1. Guji batoonka sare ee ay ku qoran tahay "Saddaqo bixi :: Make a
donation"
2. Markaas Shaashada soo bixi doonta qaybta cinwaanka ka hubi in ay ku
qoran tahay https://www.paypal.com [F.G: Waa in ay qaybta http
ay la socoto s, taas oo u qoran sidan: https:
S-taas oo
macneheedu yahay "Secure".
Dhanka hoose ee daalacdaha (Browser-ka) ka eeg in uu ka muuqdo "QUFUL"
kaas oo muujinaya in boggaasi ammaan yahay.
3. Qaybta "Checkout" ee shaashadda meesha u bannan ku qor lacagta
inta aad ku deeqeysid. Markaas haddii aadan sanduuq (Account) ku lahayn
Paypal guji batoonka dhexda shaashadaas ee ay ku qoran tahay "Click
Here". (Haddiise aad sanduuq ku leedahay Paypal, eeg dhanka hoose
qaybta "PayPal Login" kuna qor macluumaadka sanduuqaaga (Email
iyo Password) markaas guji batoonka hoose ee 'Continue".)
4. Kaddib shaashada soo bixi doonta ku buuxi akhbaarta lagaaga baahan
yahay, sida: Nooca 'Credit Card-kaaga' iyo Lambarkiisa iyo lambarada
xaqiijinta ee geeska kaga qoran 'credit Card-ka' , xilliga uu dhacayo
(Bisha & sannadka), magacaaga (koowaad & awoowaha), wadanka aad joogtid,
cinwaan-kaaga, magaalada, telefoonkaaga iyo emailkaaga (F.G: Waa in
emailkaagu u qoran yahay si sax ah, waayo emailkaas ayaa PayPal kuugu soo
diri doonaan in aad lacagtaas bxisay). Markaas ka dib dhanka hoose ee
shaashada eeg xarfaha kuqoran, isla markaasna sida ay u qoran yihiin ugu qor
meesha bannaan ee ka bannaan bartaas. Kaddib guji batoonka dhanka hoose ee "Continue
Checkout".
5. Marka aad gujisid "Continue Checkout" ee shaashadda sare, waxaa
soo bixi doona shaashad ay ku qoran yihiin intii akhbaarta ahayd ee aad
qortay, taas oo ay tahay in aad hubisid. Haddii ay wax ka khaldan yihiin
guji batoonka "Make Changes". Marka aad hubisid in xogta halkaas ku
qoran ay sax tahay, guji batoonak dhanka hoose ee "Pay".
Haddii aad batoonkaas gujisid lmacneheedu waa in aad lacagtaas diyaar u
tahay in aad bixisid, sidaasna ay kaaga baxday.
Haddii wax kasta u dheceen sida saxda ah waxaa kuu soo bixi doona bog
muujinaya in aad lacag bixintii ku guulaysatey, Markaas ka dib waxaa email
kuu soo diri doona PayPal ay ku caddahay inta lacagta ah ee aad bixisay.
Halkaas marka aad soo gaartey waxaad diyaar u tahay in aad si wanaagsan u
adeegsan kartid PayPal adigoo lacagta deeqda ah ku bixinaya "Credit Card-kaaga"
Online, Haddaba marka aad diyaar noqotid guji batoonka hoose ee "Saddaqo
Bixi"......
Akhri: Xaruntii Abuubakar oo Gabagabo ku dhow
ha ka harin