SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dr. Faroole oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Jaaliyadda Puntland ee Qurbaha..

Dr. C/raxmaan Maxamuud Maxamed Faroole ayaa maalinimadii Axadda, Jan 11, 2009 waxa uu khadka telefoonka (Teleconference) waxa uu kula hadlay jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan qurbaha. Hadalkii uu jaaliyadda u jeediyey hoos ka dhegeyso:

Gen. Cadde oo Sheegay in Boosaaso u Joogayo in uu Ka Shaqeeyo Heshiisyadii uu soo Galay.....

Gen. Cadde Muuse ayaa markii uu xilka ku wareejiyey Dr. Faroole waxa uu jeediyey khudbad ka kooban dhawr qodob uu ka mid yahay heshiisyadii uu shirkadaha shisheeye la galay intii uu madaxweynaha ka ahaa DGPL. Arrintaas isagoo ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri:

"Anigu intii aan joogey waxaan ku dadaaley dhaqaale in aan sameeyo, shariikado ayaan keenay, heshiisyo caalami ah ayaan soo galay,... wixii oo dhan waa diyaar .... dawladda ayaana ku wareejiyey, LAAKIIN waxaan u sheegayaa heshiisyadii aan galay - baarlamaankuna waa i maqlayaa, dawladdii ayey dhaaftay baarlamaankiina waa martay, dawladdana waa u sheegayaa - sharaftii caalamiga ahayd waa in la xajiyaaaa, anigu waa joogayaa... hawshana waa ku jiraayaa, shirkadihii iyo shaqadii ... (heshiisyadii aan soo galay) waan wadaayaa, awal Kanada ayaan aadi lahaa, haddad Boosaaso (ayaan joogayaa) waana ka shaqaynayaa......"

Halkan/hoos ka dhegeyso Khudbadii Xilwareejinta ee Gen. Cadde Muuse:

Khudbaddii uu Xilka Kula Wareegey Dr. Faroole

Sidoo kale halkan/hoos ka dhegeyso Khubaddii uu Dr. C/raxmaan Faroole ka jeediyey xafladdii uu xilka DGPL kula wareegey Jan 11, 2009.

Dr. Faroole oo Xilkii La Wareegey...

Madaxweynaha loo doortay DGPL, Jan 8, 2009, ayaa Axadii jan 11, 2009 waxa uu xilkii kala wareegey madaxweynihii hore ee Puntland, Gen. Cadde Muuse.

Hoos ka akhri Qoraal ku saabsan xafladii xilwareejinta oo uu faafiyey Xafiiska Gen Cadde Muuse

Xaflad xilwareejin ah oo ay xilka kula kala wareegeen Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha Cusub ee DGPL.

AXAD, 11-Jan 2009

Garowe,Puntland:Xaflad aad loo soo agaasimey ayaa maanta waxa ay ka dhacday Xarunta Baarlamaanka DGPl,xafladdan ayaa waxa ay ujeedadeedu ahayd sidii ay xilka ula kala wareegi lahaayeen Madaxweynihii hore ee DGPl Mudane Maxamuud Muuse Xirsi iyo Madaxweynaha Cusub Dr Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud(Faroole).

Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynihii hore ee DFKMG ah Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed,Isimo,Baarlamaanka DGPl,musharixiintii ka qaybgalay doorshada,aqoonyahano,haween iyo dadweyne aad u fara badan.

Hadaba xafladan xilwareejinta ayaa ugu horraynba waxa lagu furay Ayaadaha Quraanka Kariimka sidii ay caadadu ahayd.

Intaasi dibna ayaa Madaxweynihii hore waxa uu Madaxweynaha cusub ku wareejiyey qoraal dukumenti ah,wuxuu kaloo ku wareejiyey Ciimada Puntland qaybihiisa kala duwan,wuxuuna sheegay in dawladiisa qaladka weyn ee ay gashay uu yahay Ciidamada wuxuuna kala dardaarmay Madaxweynihii hore in ciidanka la mideeyo oo aanay noqon Ciidan Qabiil ay noqdaan ciidan xoogan oo dalka wax ka qabta loona tiriyo madax madax oo aanay u dhicin sidii awal hore u dhacday,sidii kaloo Madaxweynihii hore waxa uu ka hadlay arrimaha dhaqaalaha oo uu heshiis la soo galay shirkado iyo dawladdo uuna ku wareejiyey dawladda Cusub isna uu la shaqayn doono soona dhamaystiri doono heshiisyadaas dawladda cusub waxa uu ka codsaday in xiriirka dibedana la hagaajiyo waayo caalamka oo dhan waxa ay maanta la yaaban yihiin sida ay doorashadii ugu dhacday dimuqraadinimada,sidoo kale waxa uu Cadde ka hadlay dhinaca dibuheshiisiinta iyo DFKMG ah in aan taageersanahay sdii uu shalay uga hadlay Madaxweynaha Cusub ee la doortay waana in aan wax ku yeelanaa dibuheshiisiintaa oo ay inooga qaybgalaan Mas’uuliyiinta DGPL.

Sidoo kale waxaa hadalkii qaatay Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud(Faroole)wuxuuna ugu horraynba u mahadnaqay maamulkii hore ee uu madaxda ka ahaa Cadde Muuse Xirsi oo ka dhabeeyey balanqaadkii ahaa in ay doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda ayna ku dhacday si nabadgelyo ah,wuxuuna Madaxweynaha cusubi intaasi raaciyey in uu Cadde Muuse uu yahay la taliyihiisa khaaska ah ee uu mar kasta la tashan doono haddii alla idmo.uuna kala shaqayn doono dhinaca mashaariicda iyo horumarinta dalka.maadaama uu yahay qof wax walba og uu ula socdo tallaabo tallaabo oo aanan anigu waxba kala socon.

Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Cusubi ka hadlay xaaladda Soomaaliya waxaanu u diray baaq ku aadan Nabadgelyo in ay ku waaraan heshiiyaana,waxa uu kaloo baaq u diray Madaxweynuhu beesha Caalamka kana codsaday gargaar kana caawiyaa dhinaca horumarka iyo Ammaanka si shacabka reer Puntland ay u gaaraan horumar iyo Barwaaqo.

Dhinaca kale waxa uu madaxweynaha Cusubi ka hadlay degaanada Puntland ay deriska yihiin kuwaasi oo uu ugu baaqay derisnomo wanaag,degaanada ay haystaana ay isaga baxaan si nabadgelyo.

Waxaa isna xafladaasi ka hadlay guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilwareejinka ka dhacaysa maanta hoolka Baarlamaanka,isagoo sheegay in uu maamulka Cusub ka rajeynayo in ay wax ka qabtaan xaaladaha hadda ka jira Puntland.

Ugu dambayntii waxaa xafladda soo gabagabeeyey Hoggaanka Isimada Puntland Islaan Ciise Islaan Maxamed,wuxuuna mahad ballaaran u soo jeediyey Maamulkii Hore ee uu hoggaaminayey Mudane Maxamuud Muuse Xirsi oo soo gaarsiiyey maanta halka ay wax joogaan,wuxuuna Islaanku la dardaarmay Maamulka cusub in ay u shaqeeyaan dadka kana shaqeeyaan waayo hadaydaan annagga marka hore wax naga qaban waxba nooma qaban kartaa ayuu yidhi Islaanku,waxaana idin eegi doonaa waqtigan waqtigiisa haddii ilaah idmo.

Faafin: Somalitalk.com | Jan 11, 2009

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.commm 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH