Muxaadarooyinkii uu Sh. Xasaan kajeediyey Masaajidka Khaalid ibnu Waleed ee Toronto, July 2007, oo cinwaan koodu yahay isdul-taagid aayado ka mid ah suuratul Al-Xujuraat.
Daawo Sawirada Mutamarka Toronto ee 2007
Maarso, 2005: Toronto, Canada: Shirweynaha 6aa ee Dhallinta Ku Barbaartay Woqooyiga Ameerika
Sept 2006: Kulan-diineedkii 6aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika
Sept 2005: Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga Ameerika oo lagu soo Gabagabeeyey Minneapolis..
Sept , 2004: Kulan Diineedkii 4aad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Guul Kusoo Gabagaboobey
Sawiradii kulankii 2006 ee Toronto... DAAWO
ABUUBAKAR AS-SADIIQ, MINNEAPOLIS, MN, USA - Aug 31, Sept 1, 2, 2007
Gobalada Marayka iyo nawaa xigooda oo isu diyaarinaya Kulan diineedkii 7aad
ee Waqooyiga Maraykanka. Jimcada Agoosto 31 ayaa ah Maalinta ugu horaysa ee
uu bilaabanayao Mu'tamarku, wuxuuna soconayaa ilaa Axada
Sebtember labaddeeda.
Waxaa kasoo qaybgalaya Culimo aad u farabadan oo gaaraysa 26 Wuxuuna ku bixi doonaa luuqado kala duwan sida; Somaali, Carabi Ingiriisi iyo Oromo.
Mu'tamarku wuxuu bilaabanayaa jimcada 12:00pm Maalamaha kalana wuxuu bilaabanayaa 11:00am.
Waxaa sigaara loo xasuusinayaa Muslimiinta Minnesota inay ka faa'idaystaan fursadaan.
Goobta: Minneapolis Convention Center
Goorma: Aug 31, Sept 1 & Sept 2
Saacadaha: 12:00 duhurnimo ilaa 10:00 fiidnimo
Luqadaha: Af-Soomaali, Carabi, English iyo Oromo
Halkan ka akhri culimada
muxaadarooyinka soo jeedin doona (Flyer-ka)
Walaalaha muslimiinta
Assalaamu caleeykum warraxmatullaah
Ummad waliba waxay ku xirantahay jiritaankeeda dhabta ah jiritaanka dhabta ah ee diinteeda, jiritaanka dhabta ee diinta waxay ku xirantahay in la helo culumo ku dhaqanta dadkana gaarsiiya kuna hoggaamiya wadada alle, culimada oo ummadda bara xaqa oo oo saafi ah, kuna nooleeya kitaabka Alle iyo sunnada nabiga sallalaahu caleeyhi wasallam.
Abuubakar waxaa loo aasaasay ujeedadaas, si umadda ugu noolaato iimaanka nuurkiisa, si ay uga badbaadaan fitnada gaalnimada iyo xumaanta, gaar ahaan da'yarta sida sahlan u milma, qooysaska sida fudud u burbura.
Waxaa abuubakar wax ku barta dad waaweeyn iyo dad yaryar oo boqolaal gaaraya kuwaas oo yimaada macaahida kala duwan, dugsiyada qur’aanka iyo masaajida hoos yimaada dalada Abubakar. Abubakar wuxuu idiin soo diyaariyaa qabashada shirarka diiniga ah oo bulshada muslimka ahi ku kala faaiidaystaan cilmiga, iskuna booriyaan dhowrida sharafta,iyo karaamada umadu ay leedahay.
Abuubakar Wuxuu dadka ugu yeeraa toowxiidka saafiga ah iyo u fahmidda kitaabka iyo sunnada sida ay u fahmeen salafkii suubanaa taas oo ah sida kaliya ee ay ku jirto badbaado aakhiro iyo mid aduunba. waxaa Alle mahaddii kadib dhismaha abuubakar isu taagay dadka muslimiinta ee jecel xoojinta diinta islamka,iyo raalligalinta Allah.
Gabogabadii si ay risaalada islaamka u gaarto uunka Alle,loona badbaadiyo caqiidada muslimiinta, ku taakulee xooggaada, xoolahaada, xikmadaada iyo cilmigaada oo ka qeeybqaado dhameeystirka dhismaha masaajidka wajigiisa labaad.
Sheikh Abdirahman Sheikh Omar
Imaamka Masjid Abubakar
Halkan ka akhri culimada muxaadarooyinka soo jeedin doona (Flyer-ka)
Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis | Aug 31, 2007