawlad ah oo sharci ah,
Soomaaliya ma joogto meeshii ay (Qarammada Midoobey) ku keeni lahayd dukumiintiga
looga baahan yahay si ay u xaqiiqsato xeebta aagga baddeeda, sidaas daraadeed
waxaa dhici karta inay dhulka baddeeda weydo oo ay qaataan Kenya, Jabuuti,
Ethiopia iyo Yemen," waxaa sidaas qoray wargeyska Ratio Magazine oo ka soo baxa
Kenya, caddadkiisii 9kii February 2009.
Wargeyska Ratio Magazine, waxa uu qormadiisa ku daray "Dhacdooyinka
Burcad badeedka ee ku soo badanaya biyaha Soomaaliya awgeed, waxay u badan tahay in beesha
caalamku ay aqbali karaan biyaha Soomaaliya in ay gacanta u galaan maamul ka mid
ah dalalka la deriska ah ee xasiloon."
Kenya sida ay sheegtay, waxay xogta xadaynta baddeeda ku geyn doontaa
waqtiga ay Qarammada Midoobay dalalka u qabatay in ay akhbaarta ku keenaan (May
13, 2009). Guddiga Xadaynta Badaha waxay website ku daabacaan xogta loo gudbiyo,
sidaas daraadeed la arki doonee halka ay Kenya mariso khadka xadaynaya baddeeda
ee aagga la olloga ah Lamu oo ku dhow Raas Kambooni - sida aan ku arki doono
warbixintan dhankeeda hoose, Kenya waxay Qarammada Midoobay u gudbisay qoraal
hordhac ah oo ay si qayaxan u cabiratay qaar kamida badda Soomaalida.
Ethiopia
iyada warkeedii waa dhammaaday mar haddii dib looga qabsaaday baddii Eritrea ee
ay
xoogga ay ku haysatay. Sidoo kalena uu yaraaday shakigii laga qabay in Dowladda
Ethiopia hungurayso badda Soomaaliya, kaddib markii laga saaray Muqdisho oo ku
taal xeebta Badweynta Hindiya. Waxaan wali meesha ka marnayn in Dowladaha dariska
oo Ethiopia ugu horayso hunguri galo haddii lagu fashilmo in xal loo helo
arrintaas, in ay codsadaan in UN-tu ka kirayso Badaha Soomaaliya, kaddib markii
UN-tu la wareegto.
Jabuuti: Wargayska Ratio waxa uu xusay "Jabuuti". Waxaase dhici karta in
wargeysku uu si af-gobaadsi ah u xusay Jabuuti, waayo dadka reer Jabuuti waa Soomaali mana
laga filan karo inay kusoo durkaan badda ay wadaagaan Soomaali wayn iyagoo ka
faa'iidaysanaya duruufta. Arrintaasna waxaa cadayn u ah in Jabuuti ku
mashquulsanayd ilaa markii dowladii Soomaaliya dhacday sidii ay markale dib ugu
soo laaban lahayd dawlad Soomaaliyeed.
Yemen: Fogaanta u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa wax aan ka badnayn 300 km (meelaha qaarkood). Sidaas daraadeed waxaa la arki doonaa
Yemen meesha ay mariso
cabbirka xadka baddeeda, marka ay xogta ku wareejiso Qarammada Midoobey.
Arrimahaas oo jira, haddana hadalka wargeyska Ratio waa mid aan la
yaraysan karin ama la dhayalsan karaynin. Gaar ahaan waxaan eegeynaa Yemen iyo Kenya iyo xadka badaha ay la
wadaagaan dhulka Soomaalida.
Fogaanta waxaan ka cabirray GoogleEarth, intaas waa ka yaraan
kartaa ama ka badan kartaa...
Jihooyinka Adduunka
Sida aan hoos ku arki doono, marka la xadaynayo badaha adduunka,
islamarkaasna cabbirka lagu muujinayo khariidadaha, waxaa muhiim ah in la adeegsado
jihooyinka adduunka ayadoo lala kaashanayo loolka iyo dhigaha adduunka. Sida
caadiga ah marka la doonayo in la calaamadiyo meel ka mid ah khariidadda adduunka
waxaa muhiim ah in la yaqaan loolka iyo dhigta bartaasi dhacdo ama ku taal.
Loolka iyo Dhigaha mara Soomaaliya ka
Eeg Halkan.... [pdf]
Xadka Badda ee u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen
Jasiiradda Suqadara[20] (Socotra) - oo November 30, 1967
gacanta u gashay Yemen
- waxay
xeebta Soomaaliya u jirtaa 150 mile oo keliya. Islamarkaas Suqadara waxay xeebta Yemen u
jirtaa 190 mile. Jasiiradaha yaryar ee la xiriira Suqadara waxaa ka mid ah
Cabdul Khuuri (Abd-al-Kuri) oo 50 mile oo keliya u jirta Raas Casayr (Gardafuul)
oo ah Soomaaliya. Waxa kale oo Suqadara hoos taga labada Jasiiradood ee Samhah
iyo Darsa (oo loo yaqaan Walaalaha "Brothers") oo u dhaxeeya Khuuri iyo Suqadara.
Si loo xadeeyo badda Soomaalida ee xigta cirifka Raas Casayr, waxay Soomaalidu soo
jeedisey in la raaco nidaamka Xeerka Badaha ee loo yaqaan jeexidda khadka. Haddii
sidaas la yeelo markaas fogaanta badda ay Soomaaliya leedahay oo ah 200nmi waxaa
soo hoos gelaya badda ay ku yaalaan Suqadara iyo jasiiraha ku dhow. Soomaalidu
waxay aad uga dooday in aysan ku qanci doonin haddii laba qaybood oo is leeg loo qaybiyo xadka badda u
dhaxaysa Suqadara iyo Soomaaliya (aagga ku beegan magaalada Bareeda). Waxaana cillada u weyni ka jirtay jasiiraha yaryar ee ka sokeeya
Suqadara, oo haddii xadka iyaga laga bilaabo (sida ka muuqta sawirka
hoose) in markaas xadka baddu aad ugu soo dhawaanayo Soomaaliya. Yemen waxay dooneysey sida
ka muuqata kharidadda hoose oo ah in laba is leeg loo qaybiyo badda u dhaxaysa
Soomaaliya iyo jasiiradda ugu xigta Soomaaliya.
Xadaynta badda ay Soomaalidu diidanayd. Buugga uu qoray H. W. Jayewardene
(1990)
Dhanka xiga Waqooyiga Soomaaliya, waxaa xadka baddu ka soo
bilowdaa qiyaastii 85nmi (157km) meel dhanka Bari kaga aadan Baab Al Mandab,
bartaas cabirka laga soo bilaabayo oo dhacdo Loolka iyo Dhigta 11° 50' N iyo 44° 10' E. Waxaana halkaas ka bilaabanaya
xarriiq u socota dhanka WaqooyiBari (NE) oo fogaan is-leeg u jirta Yemen
iyo Soomaaliya. Waxaana xarriiqdaasi soconeysaa qiyaastii 420nmi (778km) ayadoo sii dhex maraysa badda Gacanka
Cadmeed ilaa ay gaarto barta leh Loolka iyo dhigta 13° 32' N iyo 51° 06' E.
Bartaas marka la gaaro waxaa xarriiqda xadaynta caqabad ku noqonaysa
Jasiiradda Cabdi Al Khuuri oo Koonfurta ugu xigta Jasiiradaha la xiriira
Suqadara. Halkaas oo xarriiqdii ay markaas si degdeg ah ugu leexanayso Jihada KoonfurBari
(SE) iyada oo ku
dhammaaneysa barta leh Loolka iyo Dhigta 9° N iyo 54° 30' E bartaas oo
fogaan is leeg oo ah 200 nmi u jirta Raas Xaafuun iyo Jasiirada Darsa oo Koonfur
kaga aadan Suqadara. (Raas Xaafuun waxa ay dhacdaa barta 10°26'36"N, 51°24'54"E).
Khariidad muujineysa Loolka iyo Dhigaha Xadaynaya badda
u
dhaxaysa Somalia iyo Yemen.
Jabuuti-Soomaaliya-Yemen: Xeebta kooban ee dhaxaysa Jabuuti-Soomaaliya waxaa lagu xadeeyay heshiis
dhaxmaray Ingriiska (British Somaliland) iyo Faransiiska (French Somaliland/
Jabuuti),
heshiiskaas waxa uu dhacay 2dii ilaa 9kii February 1888.
Xariiqada xadaynaysa (dhulkii ay qabsadeen Anglo-French) waxay dhanka xeebta ku beegan
meesha loo yaqaan ceelasha oo ku dhaw Lawyacaddo (The
Geographer 1979: 3). Xadaynataasi waxay maraysaa meel waxyar WaqooyiBari ka
xigta Lawyacaddo oo ku taal xeebta Gacanka Cadmeed, bartaas oo dhacda loolka iyo
dhigta 11°27'55"N iyo 43°15'45"E. (Waxaa jira cabbir inyar kaas ka duwan oo ku
xusan buugga Browlie (1979: 773) oo ah 11°27'45"N iyo 43°15'35"E). Xagga badda
waxaa xadaynaya jasiiradda Ras Bir oo Jabuuti ah iyo jasiirada Ceebaab oo dhanka
Soomaaliya. Xagga aagga ganacsiga (EEZ) ee xadaynaya Yemen-Jabuuti-Soomaaliya
waa meel qiyaastii 60nmi
u jirta xeebta labada gebi ee badda, bartaas oo dhacda 11°55'N iyo 44°07'E
(in kasta oo qiyaastaasi wax yar ka duwan tahay cabbirka khariidada sare, waayo
xilligaas 1888 ma jirin aalada casriga ah ee GPS).
Barta ay ku kulmaan badda Yemen-Jabuuti-Soomaaliya. Sawirka:
GoogleEarth.
Xadka Soomaaliya & Kenya: Aagga Raas Kambooni iyo Lamu
Xadka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya waxa uu ku
dhammaadaa dhul siman oo xeebta ah. Marka xeebta laga bilaabo xarriiq fogaan
is-leeg u jirta labada dal, waxay xarriiqdaasi gaareysaa barta ku beegan Loolka iyo
Dhigta 3° 30' S, 44° 19' E - waa marka ay xarriiqdaasi (oo ka
bilaabaneysa xeebta barta 1° 39' 13" S, 41° 34' 02" E) ay gaarto fogaan
xeebta si toos ah uga durugsan 200 nmi (oo ah Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga), sida ka muuqata Khariidadda hoose.
FG: Xusuuso in aan soo xusnay in xeerka badaha adduunku dhigayo in fogaanta
laga cabirayo badda ay noqoto mid toos ugu beegan xeebta - Dawladdii
Soomaaliyeed
arrintaas aad ayey ugu dhaganayd, waayo, sida aan hoos ku arki doono,
faa'iido ayaa Soomaalida ugu jirta in la raaco xeerkaas marka la cabbirayo xadka
badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Khariidad muujineysa Loolka iyo Dhigaha Xadaynaya badda
u dhaxaysa Somalia iyo Kenya.
Maadaama xeebta u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya ay ku dhereran tahay jihada KoonfurGalbeed -
WaqooyiBari (SW-NE), markaas xarriiqda xadaynta badda ee labada dal u jirta
fogaan is-leeg waxaa loo cabirayaa
dhanka jihada KoonfurBari (SE). Inkasta oo ay dhici karto in Kenya ay sheegi
karto in xarriiqdaasi ay xagal daacineyso Kenya, haddana Soomaaliya waxaa
Juquraafi ahaan xagal daaciyey Jasiiradda Suqadara iyo jasiiraha ku xeeran, oo 55 nmi oo keliya u jira Raas Casayr, oo ah cirifka WaqooyiBari ee Afrika.[21]
Khariidad: Jihada Xadka Soomaaliya iyo Kenya
Eeg
sawirka oo weyn....
Cabbiradii iyo xadkii badaha ee hore loo sameeyey iyo wixii Soomaalidu ka
aaminsanaayeen in la ogaado muhiimad weyn ayey leedahay si loola xisaabtamo
dalalka (xadka badda kala wadaaga) marka ay xogta cabbirada cusub
ee badahooda u
gudbiyaan Qarammada Midoobey. Arrintaas oo muran keeni karta haddii dalalkaas
cabbirkooda u xadeeyaan qaab aan Soomaalidu aqbali karin.
Sida aan kor kusoo xusnay, xeebta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya waxay
dhacdaa loolka iyo dhigta (1°39'13"S, 41°34'02"E). Halka
barta xadayneysa fogaan xeebta u jirta 200nmi (370.4km) ay dhacdo loolka iyo
dhigta (3°30'S, 44°19'E) - cabbirkan oo ay ogeyd dawladdii Soomaaliyeed.
Haddaba marka cabbirka laga bilaabo xeebta oo toos loo socdo dhanka badda fogaan
cusub oo ah 350 nmi waxaa markaas (qiyaastii) barta cusub ee xadayneysa
badda Soomaaliya iyo Kenya ay dhacaysaa loolka iyo dhigta 4°54'13"S,
46°24'55"E. Waxaana halkaas ka soo baxaysa xarriiq[22]
muhiim u ah xadaynta badda u dhaxaysa labada dal, taas oo la barbar dhigi karo
cabbirada ay Kenya u gudbiso Qarammada Midoobay.
Xarriiqda isku xirta xeebta iyo fogaanta 350nmi.. Eeg
Loolka iyo Dhigaha xarriiqdaas
FG: Si aan u helo cabirka loolka/dhigaha waxaan adeegsaney
Java & xeerka
Haversine
Dhanka kale, sida aan kor kusoo xusnay, Xeerka badaha ee hadda la doonayo in
la dhaqangeliyo, waxa uu qeexayaa haddii May 13, 2009 aysan dalalku ku keenin
cabbirka khariidadaha ee xadaynaya badda wixii ka baxsan 200nmi, waxaa markaas
badda wixii intaas bannaanka ka ah la wareegi doona hay'adda ISA, taas oo ka
kirayn karta dalal kale si ay uga kalluumaystaan ama macdan iyo batrool uga
baartaan. Taasi waa muhiim in lagu baraarugsanaado waxsoosaarkii hore ee
kalluunka Soomaaliya.[23]
Kenya oo Calaamadsatay Dhul-Badeedka Soomaaliya:
Warbixinta qaybteeda sare markii aan dhamaynay, una gudbinay xubno ka tirsan
Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG), ayaa waxaa bogga
Qarammada Midoobay 10kii Maarso 2009 lagu daabacay qoraal ay Kenya u
dirtay UN-ta qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha. Qoraalkaas oo ay la socdaan
cabbiro iyo khariidado muujinaya in Kenya ay xadkeeda ku darsatay dhul-badeed
ballaaran oo ah badda Soomaalida.
Dhul-badeedka Soomaaliya ee ay Kenya baddeeda ku darsatay, si xeel dheer si loogu fahmo waxaan
qaybtan gogoldhig uga dhigaynaa
heshiisyadii[24] dhexmaray Ingriiska iyo Talyaaniga ee xadka loogu sameeyay dhulka Soomaalida.
Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga ayaa waxaa dhex maray heshiis dhacay 15kii
July 1924, laakiin ay isku
raaceen 17kii December 1927, heshiiskaas oo ku saabsanaa calaamadinta
xadka Soomaaliya iyo Kenya. Xadayntaas waxaa ku
cad in shanta (5) jasiiradood ee loo yaqaan LAMA SHAAQA[25] ay leedahay Soomaaliya,
jasiiradahaas oo Koonfur ka xiga Raas Kambooni - macnaha ay arrintaasi u
leedahay xadaynta badda gadaal ayaan ka arki doonaa. (FG: Xadka laga hadlayay
waxa uu NFD[26] raacinayay dhanka Kenya. Soomaaliduna ma aqoonsanayn
taas
maadaama NFD ka maqan tahay, laakiin sida aan warbixinta hoose ku arki doono,
Kenya waxay hadda kusoo xad gudubtay xadkii xilligaas loo kala calaamadiyey
Somalia iyo Kenya).
16kii iyo 26kii June 1925 xiriir dhexmaray safiirkii Boqortooyada Ingriiska u
fadhiyay magaalada Rooma iyo madaxa dawladda & Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqorkii
Talyaaniga ayaa waxay isku raaceen halka la marinayo xadka dhanka Koonfureed ee Soomaaliya-Kenya.
Waxaana heshiiskaasi dhigayey in "Raas kambooni iyo jasiiradaha u dhaw ay hoos
tegayaan dhanka Soomaaliya".
Guddi labada dal (Ingriis-Talyaani) waxay xilligaas u xilsaareen arrinta
xadaynta waxay ogaadeen in ay jiraan lix jasiiradood oo ku dhaw Raas Kambooni.
Mid jasiiradahaas kamid ah waxay ku dhagan tahay Raas Kambooni, 5-ta kale waxay
qiyaastii 2km dhanka Koonfur-Galbeed kaga aaddan yihiin Raas Kambooni, waxaana
loo yaqaan Lama Shaaqa (Isolotti Lamasciaca ama "Diua Damasciaca"). Jasiiradahaas tan
Koonfurta ugu xigta waa dhagac weyn oo cabbirka dhexroorkiisu yahay 50 mitir.
Heshiiskaas waxaa si qeexan ugu qoran in "Jasiiradaas yar ee Koonfurta ugu xigta
5-ta jasiiradood ay tahay barta
xadaynaysa badda Kenya iyo Soomaaliya. (Waa haddii marka hore aan laga hadlin
NFD oo xadku halkaas dhanka Koonfureed ka sii xigi karo.)
Qoraal kale oo ay is dhaafsadeen Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingriiska, 22kii
November 1933, ayaa sii xaqiijiyay xarriiqda iyo barta xadayneysa badda
Kenya-Soomaaliya, waxaana qormadaas (Italy-Britain) ku qeexan in: xarriiqda
xadaynaysa badda
(Soomaaliya-Kenya) waxay dhanka Galbeed ka maraysaa cirifka Koonfureed ee jasiiradda Koonfurta
ugu xigta 5-ta jasiiradood ee LAMA SHAAQA. Waxayna xarriiqdaasi u soconeysaa
jihada Koonfur-Bari, waana xarriiq toos ah oo xagal qumman (90°) ugu qotonta
jihada ay xeebtu ku dherersan tahay (taas macnaheedu waa: maadaama barta xadka
kaga beegan xeebta ay jihadeedu tahay WaqooyiBari - KoonfurGalbeed, markaas
xagasha taas ku qotonta jihadeedu waa dhanka KoonfurBari, sida aan ku soo
aragnay dhanka sare ee warbixintan).
Dowladii Somaaliyana waxay xiligeedii ma dhaafin cabirkii (Italy- Britain) ay waagaas sameeyeen. Waxaa
xusid mudan in labada dalba lagumaystay oo wadanka Soomaaliyana xornimmada
ka hor qaaday Kenya, waxaa kaloo jirtay in wadanka Soomaaliya xornimmadii kadib,
uu wadanka Kenya xaga Military-ga uu aad uga horeeyey, ama aad uga xoogbadnaa,
laakiin labadaas arrimood ma keenin in wadanka Soomaaliya ku xadgudbo
xuduud-beenaadka gumaysigu sameeyeen oo Kenya loogu sadburiyey. Mana dhicin inuu iska cabirto badda waagaas Kenya loo qoondeeyey, waxaanse marnaba
reebanayn sheegashada iyo doonista in dalka xooga laga gooyey uu kamid yahay
Soomaaliya, inuu dib ula soonoqdana ay ka go'antahay.
Arrimahaas oo jira ayaa Kenya waxay si aan gabasho lahayn hadda u cabiratay
dhul-badeed baaxad weyn oo ka mid ah biyaha badda Soomaalida, sida ku cad
wareegtada hoose ee uu saxiixay madaxweynaha hada ee Kenya.
Wareegto[27] ka soo baxday Dawladda Kenya, 22kii July 2005, laguna
baahiyey faafinta rasmiga ah ee dawladda (Kenya Gazette, No. 55), waxaa ku
qoran cabbirro iyo khariidad si cad u muujinaya in Kenya ay si bareer ah u
cabbiratay dhul-badeedka Soomaalida.
Wareegtada oo 9kii June 2005 uu saxiixay Madaxweynaha Kenya Mwai
Kibaki, qodobkeeda 1aad, farqadda (b) waxaa ku qoran in xadka dalkiisu dhanka
badda kala wadaago Soomaaliya ay xadayso Koonfurta Jasiiradda Lama-Shaaqa oo
dhacda Loolka 1°39'34"S. Loolkaas oo u soconaya Jihada Bari,
sida ka muuqata khariidadda hoose oo qayb ka ah wareegtada Kenya. Waxaana jira
qoraal ay
xukuumadda Kenya u dirtay Qarammada Midoobay
25kii April 2006 kaas oo xusatay wareegtadaas.
Khariidadda ka muuqata sawirka hoose, qoraal muujinaya cabbirada ay Kenya sheeganeyso
iyo saxiixa madaxweynaha (Kibaki) waxaa 10kii March 2009 lagu
daabacay bogga UN-ta ee lagu daabaco xogta loo gudbiyo Qarammada Midoobay qaybta
u qaabilsan Xadaynta Badaha.
Khariidadda xadaynta ee
Kenya u gudbisay UN-ta
Marka la eego khariidadda ay Kenya samaysatay, barta cusub ee
xadka dhul-badeedka Kenya waxay toos ugu beegan tahay magaalada Kismaayo, islamarkaasna
waxay fogaan ka
badan 210km Waqooyi ka xiga calaamaddii hore ugu xadaysnayd labada dal.
Xarriiqda jihada bari (Kenya ayaa samaysatay), xarriiqda
Koonfur-bari (xadka rasmiga ah)
Sida aan warbixinta meelo badan kaga soo xusnay, xarriiqda
rasmiga ah ee xadaynta dhul-badeedka Soomaaliya iyo Kenya ee ay ogeyd Dawladdii
Soomaaliyeed waa xarriiq toos ugu beegan xeebta (bartii ay calaamadiyeen
Ingriiska iyo Talyaanigu markii ay dhul Soomaaliya ka mid ah siiyeen Kenya). Xariiqdaasi
jihadeedu waa Koonfur-Bari (in arrintaas lagu celceliyo waa muhiim).
Waxaana halkaas ka soo bixi doona sida aysan suurtagal u noqon karin in Dawlad
Soomaaliyeed iyo shacabkeedu ay aqbalaan cabbirka ay Kenya samaysatay 2005, balse la soo shaac bixiyay 10kii
March 2009. Cabbirkaasi waxa sida muuqata uu deel-qaaf iyo xad gudub ku yahay xornimada Soomaaliya.
Jihada Xarriiqda xadaynta Kenya iyo Soomaaliya
Buugaag badan ayaa laga qoray halka uu maro khadka kala qaybiya xadka
dhul-badeedka
Soomaaliya iyo Kenya. Dhammaan buugaagtaasi waxay muujinayaan in xarriiqda
xadaysa ay jihadeedu tahay Koonfur-Bari. Buugaagtaas waxaa ka mid ah buugga cinwaankiisu ahaa
"Ammaanka deegaanka iyo caddaalada dalalka ku xeeran Badweynta Hindiya"[28] oo la
qoray 2008, bogga 104-105 (Doyle & Risely 2008, 104-105). Buugaasi qaybta ka hadlaysa
dhul-badeedka Soomaaliya iyo xadka dalalka deriska la ah waxaa ka mid ahaa
hadaladiisii qormadan hoose:
Soomaaliya oo xeebteedu tahay qiyaastii 3,300km, waa dalka ugu xeebta dheer
Qaaradda Afrika. Xeebtaas dheer awgeed, Soomaaliya waxay sheegan kartaa bad
baaxaddeeda lagu qiyaasay 1.2 million Square Kilometers (Jennings 2001, 404).
Inkasta oo qiyaasta cabbirkaas aan la hubin, waayo majiro xad ay Soomaaliya la
waafaqday dalalka deriska la ah. Soomaaliya waxay saxiixday Xeerka badaha
Adduunka ee Qarammada Midoobay, waxayna xeerkaas ansixisay 24kii July
1989.
Sharciga Soomaaliya ee No. 37 (September 10, 1972) waxaa ku cad in fogaan
dhanka badda oo 200 nmi xeebta u jirta in ay ka mid tahay dhulka Soomaaliya,
halka habka caadiga ee adduunka (wadammada kale) uu yahay 12nmi (LOSC, Article 3). Taasi waxay
xilligaas sababtay mucaaradad kaga timid Maraykanka (Roach & Smith 1996,
158-61).
Waxaa in la xasuusto mudan in cabbirka 200-nmi ee dhul-badeedka Soomaaliya ay
sheegatay uu ka horeeyey intii aysan Soomaaliya saxiixin oo hirgelin xeerka
badaha Adduunka. Xaqiiqo ahaan Soomaaliya lama keli aha in 200-nmi oo fogaan
dhanka
badda ay dhulkeeda ka mid tahay. Dalal dhawr oo leh xeeb ayaa sidaas oo kale
sameeyey. Arrimahaasi waxay ka tarjumayaan rabitaanka dalalka xeebaha leh ay
doonayaan in ay kordhiyaan baddooda si ay u yeeshaan maamulidda khayraadka
dabiiciga ee ku jira badda (Prescott & Schofield 2005, 34).
Markii la sameeyey xeerka Qarammada Midoobay ee dhigaya in dalalka xeebaha
leh ay yeelan karaan 200-nmi oo bad ah oo ay u adeegsan karaan xagga
ganacsiga (aagga EEZ), waxaa dalal badani ka laabteen sheegashadii in badda ilaa
200-nmi ay ka mid tahay dhulkooda, waxayna ku ekaadeen 12nmi. Laakiin dalal dhawr ah
ayaa ku adkaystay in 200nmi ay ka mid tahay dhulka dalkooda, waxaana dalalkaas
Soomaaliya ku weheliya Liberia iyo Sierra Leone.
Sidoo kale maadaama Soomaaliya aysan ka jirin dawlad dhexe oo shaqayneysa,
weli khad sugan (ama cabbir rasmi ah) looma samayn xadka badda ee ay la wadaagto
dalalka deriska la ah: Jabuuti oo Galbeed kaga aadan, Yemen oo Waqooyi iyo
WaqooyiBari ka xigta iyo Kenya oo xigta dhanka Koonfureed. Ugu dambayntii marka
ay Soomaaliya bilowdo in ay xadka badda kala xaajooto dalalka deriska la ah,
waxaa jiri doono muran u dhaxeeya Soomaaliya iyo labada dal oo ah Yemen iyo
Kenya.
Badda Khaliijka Cadmeed labadeeda gebi ee iska soo horjeeda (ee Soomaaliya iyo
Yemen) waa dhul siman, sidaas daraadeed waxay u muuqataa in aan muran badani ka
iman karin oo ay xadayn karto xarriiq labada dhinac isku in u jirta. Laakiin,
Jasiiradda Suqadara ee Yemen ayaa caqabad weyn ku ah baaxadda badda Soomaaliya,
taas oo adkayn karta heshiis laga gaaro aaggaas.
Marka laga hadlayo xadka badda Soomaaliya iyo Kenya, marka la eego xarriiqda
isku in u jirta labada dal waxay u soconeysaa jihada Koonfur-Bari,
waxaana jihada xarriiqdaas xaddidaya waa
xeebta laga cabbir qaadanayo dhanka ay u jihaysan tahay iyo jasiirad yar oo ay
leedahay Soomaaliya oo aagga ku taal (Prescott & Schofield 2005, 465-66).
Arrintaasi maadama Kenya aysan jeclaysan, waxay qaadatay go'aan ay la gaar
tahay (iyadoo jebineysa xeerkii badaha oo ay saxiixday, kuna soo xad gudbeysa
xornimada Soomaaliya), waxayna Kenya ku andacootay xarriiqda xadayneysa aagga EEZ ee badda ay la
wadaagto Soomaaliya in ay tahay mid u soconeysa dhanka "Bari" oo maraysa loolka
1° 38' S. Xarriiqdaas oo fogaan badan aad Waqooyi uga xigta xarriiqda xadka badda
Soomaaliya-Kenya ee aan kor kusoo xusnay ee ahaa jihada Koonufur-Bari (Bradley
et al. 2000, 192, 288).
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka leh xeebta aadka u dheer ee dhinaca
bad Waynta Hindiya u furan oo aan dalal kale kaga soo dhaweyn. Dalalka badda furan
waxay sheegan karaan baaxad ka weyn 200nmi, ayadoo la raacayo
Article 76 ee xeerka Qarammada Midoobay. Dalalkaas sidaas sheegan kara waxaa ka mid ah Australia, New Zealand,
Brazil, Namibia, Soomaaliya iyo Hindiya. (Prescott & Schofield 2005: 51).
Halkaas haddii aan kaga gudubno qoraalladii buugaagta, waxaa kale oo jirta daraasad[29]
ay samaaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, oo soo baxday 14kii
May 1973, kuna saabsan xadka Kenya-Soomaaliya. Daraasaddaas oo tixraacaysay xadayntii ay
sameeyeen Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga, waxay xarriiqda xadaynta
(Soomaaliya-Kenya) marineysaa meel dhanka Koonfureed ka xigta jasiiradda Koonfur ugu xigta 5-ta jasiiradood ee Lama
Shaaqa. Daraasaddaas oo ay sii faafisay Jaamacadda Florida State University,
qaybteeda sharciga, waxaa ku cad in xariiqdaas xadaynta ay jihadeedu tahay
Koonfur-Bari.
Xariiqda xadaynta Kenya-Soomaaliya jihadeedu waa Koonfur-Bari
Khariidadda cusub ee Kenya u samaysay xadka baddeeda, waxay ku sheegatay in
bedka dhul-badeedkeedu (aagga EEZ) yahay 142,400 km2,
cabbirkaas oo aad uga badan cabbiradii hore ee ku qoran buugaagtii, warbixinadii iyo kharidadihii hore loo sameeyey.
Tusaale ahaan,
hay'adda ICSF[30] (oo ah NGO caalami ah oo xafiisyo ku leh Belgium iyo Hindiya)
oo warbixin ka diyaarisay bedka dhul-badeedka dalal ku xeeran Badwaynta Hindiya
ayaa si qeexan u muujisay in bedka badda
(EEZ) ee Kenya uu yahay 104,700 km2.
Halkaas waxaa ku cad in cabirka cusub ee Kenya uu gudaha badda Soomaaliya ugu jiro dhul-badeed
baaxaddiisu dhan tahay in ka badan 37,700 km2.
Marka khariidadda laga xisaabiyo, ayadoo la adeegsanayo loolka iyo dhigaha ay
Kenya calaamadsatay, waxaa soo baxaya in Kenya ay baddeeda ku darsatay dhul-badeed baaxadiisu gaareyso in ka
badan 38,000 km2 oo ah bad Soomaaliyeed,
sida ka muuqata sawirka hoose.
Saddexagalku waxa uu muujinayaa baaxadda dhul-badeedka ay Kenya ku
darsatay baddeeda.
Waxaa dhici karta in Kenya si indha-sarcaad ah ugu andacooto in jihada
xarriiqda ay u samaysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya tahay mid la barbarro
ah jihada xarriiqda xadaysa Kenya iyo Tanzania. Ugu horayn juquraafi
ahaan waa kala duwan yihiin labada xad, waayo xarriiqda xadaynaysa Kenya iyo
Tanzania waxaa xanibaya jasiirad ay leedahay Tanzania oo aan xeebta aad uga fogeyn,
taas oo lagu magacaabo Pemba (oo loo yaqaan 'Al Jazeera Al Khadra'
ama jasiiraddii cagaarnayd, taas oo dhanka Waqooyi ka xigta Zanzibar).
Sida ka muuqata khariidadda hoose, marka laga cabbir qaato jasiirada Pemba,
waxaa la jeexayaa xarriiq isku in u jirta Kenya iyo Tanzania (maadaama
jasiiradda ay leedahay Tanzania), xarriiqdaasi waxay u socota jihada Bari.
9kii July 1976 ayay xadkaas iyo jihada xarriiqdaas Kenya iyo Tanzania
isku raaceen[31].
Dhanka xadka Kenya iyo Soomaaliya, maadaama jasiiradaha ku yaal aaggaas ee
Lama Shaaqa ay leedahay Soomaaliya, islamarkaasna ay tahay in la raaco xeerka
badaha oo ay Kenya iyo Soomaaliya ansixiyeen, waa in xarriiqda xadaynaysa
labadaas dal ay noqoto mid isku in u jirta, isla markaasna u socota jihada Koonfur-Bari. Taas
macnaheedu waa in xarriiqdaasi marto meel Koonfur ka xigta jasiiradahaas, sida
aan ku soo aragnay qaybaha hore ee warbixintan. (Xusuuso nidaamka la raacay
aagga ku beegan jasiiradaha Suqadara).
Kharidad muujineysa xadka u dhaxeeya Somalia-Kenya-Tanzania.
Isha:
www.seaaroundus.org
Marka la dhuuxo cabbirada aan kor kusoo aragnay ee Kenya samaysatay,
waxaa laga soo dhiraan-dhirin karaa in ay dooneyso khad cusub oo ay mariso
xadkeeda marka ay xogta rasmiga ah u gudbiso Qarammada Midoobay qaybta u
qaabilsan Xadaynta Badaha. Islamarkaas waxaa la xisaabin karaa baaxadda dhul-badeedka ay
Kenya damci karto inay baddeeda ku darsato iyadoo xeebta ka cabiraysa fogaan ah 648km, oo xarriiqda xadaynta
si khaldan ugu jihayneyso dhanka Bari, meshii laga rabay (KoonfurBari). Haddii taasi dhacdo, khariidadda hoose ayaa muujineysa
baaxadda dhul-badeedka Soomaaliyeed ee Kenya ku
darsan karto baddeeda.
Waa haddii Kenya ay xarriiqda xadaynta u dhaqaajiso bari
fogaan ah 648km?
Yemen oo Qoraal Qabyo ah u Gudbisay Qarammada Midoobay
"20kii March 2009 ayaa Jamhuuriyadda Yemen waxay Guddiga xadaynta
badaha Adduunka ee UN-ta u gudbisay cabbirada xadaynaya dhul-badeedka ka baxsan
fogaanta 200nmi ee qalfoofka qaaradda, ayada oo raacaysa qodobka Article 76,
qaybtiisa 8, ee xeerka badaha Qarammada Midoobay ee 10kii December
1982," sidaas waxaa ku bilowday qoraal ay 20kii Maarso 2009 faafisay
shabakada UN-ta.[32] - Waxaana shabakadda UN-ta ku xusan in
qoraalka ay soo tebisay Yemen lagu dari doono qorshaha ay ka wada hadli doonaan
Guddiga Qaraammada Midoobay shirkooda 24aad oo New York lagu qaban doono inta u
dhaxaysa 10ka August ilaa
11ka September 2009.
Qoraalka ay gudbisay Yemen waxaa la socda khariidad kooban oo muujinaysa cabbirada (looka iyo
dhigaha) qayb ka mid ah aagga dhanka Koonfur Bari ka xiga jasiiradda Suqadara,
sida ka muuqata sawirka hoose.
Laakiin weli shabakaddu ma soo bandhigin dhammaan cabbirka badda Gacanka Cadmeed ee
xadaysa Yemen iyo dhulka Soomaalida: Laga soo bilaabo aagga ku beegan jasiiradaha Saacadadiin
iyo Ceebaab oo qiyaastii 10km u jira Saylac ilaa laga gaarayo cirifka
Caluula.
Sida aan hore usoo aragnay, jasiiradda Suqadara waxay caqabad ku tahay baaxadda
badda Soomaaliya. Islamarkaas marka la fiiriyo loolka iyo dhigaha ay Yemen ku
muujisay cabbirka cusub waxa ay toos ugu beegan yihiin aagga Xaafuun.
Khariidad muujinaysa cabbirka badda ee Koonfurta Suqadara
ee ay samaysay Yemen
Inkasta oo cabbirada ay Kenya iyo Yemen u gudbiyeen Qarammada Midoobay ay
qabyo yihiin (oo la arki doono cabbiradooda kama dambaysta ah iyo warbixintooda
oo faahfaahsan), haddana marka si qoto dheer loo eego xogta ay ilaa hadda u
gudbiyeen Guddiga Xadaynta Badaha (oo ay u adeegsan karaan tixraac buugaagta ku
qormaya), waxaa si cad uga muuqda isku day in
dhul-badeedka Soomaaliya si xarfadaysan looga dhaxal wareejiyo Soomaalida.
Markale aan naqtiin aahaan ku dib u jalleecno waxay arrimahaas ka xuseen
buugaagtii hore loo qoray:
- Xadka xeebta ee Kenya iyo Soomaaliya wxaa ku dhow jasiirado yaryar oo xiriirsan
oo loo
yaqaan Lama Shaaqa. Axdigii "1924 Anglo-Italian Treaty" waxa uu si Qeexan
u sheegayaa in jasiiradahaasi ay raacsan yihiin dhulka hoos imanayay
Talyaaniga, sidaas daraadeed jasiiradahaas waxaa hadda leh Soomaaliya. Xeebta u dhaxaysa
Soomaaliya iyo Kenya waa xeeb siman, marka xeebtaas laga socdo xarriiq labada
dal isku in u jirta oo dhanka badda loo socdo 200nmi ee aagga Ganacsiga (EEZ), barta
xadaysnaysa waxay dhacdaa loolka iyo dhigta 3°30'S iyo 44°19'E.
Maadaama xeebta labada dal xadaynaysa ay ku dherersan tahay jihada
KoonfurGalbeed-WaqooyiBari, markaas xarriiqda xadaynaysa badda labadaas dal
waxay u soconaysaa jihada Koonfur-Bari.
- Maadaama Kenya iyo Tanzania ku heshiiyeen xadka xeebtooda, iskuna
raaceen in xarriiqda xadaaynaysa ay la barbarro tahay loolka dhanka Waqooyi
ka mara jasiiradda Pemba, taas waxay sababtay in badda Kenya ay ka soo
yaraato dhanka xiga Tanzania marka loo sii durko badweynta. Waxa aan suurto gal ahayn in
Kenya oo adeegsanaysa caqabadaas kaga timid dhanka Tanzaniya ay Soomaalida
ku qanciyaan in xariiqda kala qaybisa (Soomaaliya-Kenya) ay tahay xariiq taas
looga cabbir qaabana karo oo barbarro la ah loolka oo u socota jihada bari, sida tan Tanzania. Waxaa
xusid mudan in dhanka Waqooyi ee Soomaalida ay xannibayso jasiiradda Suqadara. (Prescott & Schofield 2005, 466).
In qodobbadaas lagu adkeeyo qoraalka waa dulucda warbixinta.
Gabagabo:
Gabagabadii, arrimaha muhiimka ah oo u baahan in lala socdo waxaa ka mid ah: qaabka ay
Dowladaha badda la wadaaga Soomaaliya ay badahooda
xadayn cusub ugu sameeyaan. Waxaana dalalkaas ka mid ah Seychelles, Maldives, Hindiya iyo dabcan
Yemen iyo Kenya oo aan dhammaantood bad wadaagno. (FG: Jasiiradaha Seychelles
waxay xogta cusub ee xadaynta baddooda ku wareejiyeen Qarammada Midoobey December
2008)[33]
Dalalka dhanka badda xadka kala leh Soomaaliya. Sawirka:
GoogleImages
Waxaa aad muhiim u ah in si weyn isha loogu hayo xadka badda ee u dhaxeeya
Soomaaliya iyo Yemen, maadaama gacanka cadmeed uu u kala baran yahay labada dal,
waa in la hubiyo in aan Yemen soo ruuqaansan ama xadkeeda u soo durkin dhanka
Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas[34]
tahay meel muhiim weyn ku leh dhaqaalaha adduunka. Waxaa kale oo muhiim ah in
lagu baaraarugsanaado in dalka Yemen loo malaynayo in ay shidaal ka sahamiyeen
aag aad ugu dhaw cirirfka waqooyi ee Soomaaliya ee la ollogga ah Suqadara.
(Arrintaas waxaan December 2007 ka qornay qoraal cinwaankiisu ahaa "Dalka
Yemen oo Batrool ka Baaranaya Badda Soomaaliya?".[35]
Sidoo kale waxaa taxadar weyn u baahan in isha lagu hayo xadka badda u
dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya. Waxaana xusid mudan in lagu tuhmayo Kenya in ay hore baaritaan sahamin shidaal ugu samaysay Lamu meel u dhow oo
loo malaynayo xadka xiga badda Soomaalida. (Arrintaas waxaan Janaayo 2007 ka qornay qoraal cinwaankiisu ahaa "Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka
Qodaneysaa?".[36]
Waxaa taas dheer, sida aan kor kusoo aragnay, in Kenya ay khad
cusub u jeexayso xadka badda ay kala wadaagto Soomaaliya, arrintaas oo xadgudub
ku ah xornimada Soomaalida. Waxaana muhiim ah in dawladda Soomaaliyeed jawaab
cad ka bixiso arrintaas.
Kenya iyo Yemen waxay ka mid yihiin dalalka xadka badda la
wadaaga Soomaaliya, islamarkaasna saxiixay oo dhaqan geliyey xeerka baddaha
adduunka..[37] Dalalka heshiiskaas saxiixay waxaa laga
doonayaa in ay tixgeliyaan xadka ay la wadaagaan dalalka kale, khaas ahaan
xagga badda.
Waxaa laga rajaynayaa wadammada xuduudaha
badaha la leh Soomaaliya inaysan kusoo ruqaansan iyagoo ka faa'iidaysanaya,
Dowlad rasmi ah oo wadankaas ka jirin daraadeed. Waxaase laga filan
karaa waddamadaas inay kusoo durkaan baddaha Soomaaliya, sida dhacda inbadan in
uu damac galo banii'aadamka hadii ay arkaan wax dayacan (sida Kenya khariidada
cusub ee dhul-badeedkeeda ku muujisay), haddii ay dhacdo in ay
soo durkaan, sida hadda ka muuqata dowlada Kenya inay si caddaan ah ugu xadgudubtay
xuduudka badda ee ay laleedahay wadanka Soomaaliya, waxaa jirta in Maxkamadda Caalamiga ah shaqadeeda ay ka mid tahay
in ay kala saarto waddamada isku qabsada xuduudaha baddaha. Waxaa xusid mudan in
xiligan qareenada Maxkamadda Caalamiga ah ee Adduunka uu ka mid yahay qareen
Soomaali ah.[38]
Khariidad muujineysa badda hore ugu calaamadsanayd Soomaalida.
Isha: Buugga P.J. Cook & C.C.
Gabagabada warbixintan waxaa lagama maarmaan ah in markale la xuso sababaha
loo loo sameeyey xeerka badaha in ay salka ku hayso arrimo la xiriira dhaqaale
iyo ganacsi iyo khayraadka dabiiciga ah ee badda ku jira cidda yeelaneysa
(Kalluunka iyo Batroolka).
Warbixin ay January 2005 daabacday hay'adda cuntada adduunka
FAO[39] ayaa xustay
tirakoob lagu sameeyay kalluunka badda Soomaalida sannadihii 1970-naadkii iyo
1980-naadkii, taas oo sheegtay in mugga kalluunka ee sannad kasta si joogto ah
looga soo saari karo aagga ganacsiga (EEZ) ee Badweynta Soomaalida in uu yahay
200,000 ton. Islamarkaasna badda Soomaalida waxaa ku jiraan noocyada kalluunka
qaaliga ah, sida Tarraaqada, Tabadiin (Tuna), Aargoosato, Libaax-badeed iyo
noocyo kala duwan oo kalluun ah.
Dhanka khayraadka batroolka, waxaa si weyn loogu malaynayaa in batrool
dhex jiifo dhul-badeedka Soomaalida. Waxaana jirta sahamin lagu
sameeyey xeebtii loo aqoonjirey "Xeebta Banaadir"[40]
muddadii u dhaxaysay 1958 ilaa 1982, gaar ahan xeebta Cadale iyo Raas
Kambooni, laakiin macluumaadkaas si wanaagsan loogama helin shirkadihii
baaray ilaa haadda. Aagga ay kenya ku soo durugtay waxa uu soo hoos gelayaa
badweynta Soomaaliyeed ee khayraadkaasi ku jiro.
Dawladii hore ee Soomaalidu xilweyn ayey iska saartay in ay si geesinimo
ku jirto ula xaajooto dalalka adduunka, waxayna u dirtay waftiyo[41]
isdaba joog ah ilaa ay heshay wixii ay rabtey.
Cilmi baaristan: waxaan ugu talo galay in ay iftiimiso sidii lagu badbaadin lahaa
badda Soomaaliya, isla markaasna aan arrinta ku baraarujino qof kasta oo
Soomaali ah oo leh aqoonteeda iyo booska (ama mansab) ku haboon oo arrintan wax
ka qaban kara in uu ku dhaqaaqo.
Xaggee lagala xiriiri karaa Guddiga Xadaynta Badaha:
Xogta iyo macluumaadka la xiriira cabbirka badaha waxaa lagu hagaajin karaa Guddiga Xadaynta Badaha
oo lagala xiriiri karo Emailka:
doalos@un.org , waxaana toos loola
xiriiri karaa Mr. Hariharan Pakshi Rajan (tel.: 212-963-3194) oo
UN-tu u xilsaartay hawshaas, ama Xarunta
Qarammada Midoobay ee New York, cinwaanka hoose:
- Secretary of the Commission on the Limits of the Continental Shelf
Division for Ocean Affairs and the Law of the Sea,
Office of Legal Affairs
Room DC2-0450,
United Nations,
New York, New York 10017,
USA
Telephone: (212) 963-3194,
Facsimile: (212) 963-5847
E-mail: doalos@un.org
Web site:
www.un.org/Depts/los/clcs_new/clcs_home.htm
Waxa kale oo lala xiriiri karaa:
FG: SomaliTalk.com warbixintan waxay March 5, 2009 gaarsiisey Safaaradda Soomaalida
wakiilka ugu ah Qarammada Midoobay xarunteeda New York. Waxaana arrintaas wax ka
weydiiney safiirka, Dr. Cilmi Axmed Ducaale, gaar ahaan sida uu u arko xadaynta
cusub ee badda, sida wax looga qaban karo arrinta khusaysa badda Soomaalida,
waxa ay arrintaas Safaaraddu kala socoto iyo waxa ay safaaraddu ka qabatay
maadaama ay wakiil Qarammada Midoobay uga tahay Soomaalida?. Safiirku waxa uu ku
soo koobay jawaabtiisii "Safaaraddu waxay aaminsan tahay in Soomaalidu xaq u
leedahay in loo kordhiyo baaxadda badda in u dhiganta inta loo kordhiyay dalalka
kale ee adduunka" sidaa waxaa yiri H.E. Dr. Elmi Ahmed Duale (oo toos loogala
xiriiri karo http://www.un.int/somalia).
TIXRAAC iyo XOG DHEERAD AH:
[1] Ratio-Magazine: Caddadkii soo baxay February 9, 2009 ayuu qoray
qoraal cinwaankiisu ahaa "Kenya: Dawladdu ma awoodi kartaa in ka gaari karto
waqtiga loo qabtay si ay u sheegato cabbirka baddeeda si loogu kordhiyo" http://www.ratio-magazine.com/
(Kenya: Can Government Beat the Deadline to Lay Claim to Expanded Territorial
Waters?)
[2] Madaxda Soomaalida waxaan ula jeednaa: Madaxda DFKMG
(Madaxweynaha, Ra'iisul wasaaraha & Baarlamaanka), Puntland (Madaxweynaha,
Kuxigeenka & Golaha Wakiillada), Somaliland (Madaxweynaha, Kuxigeenka & Golaha
Guurtida), Culimada, Isimada, Aqoonyahanka Soomaaliyeed & iyo Shacabka
Soomaaliyeed guud ahaan meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin. Sida aan
warbixintan ku arki doono, ARRINTANI WAA QADDIYAD DADKA SOOMAALIYEED.
[3] UNCLOS (United Nations Convention of the
Law of the Sea): December 10, 1982 kulankii lagu qabtay Jamaica ayaa Soomaaliya
saxiixday heshiiskaa Qarammada Midoobey oo laga soo shaqaynayey 14 sano oo ay ka
qayb galeen 150 dal. Waxaana lagu saxiixay Xeerka badaha Adduunka oo
qodaabadiisa ay k amid yihiin
-- 12 nautical mile oo badda ah waxay ka mid tahay dhulka dalka xeebta leh
(Territorial Sea). (Sida uu dhigayo Qodobka Article 3 ee xeerka UNCLOS 1982).
-- Waxaa taas dheer 12 nmi oo loo yaqaan Contiguous Zone (sida ku cad Qodobka
Article 33 ee UNCLOS.)
-- 200 nautical mile oo k adurugsan xeebta waxaa loo yaaqaan qaybta Ganacsi ahaan Khaaska
u ah dalka
xeebta leh, EEZ (Exclusive Economic Zone) (Sida ku cad Qodobka Article 57 ee
UNCLOS), fogaantaas oo ka soo bilaabanaysa barta asaaska u ah badda. Sidaas
daraadeed EEZ waxaa ka mid ah TS iyo CZ. Aagga EEZ waa qaybta dalka xeebta leh xaqa u
siineysaa sahaminta khayraadka dabiiciga ah ee ku jira sida kalluumaysiga,
Macdan iyo batrool ka qodista, iwm.
[4]
Buugga "Exclusive Economic Zone Claims" oo uu qoray
Robert W. Smith, bogga 27aad.
[5] Buugga "Eastern African States and the Exclusive Economic Zone"
ee uu qoray Aggrey K L J Mlimuka, bogga 51-55, waxa uu ku muujiyey ujeedada ay
Soomaaliya ka lahayd in ay kordhiso badda ay xaqa u leedahay in ay ahayd
sidii ay uga faa'iidysan lahayd kalluunka ku jira badda dhulkeeda.
[6] XEER # 37 (1972): Sharciga Badaha iyo Dekedaha Soomaaliya ee lambarkiisu yahay 37 ee ka soo
baxay Mogadishu, September 10, 1972: Eeg Halkan:
http://www.un.org/Depts/los/. Sidoo kale xeerka Kalluumaysiga Soomaaliya Law
N° 23 ee 30 November 1985: Eeg:
http://somalitalk.com/2009/may/13/law23.html
[7] Qoraalka Qarammada Midoobay ee May 28, 2008 ee muujinaya shaxda
dalalka adduunku badaha ay hore u sheegteen:
http://www.un.org/Depts/los/. Dalalka markii hore sheegtay 200nmi in ay
badda dhulkooda ka mid yihiin waxaa ka mid ah: Benin, Congo (Brazzaville),
Ecudor, El Salvador, Liberia, Philippines, Sierra Leone, Soomaaliya. (UKHO,
2004: "United Kingdom
Hydrographic Office"
http://www.ukho.gov.uk/ ).
Sheegashadaasi dhammaan waxay ka horeeyey intii uusan dhaqan galin xeerka badaha
Adduunka. Soomaaliya waxay kusii adkaysatay in 200nmi oo badda ah ay kamid tahay
dhulkeeda.
[8] February 5, 2009 tirada dalalka dhaqan geliyay xeerka badaha Adduunka
waxay ahayd 157 dal. Dukumiintiga Qarammada Midoobay
http://www.un.org/Depts/los - Qarammada Midoobey waxaa ku jira ama xubno ka
ah 192 dal.
[9] Qodobka Part XI (ee dalalka qaar diideen) waxa uu Qarammada Midoobey si
rasmi ah uga dhaqan galay 28kii July 1996. Sida ku cad qoraalada
Qarammada Midoobey, Soomaaliya qodobkaas si gaar ah weli uma saxiixin..
http://www.un.org/Depts/los/
[10] International Seabed Authority (ISA) xarunteedu waa Kingston,
Jamaica: http://www.isa.org.jm/
[11] Guddiga Xadaynta Badaha ee CLCS (Commission
on the Limits of the Continental Shelf ) oo ka kooban 21 xubnood waxaa
markii ugu horeysey la doortay 13kii
March 1997, waxayna kal-fadhigoodii shaqo ee ugu horeeyey bilaabeen 16kii
June 1997, muddada waqtigooda shaqo waa 5 sano. Waxaana guddigaas hadda (Feb
2009) xubno ka
ah dalalka: Brazil, Argentina, Nigeria, Norway, Mexico, Trinidad & Tobago,
Ireland, Mauritius, Romania, Malaysia, Georgia, Cameroon, Russian Federation,
China, Ghana, Republic of Korea, Portugal, India, Seychelles, Australia, Japan.
http://www.un.org/Depts/los/
[12] Kulankii April 26, 2004 ee Guddiga Xadaynta Badaha waxaa laga sheegay in 60-kii
dal ee ugu horeeyey ee ansixiyey Xeerka badaha Adduunka ee Dhaqan galay 16
November 1994 in ay ahayd in muddo 10 sano ah ay ku keenaan macluumaad badahooda si
loogu ansixiyo badda wixii ka baxsan 200nmi oo markaas fogaanta badda looga
dhigo ilaa 350nmi. Waqtigaas waxa uu ku ekaan lahaa 16
November 2004. Laakiin waxaa waqtigaas la kordhiyey ilaa 13 May 2009.
http://www.un.org/News/Press/
[13] Kulankii 19kii June 2007 ee Guddiga Xadaynta Badaha, oo uu ka hadlay madaxa
guddiga ay Qarammada Midoobey u xilsaartay xeerinta iyo falanqaynta xogta ku
saabsan cabbirrada badaha ee dalalku u soo gudbiyaan ayaa tibaaxay in hawsha hor
taal baaxadeeda awgeed ay dhici karto in xogtaas oo waqtiga ugu dambeeya ee
Qarammada Midoobey lagu soo wareejin karo ay tahay May 2009 in dalalka qaar marka
ay xogta soo wareejiyaan jawaabta la siin doono ay aad uga daahi karto mudd
dheer ilaa 2035, taas oo dib u dhac weyn ku keeni karta in dalalkaasi ay ka
faa'iidaystaan khayraadka badahooda wixii ka baxsan 200nmi. Wakiilka Sri Lanka
shirka uga qayb galay ayaa sheegay in aysan ahayn arrin la aqbali karo in
jawaabta la sugo ilaa 2035, waa in taas xal loo helaa ayuu yiri. Sidoo kale
wakiilkii Hindiya kulankaas uga qayb
galay ayaa arrinta Guddiga QM kaga jawaabay in aan la aqbali karin. Guddiga Xadaynta Badahu waxay sheegeen in si
hawsha culus ee soo food saartay loo fuliyo in loo baahday qalab iyo software (computero)
lagu qiimeeyey $1.7 million - (Arrimahaas oo jira haddana sida qoraalkan ku
suxan waxaa bilaabatay in dalal loo ansixiyey badda ay kordhisan doonaan).
http://www.un.org/News/Press/
[14] Qodobka Article76 ee Xeerka badaha Adduunka waxa uu qeexaya micnaha
Qalfoofka Qaaradda "Continental Shelf" iyo sida
lagu cabiri karo ama loo xadayn karo badda inta dalku yeelan karo.http://www.un.org/Depts/los/.
Sawirro muujinaya Qalfoofka Qaarada ka eeg bogga Jaamacadda MIT:
http://web.mit.edu/. Sidoo kale ee
Sawirkan ama eeg
http://www.un.org
[15] UN: Liiska dalalka soo xereeyey macluumaadka Badaha: Wixii ka
horeeyey February 28, 2009 dalalka soo xereeyey xogta badahooda waxaa ka mid ah:
Faransiiska, Myanmar, Mauritius & Seychelles, Japan, UK, Mexico, Norway, New
Zealand, Ireland, Brazil, Ruushka. Dalalka kale ee adduunku waxay tartan ugu
jiraan in ay May 13, 2009 inta aan lagaarin ay macluumaadka ugu gudbin
lahaayeen QM..
http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/clcs_home.htm
[16] Australia: Website-ka Dawladda Australia, qaybta Joolojoga:
http://www.ga.gov.au/
[17] New Zealand: Website-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee New Zealand
http://www.mfat.govt.nz/
[18] Deeqda Lacageed ee Xadaynta Badaha: Waxaa lacagtaas laga dalban
karaa QM, Foomka caawinaad dalbashada iyo macluumad dheeraad ah ka akhri:
http://www.un.org/Depts/los/clcs_new/trust_fund_article76.htm
[19] Soomaaliya Ururrada ay
Xubinta ka tahay: Soomaaliya waxay ka mid
ahayd 33 dal oo asaasay Ururkii Midowga Africa 25kii May 1963,
markaas ayayna xubin ka noqotay ururkaas OAU. Ururkaas waxaa 9kii
July 2002 loo bedeley Midowga Africa (AU) waxana uu ka kooban yahay 53 dal.
Ururka Jamciyadda Carabta oo ay xunbo ka yihiin 22 dal waxaa la asaasay 22kii
March 1945, waxayna Soomaaliya Ururka Carabta xubin ka noqotay 14kii
February 1974. Sidoo kale Soomaaliya waxay xubin ka tahay 192 dal oo ka tirsan
Ururka Qarammada Midoobe (QM) oo la asaasay 1945 dagaalkii labaad ee Adduunka
kaddib. Waxay Soomaaliya ururka QM xubin ka noqotay 20kii September
1960.
[20] Jasiirada Suqadara (Socotra) dadka ku dhaqan oo tiradooda lagu qiyaaso
50,000-qof waxay asal ahaan ka soo jeedaan Carab, Soomaali iyo Koonfurta Aasiya.
Waa dad Muslim ah. Waxayna jasiiradaasi hoos tagtaa xukuumada Yemen. Dhanka kale
Soomaaliya waxay hore u sheegatay in ay jasiiradaas ayadu leedahay. Taariikh
ahaan
1507 ayaa jasiiradaas waxaa qabsaday Bortoqiiska, afar sano kaddib ayaa
Bortiqiiskii baxay, waxaana markaas 1511 la wareegey Boqortooyadii Mahra Sultan. Sannadkii 1886 ayey jasiiradaasi hoos tagtay Boqortooyadii Ingriiska.
October 1967 ayaa la baab'iyey boqortooyadii Mahra, isla bishii November 1967
ayaa jasiiradaas lagu wareejiyey Yemen. Jasiiradda Suqadara oo caqadba ku ah
badda Soomaalida:
(Prescott & Schofield 2005, 465)
[21] Buugga "International maritime boundaries" oo ay qoreen
American
Society of International Law (2005), Bogga 3455.
[22] Loolka iyo dhigaha ee xarriiqda u dhaxaysa badda Soomaaliya iyo
Kenya ka eeg HALKAN:
http://somalitalk.com/2009/may/13/fogaan.html , sidoo kale Guud ahaan si aad
u xisaabisid fogaanta u dhaxaaysa laba barood, loolkooda iyo dhigahooda booqo:
HALKAN:
http://somalitalk.com/2009/may/13/looldhigo.html
[23] Buugga "African
States and Contemporary International Law", oo uu qoray
Tayo O. Akintoba (1996), bogga 125aad, waxaa ku cad shax muujineysa cadadka
kalluunka ee badda Soomaaliya laga jillaabi jirey, buugga oo soo xiganay
hay'adda cuntada adduunka ee FAO: 1979-1981 (34,837,000 ton), 1982-1984
(39,564,000 ton), 1985-1987 (49,967,000 ton), 1988-1990 (52,518,000 ton).
[24] Heshiiskii (axdigii) ku saabsanaa xad u samaynta Kenya iyo
Soomaaliya oo dhaxmaray Talyaaniga iyo Ingriiska:
http://www.law.fsu.edu/library/collection/limitsinseas/IBS134.pdf
[25] Lama Shaaqa: waa shan jasiiradood oo ku yaal Koonfurta Raas
Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya. Waxa kale oo jasiiradahaas
loo yaqaan (Isolotti Lamasciaca ama "Diua Damasciaca").
[26] NFD (Northern Frontier Districts): 1961 markii Ingriisku
qorshaynayay in uu xornimo siiyo Kenya, ayaa Soomaalidu dalbadeen in NFD ka
madax bannaanaato Kenya ka hor inta aan dalkaas xornimada la siin. Markaas ayaa
dawladii Ingiriisku waxay arrintaas u saartay guddi soo ogaada fikirka dadka
deggan NFD waxa ay doonayaan. Baaritaankii guddigaasi waxay ku soo ogaadeen in
reer NFD ay dhammaantood doonayaan in ay ka madax bannaanaad oo xor ka ahaadaan
Kenya. Inkasta oo isku daygaasi jiray, haddana dawladdii gumaysigu arrintaas
dheg uma jalaq siin. Arrintaasi waxay keentay colaad ka aloosan tahay NFD intii
u dhaxaysan 1960-1964, arrintaas oo Kenya ku eedaysan Soomaaliya. Sidoo kale
maadaama Soomaalidu aysan aqoonsanayn heshiiskii dhexmaray Ingriiska iyo
Itoobiya ee 1954 kaas oo Itoobiya siinayay gobolada loo yaqaan Hawd
(SoomaaliGalbeed) iyo xadkii uu Ingriisku halkaas ka sameeyay, waxay sababtay in
February 1964 iska hor imaad dhaxmaray Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxaa xilligaas
1964 heshiis is gaashaan-buuraysi dhexmaray Kenya iyo Itoobiya, heshiiskaas oo
ku saabsnaa iska difaacidda Soomaaliya (oo ay labadoodaba gumaystayaashii
siiyeen dhul Soomaaliyeed). Heshiiskaas isgaashaan-buuryasiga waxay Kenya iyo
Itoobiya cusboonaysiiyeen 1980. Waxa kale oo ay markale sii cusboonaysiiyeen
August 28, 1987.
http://www.globalsecurity.org/military/world/war/somalia1.htm
[27] Qoraal ay Kenya u gudbisay UN: 10kii March 2009 ayaa
shabakadda Qarammada Midoobay lagu daabacay qoraal uu saxiixay Madaxweynaha
Kenya oo ku taariikhaysan 9kii June 2005, qoraalkaas oo si cad uga
muuqdaan cabirro ay Kenya ku doonayso in dhul-badeedka Soomaaliya ay ku darsato
baddeeda:
http://www.un.org/Depts/los/
[28]
Buugga "Crucible for Survival: Environmental Security and Justice in the Indian
Ocean Region" oo ay qoreen Timothy Doyle, Melissa Risely (2008) bogga 104-105.
[29] Daraasaddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku ay daabacday,
oo ay faafisay Jaamacadda Florida State University:
http://www.law.fsu.edu/
[30] ICSF oo laga soo gaabiyey (International
Collective in Support of Fishworkers) waa hay'ad NGO oo caalami ah oo
qaabisan horumarinta iyo maaraynta khayraadka kalluumaysiga, waxayna xafiisyo ku
leedahay Hindiya iyo Belgium:
http://www.icsf.net/
[31] Kenya iyo Tanzania waxay 9kii July 1976 isku
raaceen meesha uu maro xadkooda dhanka badda kaddib markii wada xaajood u socday
intii u dhaxaysay 17 December 1975 - 9 July 1976:
http://www.un.org/Depts/los
[32] Yemen: Warbixin 20kii March 2009 uu dalka Yemen u gudbiyay
Guddiga Qaraammada Midoobay u qaabilsan xadaynta badaha adduunka:
http://www.un.org/Depts/los/
[33] Jasiiradaha Seychelles & Mauritius waxay xogta cabbirka baddooda
Qarammada Midoobay u gudbiyeen December 1, 2008. Eeg:
http://www.un.org/Depts/los/
[34] Badda Cas: Sannadkii 1977 waxay
badda cas noqotay meel is xulufaysi siyaasadeed ka taagnaa. February 1977 waxaa
kulan ku saabsan badda cas oo ka dhacay magaalada Khartuum ka soo qayb galay
madaxweynayaasha Masar, Suudaan iyo Suuriya. Waxayna soo saareen warsaxaafadeed
wadajir ah oo ay ku xuseen "badda cas waa in ahaato meel nabad ah si ay uga
faa'iidaan dalalka la olloga ah, waana in badda cas laga fogeeyo is qabqabsiga
dalalka caalamiga ah iyo cadaadiska halista gelin kara ammaanka iyo xasiloonida
gobolka." Waxaa kulankaas ka daba qaatay kulan kale oo March 20, 1977 ka dhacay
magaalada Taiz oo ay ka qayb galeen madaxweynayaashii Soomaaliya iyo Suudaan,
waxayna wadajir u soo saareen warsaxaafadeed ay ku xuseen "Ammaanka Badda Cas
waxa uu ku xiriirsan yahay ammaanka Bad Weynta Hindiya taas oo la rabo in ay
ahaato goob ama haro nabad ah."
[35] Qormadii SomaliTalk.com ee "Dalka Yemen oo Batrool ka
Baaranaya Badda Soomaaliya?" (Dec 2007) - Eeg:
http://www.somalitalk.com/oil/oil131.html
[36] Qormadii SomaliTalk.com ee "Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal
Ka Qodaneysaa?" (Jan 26, 2007) - Eeg:
http://www.somalitalk.com/oil/oil91.html
[37] Dalalka saxiixay Heshiiska badaha Adduunka: Ethiopia waxay xeerka
badaha saxiixday 10kii December 1982, laakiin ma dhaqan gelin
maadaama badda cas laga xoreeyey. Kenya waxay heshiiskaas Badaha Adduunka
saxiixday 10kii December 1982, waxayna dhaqan gelisay 2dii
March 1989, waxa kale oo Kenya ay 29kii July 1994 dhaqan gelisey
xeerka Part XI (xeerkaas oo UN-tu dhaqan gelisey 28/07/1996), waxa kale oo Kenya
ay 13kii July 2004 dhaqan gelisey sharciga UN-ta ee kalluumaysiga
(11/12/2001). Dalka Yemen waxay sharciga badaha saxiixday 10kii
December 1982, waxayna dhaqan gelisey 21kii July 1987. Jabuuti waxay
xeerka badaha saxiixday 10kii December 1982, waxayna dhaqan gelisey 8dii
October 1991.
http://www.un.org/Depts/los/reference_files/status2008.pdf
[38] Maxkamadda Adduunku waxay 3dii February 2009 go'aan ka
gaartey muran badeed u dhaxeeyay labada dal ee Romania iyo Ukraine. Arrintaas
ayaa la xiriirtay dacwad September 2004 ay Romania u gudbisey maxkamadda, taas
oo la xiriirta xadka ay Badda madow kala wadaagto Ukraine. Waxaana maxkamadda
Adduunku go'aamisey xadaynta badda ee Qalfoofka Qaarada iyo Aagga Ganacsiga ee u
dhaxeeya labadaas dal oo ay u jeexday xad. Go'aankii maxkamadda eeg:
http://www.icj-cij.org/docket/files/132/14987.pdf
--- Maxkamadda Adduunka waxyaabihii
loo asaasay waxaa ka mid ahaa in ay dhexdhexaadiso muranka dhex mara dalalka
adduunka, go'aana ka gaarto. Maxkamadda Adduunka sannadkii 1945 ayaa lagu
asaasay Xeerka Qarammada Midoobay, waxayna ka kooban tahay 15 xubnood
(Qareenno), oo loo doorto xilka muddo sagaal sano ah. Waxaana xubnihii ugu
horeeyey la doortay 6dii February 1946.. Maxkamadda Adduunku
xarunteedu waa magaalada Hague (Netherlands) Holland. Qareennada xubnaha ka ah maxkamadda
Adduunka ee hadda (2009) waa: Japan, China, Sierra Leone, Jordan, USA, Germany,
France, New Zealand, Mexico, Morocco, Russia, Brazil, Somalia, UK.
Qareenka Soomaaliyeed ee ka mid ah maxkamadda Adduunka waa CabdulQawi Axmed
Yuusuf waxaana
6dii November
2008 lagu doortay kulankii Qarammada Midoobay, waxana
Abdulqawi Ahmed Yusuf
uu hawshiisa maxkamadda Hague si rasmi ah u bilaabay
6dii
February 2009 ilaa 2018.
[39] Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ee loo soo gaabiyo FAO (Food and
Agriculture Organization): Warbixinteedii Janaayo 2005:
http://www.fao.org/fi/oldsite/FCP/en/SOM/profile.htm
[40] Qormadii "Ceelasha Batrool ka Laga Baaray ee Xeebaha Banaadir, Maxaa
Lagu Arkay?" ee uu qoray Eng. Cabdulqaadir Abiikar:
http://www.somalitalk.com/oil/oil123.html
[41] Sannadihii 1975 ilaa 1981 waxa uu Dr. CabdulQawi Axmed
Yuusuf ka
mid ahaa waftiyadii Soomaaliya uga qayb galay kulamadi Qarammada Midoobay ee
samaynta xeerarka badaha Adduunka. Eeg:
http://www.icj-cij.org/
--- Dukumiintiga Sharciga badaha (The Law of The Sea Documents: 1983-1989) waxaa ku qoran
magacyada wakiilladii
Soomaaliya uga qayb galay kulammadkii lagu samaynayey xeerka badaha adduunka
intii u dhaxaysay 1983-1989,
waxaana ka mid ahaa: Mohamed Issa Turunji, Lataliyaha xagga sharciga,
Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dakadaha. Jihad Ahmed Issa, Agaasime,
Waaxda Arrimaha Badaha. Mohamud Gelle Yusuf, Wasiirka Madaxtooyada ee
arrimaha bulshada iyo aamaanka, ahaana madaxa Guddiga Qaraanka ee Badda, oo
hoggaaminayay waftiga Soomaaliya. Abdillahi Said Osman, Safiirka
Soomaaliya wakiilka uga ahaa Qarammada Midoobay.
--- Buugga (The Eastern African States and the Exclusive Economic Zone)
oo uu qoray Aggrey K.L.J, bogga 26-27 waxaa ku xusan: Intii uu socday kulankii
saddexaad ee Qaramada Midoobay (UNCLOS III 1973/1974) ee lagu samaynayey xeerka
badaha qaybta aagga ganacsiga (EEZ), saddex dal oo Afrikaanka ugu cadcaddaa
doonitaanka badda dalalkaasi leeyihiin in ay ka mid tahay dhulkooda waxay
ahaayeen Guinnea, Madagascar iyo Soomaaliya. (UNCLOS III Official
Records, Vol. 2, p. 209.) - A/CONF.62/C.3/L.12.
::: Khariidadaha iyo buugaagta kale ee aan tixraacnay eeg
HALKAN:
http://somalitalk.com/2009/may/13/kayd.html
::: Loolka iyo Dhigaha Xarriiqda isku xirta xeebta iyo fogaanta 350nmi..
Eeg: http://somalitalk.com/2009/may/13/fogaan.html
::: Si aan u helo cabirka loolka/dhigaha waxaan adeegsaney
Java & xeerka Haversine:
http://somalitalk.com/2009/may/13/looldhigo.html
Jawaab celin, Talo soojeedin iyo Faah faahin intaa dheer, fadlan lasoo
xiriir:
www.Somalitalk.com | Eng. Maxamed Cali | Xasan Dhooye |
webmaster@somalitalk.com ama
somalitalk@gmail.com
|
Waqooyiga Ameerika.