Xafladii Masjidka Abuubakar ee Xagaaga 2005 Loo Qabtay Dhallinyarada...
Xafladii Abubakar Youth Summer Program 2005
Minneapolis, MN, USA
Halkan
kadhagayso kadiskii oo cod ah
Halkan
dhagayso Muxaadaradii
Agoosto 21, 2005:
Waxaa xalay lagu qabtay Iskuulka Ubax ee ku yaal North
Minneapolis Xaflad gabagabo ah oo looga gol lahaa soo xirida
Mashruucii Xagaaga ee loogu talagay in dhalin yarada aqoontooda
diineed kor loogu qaado, wuxuu ahaa shir aad looga soo
shaqeeyey, dhalin yarada Abubakar na ay aad ugu soo fara yarays
teen wiilal iyo gabdhaba.
C/llahi oo shirka xiriirinaya
Adaan oo quraan kufuraya
Wuxuu ka koobnaa
shirkaan sadex qaybood sida;
Kadis ama tartan
wiilal iyo gabdho ah iyo abaal marin
waxaa xaflada kasoo qayb galay dad farabadan oo isugu jira
Waalidiin, dhalin yaro iyo Marti sharaf kale oo lagu qiyaasay
dhowr boqol oo qof.
Sh. C/risaaq oo Muxaadaro Bixinaya Sh.
C/rashiid oo Muxaadaraynaya
C/laahi oo ardayda kamida oo jeedinaya Muxadaro
Faaraax Nuur Director-ka Ubah oo baraarujin jeedinaya
Waxaa bilowday Muxaadaraadkii oo ay soo kala jeedinayeen Sh.C/kiin
Sh. Cumar,Sh.C/risaaq Sancaani, Sh. C/rashiid Xasan iyo Sh. C/kiin
Xasan, kadibna waxaa bilowday tartankii iyo kadiskii su'aalihii
dhalinyarada lawaydiiyeyna sidaan ayey ahaayeen;
KADISkii (Tartankii)
Gabdho iyo wiilal
Halkan kadhagayso
kadiskii oo cod ah
Niyaddu sharciga Islaamka marka loo fiiriyo waa
A. Wax aad damacdid inaad sameysid
B. Qalbigaaga waxa ku soo dhaca
C. Go’aansasho cibaado Ilaahey dartii
D. Midna ma ahan
QUESTION # 2
Hijrada sharciga Islaamka marka loo fiiriyo waa
A) Qofka oo dal muslim soo booqda
B) Qofka oo dal muslim u guura, kana guura dal
gaalo
C) Qofka oo dal muslim ka guura una guuran dal
gaalo
D) Qofka oo Xajjka aada
QUESTION # 3
Niyadda oo laba cibaado oo isku mid ah kala
saarta waxaa tusaale u noqon kara
A. Niyeysashada Sawmka Ramadan iyo
niyeysashada Xajjka
B.Niyeysashada Salaad Duhur iyo Niyey sashada Salaad Casar
C.Niyeysashada Salaadda iyo Ninyeysashada Sawmka
D.Ninyeysashada Qur’aan akhris iyo Ninyeysashada Sawmka
QUESTION # 4
Niyadda oo wax caadi ah iyo wax cibaado ah kala saarta waxaa tusaale
u noqon kara
A. Qubeyska isnadiifinta iyo qubeyska
janaabada
B. Qubeyska isnadiifinta iyo qubeyska is
qaboojinta
C. Qubeyska janaabada iyo qubeyska xaydka
D. Qubeyska Nifaaska iyo qubeyska xaydka
QUESTION # 5
Xadiith abu Hureyrah
Nabigu wuxuu yiri أحدكم
لايقبلالله صلا ة waxaa laga wadaa
A. Salaadda way ka ansaxeysaa, laakiin
aakhiro ajar ku heli mayo
B. Aakhiro ajar wuu helayaa laakiin
salaaddii kama ansixin
C. Salaaddii ma ansixin ajarna maleh
D. intaas midna ma ahan
QUESTION # 6
Xadiithka Ibn Cabbaas ee labada nin oo
qabriga lagu cadaabayey nabigu wuxuu sheegay in midkood
kaadida uu san iska ilaalin jirin, kan kalena
A. dadka ayuu been u sheegi jirey
B. dadka ayuu xaman jirey
C. dadka ayuu hadalada u kala qaadi
jirey
D. Dadka ayuu dhici jirey
QUESTION # 7
Xadiithka Ibn Cabbaas Nabigu wuxuu qabriga labada nin ka
taagey laan qoyan Wuxuuna yiri
A) waxaa suurowda in cadaabka looga fududeeyo
B) waxaa suurowda in cadaabka looga daayo
C) waxaa suurowda in qabrigooda lagu garto
D) midna ma ahan
QUESTION # 8
Haddii qof isaga oo Duhur tukanaya uu ka shakiyo ma saddex
ayaad tukatay mise afar
A. salaadda wuu ka baxayaa wuuna kusoo celinayaa
B. hal rakcad ayuu ku darayaa atixiyaadka kadibna wuu ka
baxayaa
C. hal rakcad ayuu ku darayaa sujuudu sahwi ayuuna la
imaanayaa atixiyaad kadib
D. waxba ku dari mayo sujuudi sahwina la iman maayo
QUESTION # 9
Haddii adigoo salaad Duhur tukanaya Imamku ataxiyaadka hore
illaawo
A. adigu waad u fariisan ataxiyaadkaaga
B. Imamka ayaad khaladka ku
raacaysaa
C. salaadda waad ka haraysaa
D. kulli waa khalad
QUESTION # 10-11
lXadiithka Abu Thaclaba Nabigu wuxuu yir: xuduudka Alle
l: فلا تضيعوها
l:فلا تبحثو عنها
l: فلا تعتدوها
l: فلا تنتهكوها
lقال رسول الله صلى الله عليه وسلم
المسلم
lا: من أمنه الناس على أموالهم وأنفسهم
lب: من جاهد نفسه
lج: من سلم المسلمون من لسانه ويده
lد: من هجر الخطايا والذنوب
QUESTION # 12
Haddii aad safar ku jirtid waxaad jamcin kartaa
A.Duhur iyo Casar
B.Duhur iyo Cishe
C.Cishe iyo Salaad subax
D.Duhur iyo Maqhrib
QUESTION # 13
Sawmka waxaa la bilaabi karaa haddii bisha la
arko, haddii bisha la waayana
A.Sawmka waa la iska daynayaa
B.Shawaal ayaa 30 laga tirinayaa
C.Shacbaan ayaa 30 laga tirinayaa
D.Ramadaan ayaa 30 laga tirinayaa
QUESTION # 14
Ciidda Fitriga waxaa la tukan karaa haddii
bisha la arko, haddii bisha la waayana
A.Ciidda waa la iska daynayaa
B.Shawaal ayaa 30 la dhameystirayaa
C.Shacbaan ayaa 30 la dhameystirayaa
D.Ramadaan ayaa 30 la dhemstirayaa
QUESTION # 15
Niyaddu waxay shardi u tahey
A.Waxa waajib ka ah kaliya
B.Waxa sunnada ah kaliya
C.Waxa xuduudda ah kaliya
D.Camal kasta
QUESTION # 16
محل النية
waa:
A.Xubnaha bini aadamka oo dhan
B.Carrabka
C.Niyaddu maxal ma leh
D.Qalbiga
(intaa waxaa ku dhamaaday su'aalihii loogu tala galay in lagu
kala badiyo) Halkan
kadhagayso kadiskii oo cod ah
waa la kala rayn waayey, waa la isku bar bar dhacay, markaas ayaa
gudii waxay ku dareen 4 su'aalood oo lagu kala haro, waxaase farxad
kale noqotay in arday aad loo soo diyaariyey ay yimaadeen oo hadana
la isku garab dhacay, gudii kadiska loo qoon deeyey oo sadex xubnood
ka koobnaa ayaa afka isu dhaweeyey waxayna garteen inaan su'aalo
kale loo baah nayn xafladii kadiskana intaa lagu xiro, abaal marinta
loo siiyo si is leeg, waxaa xusid mudan su'aalaha afarta ah ee ugu
danbeeyey inay ku jirtay su'aal aad u adag oo iska daa dhalin yaree
culimada barkood ay san garanayn ilaa qof soo diyaariyey ma'ahane,
ilaahay mahadiise inay ka jawaabtay gabar yar oo dhalinyaro ah,
waxaad kaheli doontaa insha alaah qaybta codka.
Iimaam Caaqil oo
dhallinyada Su'aalo weydiinaya | Iimaam Caaqil oo ardayda abaalmarin
siinaya
Waxaa dib loo balamay marlabaad Mu'tamarka dhici doona maalmaha
fooda inagu soo haya insha alaah oo lagu qaban doono Minneapolis
Convention Center, isku soo xooriyoo ardayda Tartamaysay su'aalaha
waxay saxeen 99%, taasoo xafladii mahad looga soo jeediyey
Macalimiintoodii, waalidkood iyo dhalinyaradii Sumer Program-ka soo
diyaariyey, iyo ardaydii tartamaysay oo badankoodu ka yimaadeen
Abuubakar youth Center, abaal marinta labixiyey waxay ahayd
Shahaadooyin,Kutub, Cd's iyo CD player, Dahab, Lacag, dhar, Cajalado
Muuqaal ah iyo Koobabka kubada la isku siiyo. Halkan
kadhagayso kadiskii oo cod ah
Sawiradii
kale ee Xaflada halkaan riix (more pictures click here)
Abubakar Youth Center
2838 Stevens Ave South
Minneapolis MN, 55454
612.872.7070
dugsi@abuubakar.com
Xarunta Dhalinyarada Ee Abuubakar waxaa la furay May
15, 2005. waxaa si gooni ah loogu barbaariyaa dhalinyarada da’doodu u
dhaxeyso 12-18 sano. Xaruntaan mudadii ay furnayd waxaa ka faa’iidaystay oo
dhigta ardey u dhexeysa 80-100 ardey. Xaruntaan waxay ka kooban tahay 4
fasal, qolka kumbiyuutarada iyo xafiiska maamulka. Qolka kumbiyuutarada
waxaa yaala ilaa 9 computer oo leh DSL internet access.
Qorshaha
Wakhtiga kuleylaha (summer-ka)
Waxay Ardeyda summer-ku qaadanayeen fasallo diini ah oo
kala ah
-
1-Tafseer
-
2-Xadith
-
3- fiqi
-
4-Sports
Waxaa kale oo ay lahaayeen waxa loo yaqaano fieldtrip
(picnics), iyo Cayaaraha kala duwan sida Basketball.
Waxaa ka qeyb qaatey summer-ka ardey u dhaxaysa 60-70
ardey oo 65-70% ay gabdho ahaayeen.
Xarunta waxaa si joogta ah uga baxa fasallo diini ah
maalmaha sabtida iyo Axadda.
Gabdhaha subaxii 9:00am-12:00pm
Wiilasha Galabkii 2:00pm-5:pm
Waxay ardeydu qaataan lix maado oo kala ah
In sadexdii biloodba la qabto kulammo waaweyn oo lagu
marti qaadayo culimada waaweyn si ay ula hadlaan ardayda.
Waxaa la bilaabi doonaa September 2005 in ardayda laga
caawiyo shaqo guriga ama Layliga (Home work) sida xisaabta, sciencka iyo
wixii lamid ah. Waxaa u diyaar ah macalimiin aqoon uleh culuumta ay
dhigayaan, Xarunta Abubakar Youth Center sida aad magaceda ka dareemi
kartaan waxay ka midtahay Jimciyada wayn ee Abubakar As-Saddique Islamic
Center.
Halkan
dhagayso Muxaadaradii
Qoraankaan oo English ah fadan halkan riix. English Version click here
ISHA: Abubakar Youth Center
Faafin: Aug 21, 2005
XAGAAGA IYO SOMAALIDA SWEDEN
XAGAABAX LAMA ILLAAWAAN AH : Qoysaska
soomaaliyeed ee reer Stockholm, Sweden... Guji...
ENGLAND:
SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER
Soomaalida ku nool magaalada muslimiinta badan deggan
yihiin ee Leicester ayaa muddo gaaban ku muujiyay dadaallo iyo horumar aad u
ballaaran, warbixin arintaas ku saabsan
ka akhri halkan...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|