SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Dhegeyso: Lacag ururinta Mashruuca Masjidka Abuubakar oo Gabagabo ah


Boqolkii Kun ee Ugu Dambeeyey oo Lagu Jiro Ururinteeda:

Mashruuca Masjidka Abuubakar oo gabagabo ah ayaa dhulka loo helay oo ku fadhiya 95,000 oo Square ft  laguna gaday $1.700.000 oo la iska rabo in lagu soo xareeyo ugu danbayn July 29, 05 ayaa lacagta hada Xarunta loo aruuriyey oo ay dhan tahay $1,600.000, waxaa dhiman $100,000 oo kaliya. Haddaba khayrku yuu ku dhaafin ee ka qayb qaado dhamaystirka mashruuca si waqtiga loo qabtay uu dhulkaasi ugu soo wareego Masjidka.

Please donate online Walaal halkaan riix si aad Xarunta wax uga dhisto

Si ay kuugu fududaato inaad lacagta online ku bixiso Fadlan raac habkaan; Guji...

Waraysigii Sh. CabdriRaxmaan Sh. Cumar
Warbixintii ugu dambeysey ee mashruuca Masjidka Abuubakar iyo Waraysigii ay Idaacada Codka Beesha la yeelatay Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar  ka dhegeyso halkan July 21, 2005

Warbixinadii hore iyo sida lacagta ugu bixin kartid Online hoos ka akhri


Xaruntii Abuubakar oo Gabagabo ku dhow ha ka harin

  • Isha Warka: Masjid Abuubakar | July 20, 2005

Mahad dhamaan teed waxaa iska leh ilaahay, Nabad galyo iyo Naxariisna Nabi Muxamed Dushiisa ha ahaato, Sida inteena badan lasoto waxaa lagu howlanaa mudo dheer sidii Minnesota looga hir galin lahaa Xarun wayn oo guud ahaan dadka islaamka ah gaar ahaana Soomalida ay ku fushadaan Baahidooda, ilaahay mahadii June 1, 05 ayaa lahelay Xaruntii wayneed ee mudadda dheer lagu taamayey, taasoo ku fadhida dhul dhan 95,000 oo Square ft  laguna gaday $1.700.000 oo la iska rabo in lagu soo xareeyo ugu danbayn July 29, 05 lacagta hada Xarunta loo aruuriyey oo loo hayana waa $1,600.000, waxaa dhiman $100,000 oo kaliya.

Waxaan halkaan uga mahad celinaynaa dhamaan umada Soomaaliyeed ee reer Waqooyi America oo horay wax ugu baxsaday una taagan sidii ay xaruntaas umada ugu soo gacan galin lahaayeen, waxaan si khaasa oo aan la qiyaasi karin ugu mahad celinaynaa mar labaad walaalaha reer W/America ilaahayna uga bar yeynaa inuu guri janada uga dhiso walaalhaas oo sameeyey naf hurid laga soo bilaabo june 3 deedii ilaa hadana July 23, 05  utaagan wax bixinta uguna  deeqay Xarunta Abubakar Mudadaa yar lacag dhan $500,000 ilaa hadana utaagan wax ku bixin teeda.

Hadaba walaalayaal hada hoshu waxay maraysaa meeshii ugu danbaysay ama waxa haray waa daba iska raacin waxaana inaga dhiman $100,000 oo kaliya, waxaa si Naxariis leh la idin kaga codsanayaa inaad khayrka usoo dag dagtaan oo aad sadaqadiina ula baxdaan illaahay dartiis idin koo ka shidaal qaadanaya Quraanka iyo Sunada Illaahayna wuxuu ku leeyahay kitaab "Kuwa wax sadaqaysta oo Raga ah & Dumarka leh oo illaahay daymiya dayn wanaagsan waa loo labanlaabayaa waxayna leeyihiin abaal gud wayn" Nabiguna (scw) Xadiis ayuu ku leeyahay "Qofkii Ilaahay dartiis u dhisa Masaajid Ilaahay guri ayuu janada uga dhisayaa" waxaa wariyey Bukhaari.

Walaal waxaad sadaqadaada ubixin kartaa siyaabahan soo socda

  1. Hadaad dagan tahay Minnesota Keen Masaajidka Shaafici, ama soo wac 612-436-0280 silagaaga soo doono, kubixi online oo booqo www.abuubakar.com
  2. Hadaad dagan tahay North America, Europe iyo Australia  booqo www.abuubakar.com oo ku bixi sadaqadaada online nooc yada kala duwan ee kaararka waan aqbalaa, hadaad caawinaad ubaahatana soo wac 612-436-0280 xiliga Eastern time-ka , telephone-kana waa lagugu soo celinayaa marka aad soo wacdo xarunta si aan kharash kaaga bixin insha allaah.
  3. Hadaad dagan tahay Carabaha ama Afrika soo dhig sadaqadaada Xawaaladaha hadba tii kuu fudud, kuna soo qor (Abubakar As-Saddique Islamic Center) iyo telephone-ka xarunta oo ah 612-436-0280 Minneapolis, Minnesota.

Si ay kuugu fududaato inaad lacagta online ku bixiso Fadlan raac habkaan; Guji...


WARARKII HORE EE MASJIDKA ABUUBAKAR:::

Warbixintii Hore ee Dhismaha loo hayo Masjidka

Dhegeyso Waraysigii Radio Codka Beesha ee Xasan Dhooye
Radio Codka Beesha ee magaalada Minneapolis oo toddobaadkan Xasan Dhooye ka waraystay halka uu marayo mashruuca lacagta loogu ururinayo dhismaha loo iibinayo Masjid Abuubakar ka dhegeyso halkan...

Video Laga Duubay Dhismaha Loo Iibinayo Masjidka Abuubakar ee Minneapolis

Daawo Halkan...

Sida lagu caddeeyey Khudbaddii Jimcaha ee June 3, 2005 Masaajidka Imaam Shaafici ee Magaalada Minneapolis, in lahelay Xarun in mudo ah ay raadinayeen Soomaalida reer Minnesota, taasoo loogu magacdaray Saxaabiga wayn ee Abuubakar Asadiiq, (Abubakar As-Saddique Islamic Center), Xarunta oo kutaal isla magaalada Minneapolis ayaa masaajidku shaaca ka qaaday inuu dhacay heshiiskii Xarunta ayna ku iib sadeen lacag dhan $1,700,000.00.

Daawo Video dhowaan laga duubay dhulka masjidka loo hayo Daawo...

Sidee u Caawin kartaa iibsiga dhulkaa: Adeegso PayPal... Eeg halkan...


Soomaalida Reer Minnesota oo Helay Xaruntay Raadinayeen

  • Jimce June 3, 2005 | Minneapolis, MN


Baaxadda:
60,000 Square Feet on 95000 sq land (two Acres)

Waxaa Maanta Khudbaddii Jimcaha laga sheegay Masaajidka Imaam Shaafici ee Magaalada Minneapolis, in lahelay Xarun in mudo ah ay raadinayeen Soomaalida reer Minnesota, taasoo loogu magacdaray Saxaabiga wayn ee Abuubakar Asadiiq, (Abubakar As-Saddique Islamic Center), Xarunta oo kutaal isla magaalada Minneapolis ayaa masaajidku shaaca ka qaaday inuu dhacay heshiiskii Xarunta ayna ku iib sadeen lacag dhan $1,700,000.00.

Sidoo kale wuxuu masaajidku shaaca ka qaaday inay Mashruucaan u hayaan lacag dhan $1,100,000.00 oo ay hada ka hor iska  aruuriyeen Soomaalida iyo muslimiin kaleba, Isla mar ahaabtaana wuxuu Masaajidku Carabka aad ugu adkeeyey in laga rabo $600,000.00 laba-bilood gudahood taasoo uu aad ugu booriyey inay ka qayb qaataan.

Wuxuu kaloo Masaajidku uga hadlay khudbadii Jimcaha kuna beeniyey warar kusoo baxay wargays kasoo baxa Magaalada Minneapolis oo ku qoran afka soomaaliga laguna soo qoray warar dhan ka ah Masaajidka iyo dadka Maamula Mashruuca Abuubakar, hadal kii wargeyskana waxaa ka mid ahaa; "Waxa nasoo gaaray qoraalo iyo warar sheegaya -cadaynaya- in lacagihii soo galay mashruuca masaajidka si bareer ah loogu tagri falay.........in shaqsiyaad ku jira maamulka gudiga ee mashruucanu ay ka bilaabeen ganacsiyo -business- u gaar ah ayagoo isticmaalaya lacagta masaajidka".

Arintaan oo masaajidku aad u canbaareeyey kuna tilmaamay been abuur aan raad iyo sal toona lahayn, khadiibkuna uu cadeeyey waxay diintu ka tiri arintaas, ugu danbayntii Masaajidka ayaa sheegay in maalinta bari oo Sabti ah (June 4) la furi doono Guriga si dadku usoo arkaan, kadibna masaajidku wuxuu qaybiyey waraaqahaan hoose.

Wargeyskan oo aysan ahayn markii ugu horeysey ee uu jaaliyada Soomaalida iyo Diinta Islaamka wax ka sheego.

Daabaco Boggan | Print


DAYTON ROGERS BLDG
2824 13th Avenue south, Minneapolis, MN 55407

Waa Fursad Qaali ah oo aan ku gadan karo Guri kuyaala Minneapolis

Waxaan ugu Bishaaraynaynaa Dhamaan Muslimiinta Reer Minnesota, gaar ahaana Somaalida in lahelay Xaruntaan kutaamaynay mudada dheer, hadaba walaalayaal waxaa bilaabanaya xilli aan dheerayn inaan u diyaar garowno uruurinta tabarucaadkii aan lagarab taagnayn Mashruuceena, si aan u dhamaystirro inta inaga dhiman.

v       Meesha: 2824 13TH Avenue South Minneapolis, MN 55407

v      Baaxada: 60,000 Square Feet on 95000 sq land (two Acres)

v       Faa’iidooyinka: 3 daqiiqo ayuu  ujiraa Highways-yada waa wayn 35W &94

v      Dariska: Xaafad wanaagsan iyo meelo ganacsi oo waawayn

v      Gaadiidka: Bus-ku waa dhinackasta

v      Parking: waa 100 iyo in kabadan

v      Mudada la inoo qabtay ugu danbayn: Julay 29/2005

Project-iga dhaqaalihiisa

Lacagta la iska rabo                  $1,700,000.00
Lacagta aan haysano                $1,100.000.00
Lacagta dag daga ah
                 $600,0000.00

(Waxaan u baahanahay si dag dag ah inaan u aruur sano $600,000.00 intaan lagaarin July 29,2005  si aan ula soo wareego gurigan)

Kucaawi Mashruucaaga Niyad ahaan iyo dhaqaale ahaanba si aan uga faa’iidaysano fursadaan dahabiga ah, Taladaada,Tabartaada iyo tayo galintaadaba waa loo baahan yahay, fadlan soo arag guiraga.

Guri Furid 6/4/05
Waxaa lagu Sharfayaa dhamaan Muslimiinta reer Minnesota inay soo arkaan guriga Maalinta Sabtida ah oo loo furi doono, laga bilaabo
12:00pm ilaa 4:pm.

 
Wixii talo iyo tusaale ah lasoo xiriir cinwaanada hoose; 

Shafici Mosque

1507 South 5th St
Minneapolis MN 55454
Phone: 612.436.0280 or 612: 455.1147 Fax: 612.436.0259
 www.abuubakar.com
Project@abuubakar.com


An Opportunity to Purchase a Building located at the South of Minneapolis.

 v     Location: 2824 13TH  Avenue South Minneapolis, MN 55407

 v     Building Size: 60,000 Square Feet on 95000 sq land(two Acres) 

v     Accessibility: 3 minutes from major Highways 35W and 94

 v     Neighborhood: few blocks east of the well underway redevelopment
of former Sears Tower Building. 

v     Transportation: Bus route Available

 v     Parking : 100 (plus street parking)

 v     Closing date: July 29,2005 

Project Financial outlook:

Acquisition cost                    $1,700,0000.00
Cash on hand                          
1,100,000.00
Funds needed urgently              
600,000.00

 (we need this amount to acquire the building and should raise the funds before closing date-July 29, 2005). 

 Moral and Financial support needed to finalize this noble project, Your suggestion and expertise is needed ( Please drive by  and see the Building)

Open House 6/4/05

We invite all Minnesota Muslims to come to the new building; there will be open house Saturday from 12:00pm to 4:00pm.
For more information and Comment please contact us;

Shafici Mosque

1507 South 5th St
Minneapolis MN 55454
Phone: 612.436.0280 or 612: 455.1147 Fax: 612.436.0259
 www.abuubakar.com  Project@abuubakar.com

Halkan Ka daalaco Sawirada iyo Qoraalka laga soo diyaariyey Mashruucan
 

Faafin: SomaliTalk.com | June 1, 2005
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD