SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Daabaco Boggan | Print

Xafladii Loo Dhigay Lasoo Wareegidii Xarunta Abuubakar Sadiiq...

Halkan ka dhegeyso Sidey u Dhacday Xafladu...



Masjid Abuubakar oo lasoo Wareegey Dhulkii Mudada Dheer Loo Raadinayey...

Xafladii la soo wareegida dhulka loo iibiyey Xarunta Abuubakar

Sugulle oo Abuubakar u saxiixaya la soo wareegida xarunta

Charlie (Mulkiilihii hore) oo dhulka  u saxiixaya xarunta Abuubakar

Sugulle iyo oo hubinaya dukumiintigii lakala saxiixday ee lasoo wareegida dhulka

Mulkiilihii dhulka oo lagu wareejiyey lacagtii dhulka lagu gaday

Sh. C/Raxmaan oo lagu wareejinayo furayaashii dhismaha

SomaliTalk (Minneapolis): Maanta oo Jimce ah, July 29, 2005, ayaa masjidka Abuubakar ee magaalada Minneapolis uu si rasmi ah ula soo wareegey dhulkii mudada dheer masjidka loo raadinayey.

Heshiiska la kala wareegida xarunta waxa uu dhacay kaddib markii maamulka masjidku ay halkaas ku bixiyeen lacag dhan 1,580,000 (waxaana mulkiilayaashu hore damaanad ugu haysteen 20,000) sidaasna ay hadda ku hayataan 1,600,000. (Waxaa dhiman 100,000 - wararka u gu dambeeyey ee masjidku waxay shaaca ka qaadeen in ilaa hadda la helay 1,650,000, sidaasna ay ku dhiman tahay 50,000 oo keliya.)

Xafladda lasoo wareegida dhulka iyo dhismaha waxaa goob joog ka ahaa:

1-Charlie & Arlene Gumingo (mulkiilayaashii dhulka)
2-Eric H Galatz (Qareenka Xarunta Abuubakar)
3-Sugule (oo masjidka u saxiixay lasoo wareegida)
4- Sh. C/raxman Sh. Cumar (Iimaam & Mas'uulka Xarunta Abuubakar Asidiiq)
5- iyo Maamulka Masjidka Abuubakar (Eeg Sawirada hoose).

Maamulka Masjidka Abuubakar oo arinta la soo wareegida qoraal rasmi ah ka soo saaray ayaa yiri sidan:

"Mahad dhamaanteed waxaa leh Illaahay, Nabi Muxamedna Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaato."

"Maanta oo ah maalin guul wayn noo soo hoyatay waxaan ugu bishaaraynaynaa dhamaan umada islaamka ah gaar ahaana Soomaalida in aan lasoo wareegnay maanta oo taariikhdu tahay 7/29/05 Xaruntii Abubakar As-Saddique Islamic Center oo ku kacday gadashadeedu $1,700,000.00."

"Xarunta Abubakar Waxaa ka qayb qaatay gadashadeeda jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Minnesota iyo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Maraykanka, sidoo kale waxaa ka qayb qaatay Muslimiinta kale eek u nool Waqooyiga Maraykanka."

"Waxaan umahad celinaynaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay Hirgalinta Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center (Jizaahumulaahu Khayr)."

Sawirada xafladii la soo wareegida xarunta hoos ka eeg:


Xafladii la wareegida Xarunta Abuubakar oo ay fadhiyaan maamulka masjidka iyo mulkiilayaashii xarunta iyo qareenada labada dhinac ee la kala wareegaya xarunta.


Sugulle iyo Qareenka xarunta oo hubinaya dukumiintiga


Sugulle oo Xarunta u saxiixaya lasoo wareegida dhulka

Charlie iyo Arlene Gumingo oo saxiixaya wareejinta dhulka

Charlie oo dukumiinti saxiixaya

Charlie oo jeegii qaatay iyo looyaradiisii oo ag fadhida


Charlie & Arlene Gumingo (mulkiilayaashii dhulka) oo ku faraxsan wareejinta dhulka


Qareenka Xarunta Abuubakar


Sh. C/Raxmaan oo lagu wareejinaya furayaashii.. Sidaasna uu dhulku ku noqday mulkiyadda Masjid Abuubakar. Maasha Allah...

Inta dhiman si aad uga qayb qaadatid, iyo wararkii hore ee xarunta ka akhri linkiga hoose:

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD