oil Xaqiiqada Dhabta ah ee ka dambaysa "Sharciga Batroolka Soomaaliyeed" Waa duudsin Khayraadka Shacabka Soomaaliyeed muddo 70-ka sano ee soo socota.. Waxaana la is weydiinayaa in Baarlamaanka DFKMG uu xeerkaas ansixin doono.... Akhri [Xog iyo warbixin]....

Hoggaamiyaasha Muslimiinta iyo Khasaarintooda Maalka Dadweynaha... Akhri qormadii: Wadaagga Batroolka Dad-u-dhexeeyaha:

 


Shirkad Cusub oo gatatey Warshada kaluunka Ee Laas Qoray.

Warkan waxaa soo tebiyey
LaasqorayNet

 

Dubai:-Taariikhdu markay ahayd 12-Augost-2007 ayaa Hoteelka Land Mark oo ku yaala magaalada Dubai ee Dalka isu taga Imaaraadka Carabta ka dhacay  xaflad si heer sare ah, loosoo agaasimay, laguna kala iibsadey hantida Warshada kaluunka ee Laasqoray. 
 

Waxaana halkaa ka dhacay heshiis dhamaystiran oo ay wada galeen labada shirkadood oo kala ah. Shirkadda gadaysay ama iibinaysay Warshadii kalluunka ee laasqoray iyo  loo yaqaano Hodman Trading Company. Halkaas oo ay shirkada malkiilayaashii shirkada  Laaskoray Tuna Factory gabi ahaan ku wareejiyeen Warshadii Kalluunka Laasqoray shirkada  Hodman Trading. 
 

Heshiiskii halkaas  ka dhacay waxaa kala saxiixday 4 xubnood oo ka kala socday labada shirkadood. Shirkada Laasqoray Tuna Factory waxaa saxiixa wareejinta qalinka ku duugay Mudane Mohamad Cabdi Ahmad (Buraale)  iyo Mudane Xassan Faarax Bile. Sidoo kale Waxaa iyaguna dhanka Hodman Trading Company heshiiskaas u  saxiixay. Mudane Cali Maxud Hassan (Ceelaayo) iyo Mudane Mohamad Ahmad Shiikh Saalax (Haydh-Tuulo). 
 

Goobta Xaflada lagu qabaneyey ayaa waxaa kaso qayb galay dad aad u tiro badan  Waxaa xafladaas goob joog ka ahaa dadwayne aad u fara badan. Sida aqoonyahano,issimo,ganacsato iyo culamaa'u diin si wayn looga yaqaano dalka iyo dibbadaba. Xafladaas waxaa barnaamijkeeda xidhiidhinayay Mudane:- C/risaaq Omar Eeyf iyo Mudane:- Iidle Cabdi Xirsi Qacle. Waxaana halkaas lagu sharfay furitaankeeda oo wacdi iyo hadal lagu diirsady ka jeediyey Sheekh C/Xakiim Hassan Hussein. Waxaa iyaguna ka hadlay Xaflada. 
 

Gabagabadii waxa si dhakhso leh loo furi doona Warshada kalluunka ee Laas Qoray Tuna Factory taas oo wax wayn ka tari doonta shaqalaynta dadka dega Magaalada Laas Qoray ee Maakhir State.
 

Waana arin farxad leh in uu soo gebegaboobo khilaafkii hakadka geliyey shaqeynta iyo wax soosaarka warshada oo ahayd il dhaqaale oo muhiim ah. Waxa iyana ku dayasho mudan in reer Maakhir ka fuliyaan mashaariic tan oo kala ah taas oo kobcin doonta dhamaan Bulsha wayta gobolka Maakhir. 
 

Bahda Laas Qoray net  waxa ay u hambalyaynaysaa heshiiska lagu garay magalaada Dubai, waxa ay u rajaynaysaa  shirkada cusub iyo warshada Laas Qoray guul, Ilahayna ha ka dhigo mid dalkeeda iyo dadkeeda anfacda. 
 

By : Eng Ali A Yusuf
Eng Baashe Mahamud Mohamed Shire
 
 

Daawo Sawirada laga soo qaadey goontii heshiisku ka dhacayey! 
 


 


 

 
 


 


 


 


 


 

ISHA: LaasqorayNet

Aug 13, 2007

Ku Laabo Bogga Hore ee SomaliTalk.com