MUXAADAROOYINKII 2007:
Muxaadarooyinka Sh.Xasaan

Muxaadarooyinkii uu Sh. Xasaan kajeediyey Masaajidka Khaalid ibnu Waleed ee Toronto, July 2007, oo cinwaan koodu yahay isdul-taagid aayado ka mid ah suuratul Al-Xujuraat.

Mutamarka 2007:

DSC00213
Daawo Sawirada Mutamarka Toronto ee 2007

Mutamardii Hore:

Maarso, 2005: Toronto, Canada: Shirweynaha 6aa ee Dhallinta Ku Barbaartay Woqooyiga Ameerika

Sept 2006: Kulan-diineedkii 6aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika

Sept 2005: Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga Ameerika oo lagu soo Gabagabeeyey Minneapolis..

Sept , 2004: Kulan Diineedkii 4aad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Guul Kusoo Gabagaboobey


Sawiradii kulankii 2006 ee Toronto... DAAWO

Dood Cilmiyeeddii Toronto

July 2006: Dood Cilmiyeed ku saabsan isbedelka ka dhacay Soomaaliya oo ay ka qayb qaadanayaan Aqoonyahanno Soomaaliyeed....

Masaajidka Khaalid Bin Waliid, Toronto, Canada - Aug 3-5, 2007

Mutamarkii Toronto oo Si Wanaagsan kusoo gabagaboobay

Diinta Xaqa ahi waa Islaamka

Muxaadarooyinkii Mutamarka Toronto- 2007 - Dhegeyso:

Qabyaalada iyo Cirib Xumideeda - Shiikh C/qaadir Nuur Faarax

Shiikha ayaa hadalkiisii kubilaabay sidan,Waxyaabaha Qabyaaladu keentu waxaa kamida; eexasho, kalataga, qabyaaladu waa muuqaal kamida kii jaahiliyada, qofka qabaliga ah waa mid aan shakhsiyad lahayn, mabda lahayn, wuxuu shiikhu sooqaatay gabay oranayey "hadii qoladaydu toosan tahayna waa toosanahay, haday lumaana waan lalumi" wuxuu kaloo shiikhu soo qaatay hadiiskii ahaa "Walaalkaa u gargaargar iyo gardaraba, haduu gar daran yahayna umada ka qabo haduu gar leeyahayna u hiili" Wuxuu kaloo Shiikhu ka faalooday siday ahaayeen reer aws iyo khasraj iyo siday isu badaleen markii Islaamku yimid, kadib markay diinta qaateen, qolo kasta oo diinta raacda iyana sidaas ayeey isu badalayaan.

Wuxuu kaloo Shiikhu ka hadlay sida ay muhiimad u leedhay isku xirnaanta Muslimiinta iyo in la iska illaaliyo tafaraaruqa, sidoo kale wuxuu nusuus badan u keenay fadliga ay leedahay is jacaylka muslimiinta. Waxaa kamid ahaa axaadiistaa " Sadex Shay qofkii laga helo wuxuu helayaa imaanka macaanidiisa,... inuu qofku illaahay dartiis qofka u jeclaado sidoo kalana u naco" .....ayaa ka mid ahayd.

Sidoo kale Shiikhu wuxuu yiri;Qabyaalda iyo Wajigeeda foosha xun, waxaana tusaale fiican noogu filan xaalada maanta ummada Soomaaliyeed ku sugan tahay ee aadka u foosha xun, oo bur burka ah, kala daadsanaanta ah, codowgoodii oo qabsaday ah.Ugu danbayntii wuxuu Shiikhu ummada kula dardaaray in la iska illaaliyo Qabyaalada, lagana fogaado wixii horay noo lumiyey.

Waajibaadka Dadka kasaaran gudbinta dacwada - Shiikh C/risaaq As-Sancaani

Sidoo kale Shiikh C/risaaq Sancaani ayaa ku bilaabay hadalkiisii; Wax yaabaha dadka loogu yeero waxaa ugu qaalisan janada, qofka dadka u yeerayana janada ayuu dadka ugu yeerayaa. Sidoo kale shiikhu wuxuu yiri dadka waxaad ugu yeeraysaan ee ugu horeeya ha noqdo kalima towxiidka, Laa illaaha illa laah, isagoo nusuus badana arintaas u keenay. Shiikhu wuxuu kaloo soo raray xadiis kii ahaa maruu ka hadlayey shaqada ducaada, wuxuuna akhriyey xadiiskan"aniga tusaalahayga iyo waxa rabi ila soo diray waxaan la mid ahay, sidii ninka digniinta qaawan bixinaya, oo colka ka digaya,oo leh hala cararo, ninkii koox ayaa raacday waana badbaadeen, koox kamidana waa beeniyeen kadibna colkii ayaa ku waabariistay, kaas hore oo badbaaday waa ka raacaya waxaan la imid, kan halaagsamayna waa kan ibeeniyey" sidoo kale shiikhu wuxuu aad u sharxay Xadiiska loo yaqaan Xadiiska Doonta.

Shiikhu maruu ka hadlayey in dacwada akhlaaq lagu guto wuxuu yiri;" illaahay wuu quruxsan yahay, wuxuuna jecelyahay waxa quruxsan, wuxuuna jecelyahay akhlaaqda wanaagsan, mida xuna waa necebyahay (isla xadiiska riwaayad kale wuxuu ahaa) Illaahay waa deeqsi wuxuuna jecelyahay deeqsinimada, wuxuuna necebyahay akhlaaqda teeda hoosaysa" wuxuu kaloo shiikhu ka hadlay ajarka ay leedahay gudashada dacwada isagoo xadiis daliishayna wuxuu yiri; " Illaahay ha nuuriyo qofkii maqla warkayga, weeleeya kadibna gudbiya, waxaa laga yaabaa kan jooga oo maqlaya inuu faham bato midaa joogin"

Shiikha ayaa taxay Shuruudaha Daaciga looga baahan yahay waxaana kamid ahaa shuruudahaas

Kala hormarinta Dacwada - Shiikh Aadam Ciise

Shikha ayaa ku bilaabay sidan;Kala hormarinta Waajibaadku waa arin muhiima, mana jirto arin aakhiro iyo aduun kusaab sanoo laga tageyo. haday kuusoormaan laba arimood oo muhiima ama midna farad tahay midna sune tahay kee la hormarinayaa?. Tusaale Salaada subax haday kaa tagto, ma sunaha ka horeeya oo ajarka badan ayaad tukanaysaa mise salaadii kaatagtay ee Faradka ahayd, shiikha ayaa su'aalahaas dadka ku baraarujiyey. Shiikha ayaa ka sheekeeyey khibrada uu u leeyahay qurbaha iyo dhibaatooyinka dhalinta ka haysata markay timaado kala hor marinta arimaha khuseeya noloshooda diiniga ah iyo mida kaleba. Sidoo kale Shiikhu wuxuu sharxay sida loo kala hormarinayo, barashada Diinta isagoo xusay, in laga bilaabayo Towxiidka iyo Cilmiga la xariira Waajibaadka, kadibna in la xifdiyo Quraanka, Xadiiska, Fiqiga, iyo kitaaba kitaabkuu ka fudud yahay.

Shiikhu wuxuu aad ugu nuux nuuxsaday nusuus tira badana kusoo aruuriyey Su'aalo badan oo Nabigu ka jawaabay, waxaana ka mid ahaa inuu Nabigu kala hormariyey Xaqa waalidka, oo hooyada sadex goor xaq siiyey, marka afraadna aabaha.Shiikha ayaa sheegay nolosha oo dhan inay aasaas utahay kuna dhisan tahay 5 shay.1-Diinta 2-Nafta 3-Maalka 4-Taranka iyo Cirdiga. Wuxuuna sharxay inay muhiim tahay sida ay u kala horeeyaan.Shiikhu wuxuu kaloo sharxay sida la isugu mashquulinayo waxyaabo yar yar marka loo eego wax yaabo badan oo aan u baahanahay muhiimna noo ah.

Sunada iyo booskay Islaamka kaga Jirto - Shiikh Xasaan Xuseen aadam

Shiikwuxuu ku bilaabay "Waa mowduuc aad uwayn kuna lug leh Shahaadataynka, sunada marka laga hadlayo waxaa loo jeedaa waxkasta oo Nabiga loo tiiriyo, oo Hadal ah, Ficil, akhlaaq ah. Sunadu waxay sharxaysaa Kitaabka illaahay, Sunaduna waxay xuja utahay sida quraanku u yaha, Salefkuna waa ratibi jireen, quraanka ayey ku bilaabi jireen Sunada ayey ku xejin jiren".

Sunada waa lagu badbaadaa hadii lagu dhego, cadaab baa looga badbaadaa,aduunka waa lagu khayraa. xadiiskii cirbaad ibnu Saariyah " waxaan idin kaga tagay wado cad oo toosan, oo habeenkeedu iyo maalinkeedu isku mid yihiin, kamana leexdo mid hoogay ma'ahane" xadiiskii abii dardaa" illaahay baan ku dhaartay waxaan idinkaga tagay wado cad, habeenkeeda iyo maalinkeedu waa isku mid" Shiikhuna wuxuu raaciyey waa in lagu dhago sunada oo labarto.Cumar ayaa yiri kitaabta ahlu kitaabku waxay xoojinayaan diinteena, wuxuu yiri ina khidhaabow ma dib dhacaysaan, illaahay baan ku dhaartay waxaan idinkaga tay, mid cad oo saafi ah " Shiikhu wuxuu kaloo wariyey" In xiligii Cumar alle ha ka raali noqdee, waagii danbe uu garaaci jiray qofkuu arko isagoo kadaba wareegaya kutubta ahlu kitaabku taxriifiyeen.

Wuxuu kaloo shiikhu soo raray xadiis uu nabigu yiri scw " Muslimiinay waxaad joogtaan xili culimadu badan tahay, khudubadu yartahay, kuwa su'aalaha idin waydiinayana(baryada) yaryihiin camalka ayaa ka khayr badan. Laakiin waxaa imaandoona xili Culumadu yartay khudubadu badantahay, su'aashu badantahay, cilmiga ayaa ka khayr badan xiligaasna waa xadiis saxiixa" Shikhu maruu ka hadlayey in sunada la difaaco wuxuu yiri C/laahi ibnu Cumar ayaa la waydiiyey arin xajka ku saabsan oo ah Tamatuc macal Xaj oo uu aabihii ku khilaafay kadibna wuxuu yiri C/laahi isaga iyo aabihiiba illaahay ka raali noqdee, Qiso abuu mucaawiyah uu warinayo, xiligii haaruunu rashiid in adiirkiis uu ku dili lahaa xadiis nabiga laga wariyey oo ka hadlayey in Nabi Aadam iyo Nabi Muuse is arkeen, kadibna wuxuu yiri maxadiiska nabiga ayaad Su'aal ka keenaysaa waa ku qisaasi, waad beenisay" ugu danbayntii Shiikhu wuxuu kusoo gaba gabeeyey Sunadu inay tahay Masdar Sharci ah qofkii Xadiis ka shakiya ama diida ama yiraahda looma baahna, ama caqliga magali karo inuu ku gaaloobayo"

Intaa kadib waxaa lasoo gaaray xiligii Mu'tamarka gabagabadiisii ahayd, waxaana dad ka aad ugu Mahad celiyey Shiikh aadam Ciise oo ahaa Shiikha martida loo yahay, kulanka ayaa kusoo afjarmay si nabad galyo ah isagoo shiikhu xusay inaan wax khasaare ah ka dhicin ama aysan jirin wax shil ah oo ka dhacay. Mu'tamarka ayey kasoo qayb galeen dad meelo kala duwan oo North America kamida ka kala yimid sida; Maraykanka ,Ottowa, Edmiton,Winnipeg iyo Toronto iyo nawaa xigeeda. waxaa kaloo xusid mudan in dadkii kasoo qayb galay Mu'tamarka ay ku yaboo heen lacag dhan $60.000 oo dollar, si loogu daboolo baahida mu'tamarka iyo Masaajidka.

Mu'tamarkii Toronto - Maalintiisii Labaad

Sabti: Aug 4, 2007: Waxaa maanta galay maalintii labaad kulan diineedkii Todobaad ee Kulaylaha ee uu soo qaban qaabin jiray Masjid Khalid ibnu Walid. Kulandiineedka oo ka socda Iskuulka Kipling Collegiate Institute.Muxaadaradii ugu horaysay waxaa Video Conference kusoo jeediyey Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, walow aan la dhamaysan cilad farsamo owgeed.Sidoo kale waxaa khadka telaphoen-ka lagu soo xiray Fadiilatu Shariif cabdi nuur oo isna kalmad kooban kasoo jeediyey

Sidee buu qofka muslimka ahi isaga ilaalin karaa Fitnooyinka iyo Shubahaadka? - Shiikh C/risaaq Sancaani

Intaa kadib waxaa lagu soo dhaweeyey Sh. C/risaaq Sancaani oo laga Casumay Minneapolis, Maraykanka, Shiikha ayaa jeediyey Muxaadaro kusaab san sida qofka muslimka ah loo baahan yahay inuu isaga ilaaliyo fitnooyinka iyo Shubahaadka, Shiikha ayey Muxaadaradiisu ahayd Qodobo kusaabsan sidii la isaga ilaalin lahaa labada arimood ee kore, waxaana ka mid ahaa sida qodobadaas;

Qodobada Shiikhu ka hadlay ayaa badnaa midkastana uu'u keenay aayado iyo Axaadiis ka hadlaya. wuxuu ugu danbaysiiyey Shiikhu in labadiyo Ducada iyo illaah bariga taasoo kaa ilaalinaysa Fitno iyo Shaki kasta. si aad uga bogatid darsiga Shiikha kala soco somalitalk.com ama ka dalbao Masjid Khaalid.

Sida Niddaamka Dhaqaale ee Islaamku uga Wanaagsan yahay kuwa kale - Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

Sidoo kale waxaa isna lagu soo xiray khadka telafoonka Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo jooga Magaalada Somaliya, Shiikha ayaa muxaadaradiisa kusaab sanyd " Sida Niddaamka Dhaqaale ee Islaamku uga Wanaagsan yahay kuwa kale" Shiikhu wuxuu ku bilaabay sida dhaqaalaha reer Galbeedka uga badan kayahay kan Islaamka wuxuuna yiri " Dowladaha Islaamka oo dhan waxaa ka wax soo saar badan Dowlada Jarmalka iyo Spayn" wuxuu kaloo Shiikhu aad ugu nuux nuux saday hadalkiisana ku billaabay sida ay muhiimad u leedahay looguna baahan yahay in la shaqaysto oo qofku xoogiisa Cuno, wuxuuna yiri maruu soo raray xadiis Nabiga laga wariyey scw; "Illaahay wuu jecelyahay mu'minka Cabsada, Xoolaha leh hadana qarsoon" waxaa kaloo ka mid ahaa " Qof waa bariista isagoo isagoo mumin ah, Caafimaad qaba, hadana haysta Maalinkas wuxuu cuni lahaa, wuxuu lamid yahay qof lasiiyey aduunyada oo dhigaheedii wadata (aduunyada oo dhan). Shiikha ayaa aad uga hadlay sida uu uga duwan yahay bangiga islaamiga ah iyo kuwa kale, wuxuuna shiikhu sheegay Bangiyada islaamiga ah oo hada jiray inay wanaagsan yihiin ayna sameeyaan maalgalin, taasoo bangiyada kale ee aan Islaamiga ahayn ay doonayaan inay ka faa'idaystaan,

maruu tilmaamayey lacagaha maalgalinta ah ee uu ku shaqeeyo bangiga Islaamiga ah shiikhu wuxuu yiri waa 400 oo milyaar oo dollar. ugu danbayn wuxuu shiikhu kusoo gabagabeeyey jawaab su'aalo lawaydiiyey, waxayna ahaayeen a)xawaaladaha daynta laga dirsado iyo bangiyada islaamiga sidee loo aaminayaa maanta waa yartahay bangi kamaran nidaamka reer galbeedka? su'aalahaas jawaab toodana Muxaadarada dhagayso markar webka lasoo galiiyo ama ka dalbo Masjid Khaalid.

Islaamku Siduu u illaaliyey Qoyska - Shiikh Xasan Takar oo ka yimid UK

Shiikhu wuxuu hadalkiisa ku billaabay qoysku inuu ka mid yahay calaamaadka illaahay waxdaaniyadiisa lagu garanayo iyo sidii loo abuuray bini aadamka.wuxuuna yiri; "Abuurida Qoyska illaahay aayaadkiisa ayey ka midtahay" Wuxuuna shiikhu akhriyey aayada ah " Illaahay ayaadkiisa waxaa kamida inuu idinka abuuray laba nooc "lab iyo dhadig" si aad ugu xasishaan, dhexdiinana yeelay jacayl iyo naxariis"Qoysku waa amaano waa in la illaaliyo amaanadaas, hadii kale ubadkeena naar ayaan ku mudanaynaa, waxaana haboon intaan ku naar mudan lahayn oo aakhiradeena naga mashquulin lahaayeen inaanan dhalin. Wuxuu kaloo shiikhu xusay Luqmaan siduu wiilkiisa u waaniyey, taasna shiikh u ku sheegay inaan ubaahanahay inaan aayaadka xikmad ka qaadanayno.Wuxuu kaloo shiikhu ku nuuxnuuxsaday sida Islaamku Qoyska u illaaliyey, taasoo uu tusaale aad u dheer u soo qaatay sida uu Nabiga scw qoysaskiisa ulla mucaamali jiray ee wanaaga badnayd, marka laga eego dhinac kasta.

Shiikhu wuxuu hadalkiisa kusoo koobay tusaalooyin uu usoo jeediyey hawayneda Muslimka ah, wuxuuna ku bilaabay;

Fiqiga isku duubnida iyo ka hortagida Iskhilaafka - Shiikh Xasaan

Waxaa lasoo gaaray xiligii uu ku qoraa Shiikh Xasaan oo laga casumay dalka Kenya, cinwaanka Shiikha laga codsaday ayaa ahaa "Fiqiga isku duubnida iyo ka hortagida Iskhlaafka" Shiikhu wuxuu ku bilaabay inuu khilaaf dhacayo inay tahay mid diintu cadaysay, sidoo kale wuxuu ka hadlay noocyada Khilaafka iyo sida uu ku yimaado, wuxuu kaloo cadeeyey in xataa xiligii saxaabada uu khilaaf dhex mari jiray, laakiin aysan maslaxad khaasa isku khilaafi jirin ee ay ahayd fahamka Aayadaha iyo Axaadiista, 99% ma ahayn mid keena burbur iyo kala tag.

shiikha oo sii wata ayaa yiri; "Khilaafka Muslimiinta dhexyaala waa mid ku dhisan dulmi iyo xadgudub, waana khilaaf ceebaysan" Shiikha ayaa soo raray hadal uu Shiikhul Islaam ibnu Taymiyah leeyahay "Waxaan fiiriyey khilaafka u dhexeeya muslimiinta dhamaan wuxuu ku dhisanyahay dulmi iyo Xadgudub" Sidoo kale wuxuu sheegay inay ahllu kitaabku isku khilaafeen Nabiga, Diinta iyo wax yaabo kale. wuxuu kaloo Shiikhu soo raray hadal uu yiri nin salafkii kamida oo ah " Islaamku waa guri wayn oo dayr ku wareegsan yihiin albaab laga soo galana leh, darbigu waa cadaalada, albaabkuna waa xaqa.

sidoo kale wuxuu shiikhu yiri Cadaalada iyo xaqu makala tagaan waa isla socdaan" Wuxuu kaloo shiikhu ku nuux nuuxsaday sida dad badan ugu haraadeen ceebeenta shaqsiga iyagoon u hayn cadayn ama asal diini ah oo uu ku khaldan yahay, sidoo kale wuxuu ceebeeyey in dad badan ay markaad doonayso inaad dhabta soo taabato, mabaadil baa mise waa xaq, wuxuu yiri hadalka dharka ka dhig, qalbigaagana ka saar didmada, ruuxaad necbaydna, nacaybkiisa meesha ka saar, kaad jeclaydna sidoo kale, isagoo hadalkii sii wata wuxuu sooraray hadal uu yiri ibnu Qayim, "hanoqon qof ku fiiraya qofkuu jecelyahay warkiisa il raxmad leh, kuu necebyahayna mid ka booda.Qolo kastoo mabda aaminsan wuxay ku cabiri ama ku labisaan dhar qurux badan, inta illaahay siiyey caddaalada iyo aragti dheer ma'ahan e" Shiikha ayaa hadalkiisii kusoo koobay inay illaahay laga baqo oo arinkasta cadaalada laga eego.

Ugu danbayntii Mutamarka ayaa lagu soo xiray Su'aalo iyo jawaabo Culimada la waydiinayey, waxaana lasoo gabagabayn doonaa bari oo axada. Dhamaan Cajaladihii Mu'tamarka ayaa diyaar ku ah goobta Maqal iyo muuqaalba, dadwaynaha waxaa lagu wargalinayaa inay khayr soo gaaraan.

Somalitalk Toroto | Aug 4, 2007

Diinta Xaqa ahi waa Islaamka

Masjidka Khaalid ibnu Waliid ee Toronto ayaa wuxuu soo qaban qaabiyey Kulankii Todobaad ee Kulaylaha, kaas oo cinwaan kiisu yahay   "Diinta Xaqa ihi waa Islaamka"

Masaajidka Khaalid ayaa kulamadaan Isdaba jooga ah soo waday Todoba sanadood oo xiriir ah, kuna casumi jiray Culumada ugu Caansan Soomaalida dal iyo dibadba. Sanadkaana waxaa ku casuman Culumo kala duwan oo uu ka mid yahay Shiikh Xasaan Xuseen oo hada Toronto jooga magaalada Toronto soona gaaray 7/26/07.

Shiikh Xasaan ayaa Duruus ka Bilaabay Masaajidka Khaalid sidii caadada u ahayd intaan lagaarin xiliga Mu'tamarka iyo Mu'tamarka ka diba. Shiikha ayaa wada habeenkii sadexaad duruus uu'u bixiyey "Dul istaagid Aayado kamid ah Suuratu Al-Xujuraat". Daruusta Shiikha ayaa aad loo dhagaystaa umadunu shiikha ay uga mahad celiyeen.

Waxaa xusid mudan Magaalada Toronto oo aan aad usoo xaadirin Kulamada Diiniga ah iyo Duruusta Masaajida kasocota, marka loo eego meelaha kale ee Soomaalidu ku qabtaan kulamadaan oo kale sida; Maraykan iyo Yurub. Taasoo lagu macneeyey marka laga reebo magaalada oo wayn oo aan iska warqabin, in dadka reer Toronto ay xili hore yimaadeen oo aysanba saas u aqoon Culumada waawayn ee meelaha fog fog uga imaanaysa sanad kasta.

Mar aan la xirriiray Maamulka Masaajidka ayaa noo sheegay inay ku casumayaan Mu'tamarka dhamaan ummada Soomaaliyeed ee ku nool Waqooyiga America, gaar ahaana Magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda. Sidoo kale mar aan waydiinay Culuma sanadkaan ku casuman ayey noo sheegeen, inay sanadkaan sii hormariyeen oo ay Culumo kala duwan ay kusoo xiri doonaan Video Conference.

Kulandiineedka sanad kan wuxuu bilaabanayaa Jimcaha Aug. 3 ilaa axada 5 Aug oo ku began  xili fasax ah oo loogu yeero "civic holiday ". Kulanka oo socon doona sadex maalmood, maalinta ugu horaysa wuxuu ka dhacayaa Masaajidka Khaalid, laba bari oo kalana wuxuu ka dhici doonaa "Kipling Collegiate Institute 380 The Westway, Toronto, ( Martingrove & Westway).

Dhegeyso Muxaadarooyinkii Sheekha:

Macluumaad dheeri ah booqo website-ka Masaajidka www.khalidmosque.org

Maarso, 2005: Toronto, Canada: Shirweynaha 6aa ee Dhallinta Ku Barbaartay Woqooyiga Ameerika

Faafin: SomaliTalk.com | Toronto | July 31, 2007

Ku Laabo Bogga Hore ee SomaliTalk.com