| 
 "Xaaladda Soomaaliya": Muxaadaradii Sheikh Maxamed Idris ka jeediyey 
Mutamarka Minneapolis (Dhegeysi)Warbixintii iyo muxaadaradii uu Mutamarkii Minneapolis ka jeediyey Sheikh 
Maxamed Idiris hoos ka dhegeyso Qaybta 1aad Muxadaro Qaybta koowaad Qaybta 2aad Muxaarado Qaybta 2aad Sabtidi oo taariikhdu ahayd July 2, 2011 oo ahayd maalintii labaad ee 
Mutamarka Minneapolis ayaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Xaaladda 
Soomaaliya" soo jeediyey Sheikh Maxamed Idiris, asagoo ku xeel 
dheeraday sida ay umadi xal ku gaari karto inay tahay ayaga dhexdooda in aysan 
is khilaafin oo kala tegin, isla markaasna waa in la xalliyo wixii hore u dhacay 
si meel loo saaro xad gudubyadii hore, taas asagoo xoojinayey waxa uu yiri wixii 
hore u dhacay oo aan meel la saarin in xal la gaaro waa adag tahay. Ummad waxay ku burburtaa marka ay dawladdu dadkeeda ku samayso dulmi, ama 
dadka dhexdooda ay is dulmiyaan. Waxana uu dadkii madasha isugu yimid xusuusiyey 
dulmigii weynaa ee loo geystey culimadii Soomaaliyeed ee lagu toogtey ayagoo ku 
taagan xaqa kaddib markii dawladii hore ay diidey aayado kamid ah quraanka ee ku 
saabsan dhaxalka, ayna culimadaasi ka dhiidhiyeen.. Dulmigaas shacabka 
Soomaaliyeed xilligaas ka ay dhiidhiyin, ayuu yiri. Waxa kale oo uu xusay in dadka Soomaaliyeed dhexdoodana ay is dulmiyeen. Taas 
oo uu sheegay markii ugu horaysay ee ummadda Soomaaliyeed la soo hujuumey ama la 
soo galay ay ahayd kaddib markii ay dhexdooda ayagu is khilaafeen. Waxana uu 
xusay in Itoobiya aysan Soomaaliya soo hawaysan toddobaatanadkii iyo 
sideetamaadkii, balse ay soo gashay kaddib markii ay Soomaalidu is khilaafeen oo 
qaarkood garab ka soo dhigteen Itoobiya. Waxa kale oo uu xusay inta aan isku mashquulsanahay oo is khilaafsanahay in 
xeebteena dheer iyo badda Soomaaliya si sharci darro ah looga kalluumaysto. 
Khayraadkiii aan guran weyney in dawlado kale iyo quruumo kale ay guranayaan. "Yaa ii sheegi kara reerka Soomaaliyeed ee aan Itoobiya soo adeegsan, car yaa 
ii sheega, yaan soo adeegsan Mingiste, yaan soo adeegsan Zenawi, maxaan beenta 
isugu sheegeynaa. Inaga ayaa isu geysanay waxa inagu dhacay, cid kale oo dibadda 
inooga timid ma jirto, inaga ayaa gacmaheena isku dulminay, ayuu yiri Sheikh 
Maxamed Idiris oo dadweynaha ula hadlayey si qiiro ku dheehan tahay. "Haddaan ka hadlo kuwo diinta sheeganaya qaar ayaa xanaaqaya. Haddaan ka 
hadlo Dawladda kuwo kale ayaa xanaaqaya. Haddaan kahadlo gobolada kuwa 
sheeganaya kuwo kale ayaa xanaaqaya. Laakiin I Do Not Care," ayuu yiri. Sheikh Maxamed Idiris waxa uu sheegay in Muqdisho ay hadda noqotay dambas, 
waxaana ka dhigayana ay yihiin kuwa ku dagaalamaya, wixii ay doonaan ha 
sheegtaane. Waxana uu kula taliyey reer Minnesota in ay isku tashadaan, oo dantooda ka 
tashadaan, waxana uu sheegay in xaaladda Soomaaliya hadda ka jirta aan wax ka 
soo socon, in ummaddu ay is bedesho mooyee. Odayaasha makhaayadaha ka sheekeeya oo wiilashoodii ama carruurtoodii 
dayacmeen oo daroog abarteen ayuu si weyn ugu waaniyey inay Allah ka baqaan oo 
masuuliyadooda gartaan. Arrintaas oo dumarka Soomaaliyeed oo Mutamarka soo 
camiray ay hal mar u riyaaqeen hadalkak sheekhu ku canaantay odayaasha 
makhaayadaha sida maalaa yacniga ah wax aan dani ugu jirin ug asheekeya oo 
reerahoodii iyo xaasaskoodii ka dayacmeen. 
 Hagaagga Ummaddu Waa Hagaagga AkhlaaqdeedaMutamarka Minneapolis waxaa kale oo muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Hagaagga Ummaddu 
Waa Hagaagga Akhlaaqdeeda" soo jeediyey Sheikh Maxamed Umal oo 
asagoo jooga Nairobi lagu soo xiriiriyey khadka Video-ga, waxana uu si xeel 
dheer uga hadlay in haddii ummad ay doonayso in ay hagaagto oo guulaysato, waxaa 
lagama maarmaan tahay in akhlaaqdeedu  hagaagto. Ummada jiritaankeedu waxay 
ku salaysan tahay hadba inta ay ka haysato akhlaaqda wanaagsan. Waxana uu xusay in xadaaradaha iyo ilbaxnimooyinka adduunka soo maray waxa 
burburiyey ay tahay markii mujtamacyadii xadaaradahaas lahaa ay ku kaceen xumo 
faaftay. Sheikh Ummal waxa uu Muslimiinta ku booriyey in ay dadka kula dhaqmaan 
dabeecad, asluub iyo dhaqan wanaagsan. Isla markaasna ay ka fogaadaan beenta iyo 
khiyaanada, hana ku dhicina hab dhaqan fool xun. Ku dadaala runta iyo 
caddaaladda. Waxana uu si gaar ah Soomaalida uga digey in aysan ku sifoobin kuwo 
had iyo jeer wax is daba maryeeya.  Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan mutamarka Minneapolis
ka akhri halkan Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2011 |