SOMALITALK.COM  
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUTAMARKA MINNEAPOLIS

"Xaaladda Soomaaliya": Muxaadaradii Sheikh Maxamed Idris ka jeediyey Mutamarka Minneapolis (Dhegeysi)

  • SomaliTalk.com

Warbixintii iyo muxaadaradii uu Mutamarkii Minneapolis ka jeediyey Sheikh Maxamed Idiris hoos ka dhegeyso

Qaybta 1aad

Muxadaro Qaybta koowaad

Qaybta 2aad

Muxaarado Qaybta 2aad

Sabtidi oo taariikhdu ahayd July 2, 2011 oo ahayd maalintii labaad ee Mutamarka Minneapolis ayaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Xaaladda Soomaaliya" soo jeediyey Sheikh Maxamed Idiris, asagoo ku xeel dheeraday sida ay umadi xal ku gaari karto inay tahay ayaga dhexdooda in aysan is khilaafin oo kala tegin, isla markaasna waa in la xalliyo wixii hore u dhacay si meel loo saaro xad gudubyadii hore, taas asagoo xoojinayey waxa uu yiri wixii hore u dhacay oo aan meel la saarin in xal la gaaro waa adag tahay.

Ummad waxay ku burburtaa marka ay dawladdu dadkeeda ku samayso dulmi, ama dadka dhexdooda ay is dulmiyaan. Waxana uu dadkii madasha isugu yimid xusuusiyey dulmigii weynaa ee loo geystey culimadii Soomaaliyeed ee lagu toogtey ayagoo ku taagan xaqa kaddib markii dawladii hore ay diidey aayado kamid ah quraanka ee ku saabsan dhaxalka, ayna culimadaasi ka dhiidhiyeen.. Dulmigaas shacabka Soomaaliyeed xilligaas ka ay dhiidhiyin, ayuu yiri.

Waxa kale oo uu xusay in dadka Soomaaliyeed dhexdoodana ay is dulmiyeen. Taas oo uu sheegay markii ugu horaysay ee ummadda Soomaaliyeed la soo hujuumey ama la soo galay ay ahayd kaddib markii ay dhexdooda ayagu is khilaafeen. Waxana uu xusay in Itoobiya aysan Soomaaliya soo hawaysan toddobaatanadkii iyo sideetamaadkii, balse ay soo gashay kaddib markii ay Soomaalidu is khilaafeen oo qaarkood garab ka soo dhigteen Itoobiya.

Waxa kale oo uu xusay inta aan isku mashquulsanahay oo is khilaafsanahay in xeebteena dheer iyo badda Soomaaliya si sharci darro ah looga kalluumaysto. Khayraadkiii aan guran weyney in dawlado kale iyo quruumo kale ay guranayaan.

"Yaa ii sheegi kara reerka Soomaaliyeed ee aan Itoobiya soo adeegsan, car yaa ii sheega, yaan soo adeegsan Mingiste, yaan soo adeegsan Zenawi, maxaan beenta isugu sheegeynaa. Inaga ayaa isu geysanay waxa inagu dhacay, cid kale oo dibadda inooga timid ma jirto, inaga ayaa gacmaheena isku dulminay, ayuu yiri Sheikh Maxamed Idiris oo dadweynaha ula hadlayey si qiiro ku dheehan tahay.

"Haddaan ka hadlo kuwo diinta sheeganaya qaar ayaa xanaaqaya. Haddaan ka hadlo Dawladda kuwo kale ayaa xanaaqaya. Haddaan kahadlo gobolada kuwa sheeganaya kuwo kale ayaa xanaaqaya. Laakiin I Do Not Care," ayuu yiri.

Sheikh Maxamed Idiris waxa uu sheegay in Muqdisho ay hadda noqotay dambas, waxaana ka dhigayana ay yihiin kuwa ku dagaalamaya, wixii ay doonaan ha sheegtaane.

Waxana uu kula taliyey reer Minnesota in ay isku tashadaan, oo dantooda ka tashadaan, waxana uu sheegay in xaaladda Soomaaliya hadda ka jirta aan wax ka soo socon, in ummaddu ay is bedesho mooyee.

Odayaasha makhaayadaha ka sheekeeya oo wiilashoodii ama carruurtoodii dayacmeen oo daroog abarteen ayuu si weyn ugu waaniyey inay Allah ka baqaan oo masuuliyadooda gartaan. Arrintaas oo dumarka Soomaaliyeed oo Mutamarka soo camiray ay hal mar u riyaaqeen hadalkak sheekhu ku canaantay odayaasha makhaayadaha sida maalaa yacniga ah wax aan dani ugu jirin ug asheekeya oo reerahoodii iyo xaasaskoodii ka dayacmeen.

Hagaagga Ummaddu Waa Hagaagga Akhlaaqdeeda

Mutamarka Minneapolis waxaa kale oo muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Hagaagga Ummaddu Waa Hagaagga Akhlaaqdeeda" soo jeediyey Sheikh Maxamed Umal oo asagoo jooga Nairobi lagu soo xiriiriyey khadka Video-ga, waxana uu si xeel dheer uga hadlay in haddii ummad ay doonayso in ay hagaagto oo guulaysato, waxaa lagama maarmaan tahay in akhlaaqdeedu  hagaagto. Ummada jiritaankeedu waxay ku salaysan tahay hadba inta ay ka haysato akhlaaqda wanaagsan.

Waxana uu xusay in xadaaradaha iyo ilbaxnimooyinka adduunka soo maray waxa burburiyey ay tahay markii mujtamacyadii xadaaradahaas lahaa ay ku kaceen xumo faaftay.

Sheikh Ummal waxa uu Muslimiinta ku booriyey in ay dadka kula dhaqmaan dabeecad, asluub iyo dhaqan wanaagsan. Isla markaasna ay ka fogaadaan beenta iyo khiyaanada, hana ku dhicina hab dhaqan fool xun. Ku dadaala runta iyo caddaaladda. Waxana uu si gaar ah Soomaalida uga digey in aysan ku sifoobin kuwo had iyo jeer wax is daba maryeeya.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan mutamarka Minneapolis ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2011

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: