ABUUBAKAR AS-SADIIQ, MINNEAPOLIS, MN, USA - Aug 31, Sept 1, 2, 2007
Warbixintii: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA
Maalintii saddexaad waxa uu mutamarku ku bilowday muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Ribada iyo xumaanteed" oo uu soo jeediyey Sh. Xasaan Xuseen oo khadka Video Conference laga soo xiriiriyey isagoo jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxana uu ugu horayn ku xeel dheeraaday xumaanta ay leedahay ribada.
Waxa kale oo uu si qoto dheer uga hadlay wanaagga beeca iyo sadaqada iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo ay soo geli karto ribadu ama dulsaarka xaaraanta ah.
"Ribadu wax ma kordhiso, laakiin maalka waa yaraysaa ama naaqusisaa, ee ka fogaada" waxana uu muslimiinta uga digey ribada, oo ah shey xaaraan ku ah diin Islaamka. Ribadu waa xaaraan, waxayna keentaa faqri, abaar, maalka oo yaraada, ayuu hadalka ku xoojiyey.
Rasuulka NNKH waxaa laga soo weriyey in uu Muslimiinta uga digey: Shirkiga, sixirka, naf Allah xarimay oo la dilo iyo in ribo la isticmaalo." Waxaana Axaadiista laga qaadanaya in Rasuulku nacladay "Qofka ribada qaata, kan bixinaya, kan markhantiga ah ee goob-joogaha ah..." waana isku dembi...
"Ribadu waa 73 albaab ama dembi, dembiga ugu yar waxa uu la mid yahay ninka oo hooyadiis ka sinaysta," Sidaas waxaa laga soo weriyey Rasuulka NNKH.... subxaana Allah.. ayuu yiri Sheekhu. Waxana uu ku xoojiyey xadiis kale oo macnihiisu ahaa "36 jeer oo sino ah waxaa ka dembi weyn hal ribo oo la qaato..."
"Ribadu waa sababka keena faqriga, ciriiri, maalka oo yarada, barakada oo laga qaado, saboolnimo, waxaana dhibkeedu gaaraa ehelka" ayuu yiri sheekh Xasaan, waxana uu taas ku xoojiyey "Waxay ribadu bulshada u keentaa amni ama amaano darro, iyo dhaqan giddoon" sida aan ka qaadaneyno Axaadiista.
Dhibaatada ay ribadu keento adduunka waxaa ka daran tan aakhiro iyo maalinta qiyaamada. Qofka ribada ku dhaqma markii uu joogey adduunka waxaa maalinta qiyaame la keenaa isagoo waalan.." ayuu yiri sheekhu, isagoo taas daliil uga dhigay: Nebiga NNKH waxaa laga soo weriyey xadiis macnihiisu ahaa: Qofkii adduunka ribada ku cuni jirey oo ku dhinta isagoo aan ka toobad keenin, waxa maalinta qiyaame la soo saarayaa isagoo waalan oo wareersan..." taas oo ay u dheer tahay dhibka maalinta qiyaamada.
Waa maxay xukunka qofka ribada isticmaala?
Ruuxu ama qofku haddii uu ribada banaysto, oo yiraahdo waa xalaal, wuxuu kaga baxayaa diinta, markaas waxaa lagu dilayaa xukunka Islaamka.
Haddii uu yiraahdo waa xaaraan, laakiin ku dhaqmayo, waxaa loogu yeerayaa in uu iska daayo, hadduu diido in uu iska dhaafo, markaas waxaa lagu dilayaa xukunka Islaamka.
Ribada noocyadeeda waxaa ka mid ah:
Ribada Jaahiliga:
Ribada jaahiliga waxaa ka mid ah: Qof in aad wax amaahisay, ama adiga ayaa wax lagu deymiyey, markaas ayaa la bixiyey intii deyntu ahayd wax ka badan, sida 100 doolar in aad ku dartid 1 doolar, arrintaasi waa ribo... Wax kasta oo lagu daro ka badan intii deyntu ahayd ama amaahdu ahayd waa ribo. Waxaa arrintaas soo hoos gelaya guryaha ama gawaarida oo lagu gadanayo lacagta dulsaarka ah.. Waxaa kale oo soo hoos gelaya kirada guriga haddii aad la daahdid oo markaas lagugu siyaadiyo lacag... dhammaan waa ribo, waa ribadii jaahiliga mana bannaana... ee halaga dheeraado.
Ribada Beeca:
Ribada beeca waxaa loo kala qaybiyaa laba qaybood oo ah:
Gabagabadii Sheekh Xasaan waxa uu Muslimiinta aad ugaga digey ribada.
Kaddib markii duhurka la soo tukadey waxaa Sheekha la weydiiyey su'aalo ay ka mid ahaayeen:
Su'aal: Qofka ribada ku shaqaysta malala macaamili kartaa, deyn ma ka qaadan kartaa?
Jawaab: Qofka adigu hadaadan si shareecada ka baxsan ula dhaqmayn, markaas waa la macaamili kartaa, isaga ayey u taal meesha uu maalka ka keenay.. Haddii aad heli kartid meel kale oo Muslim ah taas ayaa kuu khayr badan.. haddii la waayo macaamilka caadiga waa bannan tahay.
Su'aal: Ma jirtaa wax ay ribadu ku xalaaloobi karto, ka warran hadii loo bixiyo magac kale?.
Jawaab: Shareecadu waxay tilmaantaa sheyga, xukunku waxa uu ku xiran yahay ficilka ee magac kuma xirna, sidaas daraadeed magacii doono haloo bixiyo ribadu waa xaaraan.
Su'aal: Guri ma la qaadan karaa ay saaran tahay ribo, maadaama dhulkan galbeedka ay isku qiime noqon karaan in aad guri qaadato ama kiraysatid?
Jawaab: Lama qaadan karo guri ribo ah, ma bannaana.
Su'aal: Ka warran haddii la yiraahdo shey haddii la iibsanayo waa 100 doolar, haddiise deyn lagu qaadanayo waa 120 doolar, ka warran arrintaas?
Jawaab: Taasi waa bannaan tahay... [deynta dulaarka ah ayaa xaaraan ah]... laakiin haddii la yiraado shey waa $100 haddii la iibsanayo, ama $120 haddii deyn lagu qaato taasi waa bannan tahay...
Su'aal: Lacagta dawladdu bixiso ee jaamacadaha lagu dhigto waxaa jirta qayb dulsaa ah oo ay dawladu kaa bixiso ma xaaraanbaa taasi?
Jawaab: Waa xaaraan, mana banaana... Waxaa keliya oo lagu banayn kara masalo daruuri cilmiga loo baahan yahay, lakaiin tan hadda jirta oo qofku waxa uu doono barano ma ahan ee ka fogaada arrintaas waa ribo.
Su'aal: Bangi ribo ku shaqaynaya malaga shaqayn karaa?
Jawaab: Maya, lagama shaqayn karo.. Ruuxa Muslimka ah ha raadsado shaqo xalaal ah.. Waxa uu soo hoos gelayaa karaaniga u shaqaynaya ribada ee markhaantiga ah ee aan kor kusoo sheegnay..
Su'aal: Qofka wada Tagsiga ma qaadi kara qof khamraysan iyo qof sita khamri?
Jawaab: Ugu horayn qofka dhaadhacaya sababta uu sidaas ku noqday adiga waxba kaama khuseeyaan, waana la qaadi karaa, laakiin lama qaadi karo haddii qofki wato khamri, waayo waad u khidmaysay waana xaaran, haddiiay dhacdi in aad qaadid qof alaabta uu sitey ay ka mid thaay khamri oo aadan ogeyn balse aaad ogaatey markii uu tagsiga ka degey markaas lacagtii qofka aad ka qaaday inta ijaarka ah qaybta aad ku qiyaastid ijaarkii khamriga waad iska bixineysaa inta kalena waad la hayeysaa.. Waxa uu sheekhu jawaabta ku soo koobay: Qofka khamri haddii uu wato loo qaadi maayo khamriga ee halaga raadsado shaqo xalaal ah.
Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Dhexdhexaadnimada Diinta Islaamka" waxaa soo jeediyey Sh. Maxamed Mursal oo ku xeel dheeraaday in Ummadda Islaamku ay tahay Ummad manhaj leh oo caqiido dhab ah haysata, ahna ummad caadil ah, u caddaalad fasha inta ku hoos nool dhammaan. Islaamka waa diin aan cidna ku xad gudbin.
Diinta Islaamku waa diin caadil ah, waa diin ka hor tagta caddaalad darrida iyo dulmiga... Waa diin caddaalad oo dhammaan dadku u siman yihiin, ha noqdo qofka madaxda ah ama qof kale... Shareecada Islaamka waa loo siman yahay, ayuu yiri.
Sheikh Maxamed Mursal waxa uu ka sheegay dhawr qiso oo dhacay xilligii saxaabadii, kuwaas oo muujinaya caddaalada Islaamka, waxaana qisooyinkaas ka mid ahaa:
Maalin ayaa Laba wiil orotameen ama tartameen. Labada wiil mid waxaa dhalay Governor-ka Masar (Camar bin Caas) ee dowladdii Islaamka ee xilligii khulafadii Cumar Bin Khaddaab, wiilka kale waxa uu ahaa nasraani (ama gaal).
Markii labadii wiil tartameen waxaa dheereeyey wiilkii nasraaniga ahaa, waxaana laga dheereeyey wiilkii governatooraha, kaas oo yiri sidee wiil nasraani ah iiga dheerayn karaa anigoo aabahay yahay governatooraha Masar... Waxana wiilkaasi uu garaacay wiilkii nasraaniga ahaa..
Markaas ayaa wiilkii nasraaniga ahaa arrintii qaadan waayey maadaama uu islaam ku hoos noolaa oo uu ogaa caddaalada Islaamka. Markaas ayuu u tegey Cumar bin Khaddaab oo arrintii uga dacwoodey. Markaas ayaa Amiirkii Islaamku Cumar waxa uu u yeeray Camar bin caas iyo wiilkiisa, markii ay yimaadeen ayuu labadii wiil ka dhegeysey sida arrintu u dhacday... taas oo ahayd caddaalada Islaamka.. Markii uu arrintii dhegeystey ayaa Cumar bin Khaddab waxa uu soo qaaday ul oo u dhiibey wiilkii nasraaniga ahaa kuna yiri usha kugaraac wiilka governatooraha.. saxaabadii waxay yiraahdeen wiilkii waa garaacay anaguna waa la sii jeclaanay in uu garaaca usii wado... Ufiirsada sida ay caddalada u doonayeen.. waxay doonayeen caddaalada xitaa markii ay timid in loo caddaalad sameeyey wiilkii gaalka (nasraaniga aha)... Taasi waa caddaalada Islaamka oo qof kasta u cadaalad samaysa... ayuu yiri.
Qisada kale waxay ahayd: Cali bin abii daalib xilligii uu iimaamka Muslimiinta ahaa ayaa waxa uu waayey khamiis uu aad u jeclaa. Waxana uu khamiiskii ku arkay nin aan Muslim ahayn oo khamiiskii gashan... Markaas ayaa Cali Bin Abiidaalib waxa uu ninkii ku yiri khamiiskan aniga ayaa leh.. Ninkii waxa uu yiri hadda gacantayda ayuu ku jiraa oo ku siin maayo anigaana leh.. Ufiirsada halkaas amiirka hoggaaminayey Islaamka oo dhan waxa ninka u diri karey ciidan laakiin ma samayn.. Ninkii waxa uu yiri qaadiga Islaamka inoo gey... Qaadi ayey u wada tageen.. Qaadigii waxa uu yiri: Amiir maxaad shegayenasaa maadaama aad tahay kii dacwoonayey (mudaci), waxana uu Amiirku ku jawaabey khamiiskaygii ninkan ayaa haysta markhaantina waan u haystaa.. Markaas ayaa qaadigii sidoo kale arrinta weydiiyey ninkii la dacwaynayey, waxana uu ku jawaabey khamiiska aniga ayaa iska leh oo gacanta ayuu iigu jiraa..
Amiirka ayaa markaas qaadigii weydiiyey cidda markhaantiga u ah, waxana uu ku jawaabey "wiilkayga".. Qaadigii waxa uu yiri wiilkaagu markhaanti kuuma geli karo.. Amiirkii waxa uu yiri Miyaadan maqal in ay wiilashaydu ahlu janno yihiin.. Qaadigii waxa ku celiyey wiilkaagu markhaanti kuuma noqon karo.. Waxana uu khamiiskii u xukumay ninkii aan Muslimka ahayn.. Markaas ayaa ninkii waxa uu yiri: Ma ninkii Muslimiinta oo dhan madaxda u ahaa ayaa la iiga xukumay oo anigii ayaad gartii i siisay, markii uu arkay caddaalada Islaamka Ninkii halkii ayuu ku islaamay.... tariikhdu waxay dhigeysaa in ninkaasi uu markii dambe shahiid noqday...
Waxa kale oo sheekhu xusay in nin gaal ah oo magaciisa la yiraahdo Tomas oo wax ka qoray Qudus in uu yiri: waxaa xaqiiqo ah dadka masiixiyiinta ee Qudus deganaan jirey ay door bidi jireen xukunka Islaamka caddaaladiisa awgeed. Sidoo kale nin ka hadlay taariikhda Andalus waxa uu sheegay in uusan dhulkaas soo marin xukun ka wanaagsan xukunkii Muslimiinta.
Arrimahaas waxa uu sheekhu ku muujinayey caddaalada Islaamka.
Waxana uu sheekh Maxamed Mursal hadalkiisa ku xoojiyey sida ay Diinta Islaamku xoogga u saartay in aan la xad gudbin,iyo in caddaalad la sameeyo. Waxana uu Muslimiinta xusuusiyey in Nasaaro ay ku xadgudbeen Nebi Ciise, taas oo Nebi Muxamed NNKH ummaadiisa uga digey in aysan sidaas oo kale u xadgudbin.
Kaddib, muxaadaro ku saabsan qoyska oo cinwaankeedu ahaa "Wadada loo maro guur ama guri raaxa leh" waxaa soo jeediyey Sh. Axmed Nuur Macalin oo ka yimid magaalada Kansas City ee gobolka Mesouri, waxana uu ugu horayn sheegay in wanaagga gurigu uu bilowdo ka hor guurka, taas oo ah in gabadha loo guursado diinteeda iyo in Qofka weliga gabadha u ah uu ninka gabadha soo doonaya ka fiiriyo diinta iyo akhlaaqda, sida aan ka qaadaneyno axaadiista.
Waxa uu Muslimiinta ku guubaabiyey in aan ninka loo eegin wax aan ahayn diintiisa iyo akhlaqdiisa marka uu gabar idinka soo doono.. Waa in aan loo eegin qabiil kiisa, shaqadiisa, iwm.
Qodobka kale oo guurka ka horeeya waxaa ka mid ah in marka hore gabadha la iska fiiriyo.. Waxaana jira xad arrintaas loo sameeyey oo ah in laga arko wajiga iyo gacmaha.. Wajiga quruxda gabadha ayaa looga qiyaas qaadanayaa, gacmahana jirkeeda, intaas oo keliya ayaa bannaan in laga eego ka hor guurka.
Waxaa kale oo guriga raaxa leh asaaskiisa ka mid in ay wanaagsan tahay in gabadhu ay yarayso meherkeeda, arrintaasi waxay ka qayb qaadataa guurka wanaagsan.. Guurka nikaaxa qaaliga ah inta badan lagama dareemo raaxo. Gabadha nikaax yar lagu meheriyo waxay keentaa in uu ninkii xishoodo oo xurmeeyo gabadha, taasina ka qaybqaadato wanaaga qoyska la asaasayo.
Wanaagga kale waxaa ka mid ah in hoggaanka iyo maamulka loo dhaafo ninka.. Waa jirtaa shuuraa, laakiin qiyaadada ama maamulka waa in loo dhaafo ninka.. Gabadhu waa inay heshaa qof ay u sheegan karto wixii soo gaara kaas oo ah qaa'idka guriga oo ah ninka, sidaas daraadeed waa in maamulka guriga loo dhaafo ninka.
Rasuulku NNKH waxa uu yiri dad maamulkooda dumar u dhiibta ma liibanayaan. Waa in marka ragga loo dhaafo maamulka guriga. Waa in uu jiro kala dambayn iyo wanaag.
Waxaa jirta xadiis macnihiisu ahaa: Gabar ayaa nebiga NNKH u timid, waxa uu weydiiyey sida ay ninkeeda u tahay, waxana uu u sheegay nin kaaga ayaa jano ama naar ku geli kartaa..
Gabadhu waa in ay ogaato xuquuqda uu ninku ku leeyahay oo ay ka mid tahay in aysan ninka gurigiisa u ogolaan in ay soo geliso qof uusan raali ka ahayn. Khalwada iyada warkeeda daa. Waana in ay ninkeeda u khidmayso.
Xuquuqda ninka ay gabadhu ku leedahay waxaa ka mid ah in ninku gabadha siiyo meherkeeda. Nafaqada oo ah biilka iyo quudinta iyo in meel la dejiyo.. In aan wajiga wax lagaga dhufan, in aan erayo xun xun la dhehin..
Waxaa kale oo nin ka laga rabaa in gabadha si wanaaga ah lagula dhaqmo. Waxaa taas laga qaadanaya in Rasuulku NNKH yiri qofka idiinku khayr badan waa kan khayrk au gu badan u sameeya qoyskiisa.. Xaqa waxaa kale oo ka mid in ninku guriga soo seexdo..
Waxaa dhacda in ragga qaar marka ay shaqada ka baxaan ay aadaan makhaayadaha iyo fadhi ku dirir.. Hadhow ayuu yimaadaa gurigii saacad dambe isagoo daalan.. ayuu yiri sheekhu, oo intaas ku daray: waa in raggu guriga ku qaataan farxadda oo aysan ku soo dhamayn makhaayadaha.. Markaas waxaan idin weydiiyey gabdhuhu ma waxay guryaha u joogaan oo keliya wax karis.. waa in anarrinta aan sidaas laga dhigin ee si wanaagsan gabdhaha loola dhaqmo.
Waa in gabadha diinta la baro oo aqoonteeda kor loo qaado.
Raggu waa in aysan ogolaan in rag kale guryohooda iska joogaan.. taasi dayuusnimoo... raggoow waa in aan masayrku idinka tegin.. ayuu yiri.
Xaqa labada ruux ka dhexeeya mar uu sheekhu wax ka sheegay waxa uu yiri: waxaa ka mid ah in sirta qoyska in aan la faafin.. gurigooda iyo waxa ka dhexeeya waa in la xafido... Rasuulku waxa uu sheegay ninka ka sheekeeya waxa dhex mara ninka iyo xaaskiisu inta ay is gaaraan waa kan bini aadamka ugu shar badan..
Xaqa ninka iyo xaaskiisa ka dhexeeta waxaa kale oo ka mid ah in ay isu nasteexeeyaan, isla tashadaan.. waxan auu yiri: Waxaa ragga laga rabaa in ay la tashadaan dumarka.
Waxa kale oo guriga raaxada leh ka mid ah jacayl iyo is jacayl dhab ah oo ka dhexeeya ninka iyo xaaskiisa.. Waa in erayo wanaag ah lagu wada hadlo. Markii uu halkaas sharaxaayey sheekhu waxa uu yiri: waxaa xilli la i weydiiyey in erayada debecsan loo adeesan karo nin aan ninkaaga ahayn, tusaale ahaan ma la adeegsan karaa erayada "Aboowe macaane", ma banaana in nin kale loo adeegsado erayadaas debecsan... waa in aan kelmedo debecsan loo adeegsan qof aan ahayn ninkaaga ayuu aad ugu adkeeyey.
Waxaa jira rag maalinba meel jecel.. taas lama ogola... jacaylka qoyska waa in uu ku koobnaado ninka iyo xaaskiisa.. Waana in wax kasta oo reerka ku saabsan aan xadkooda laga bixin. Waa in aan dadka la kallifin, waa inaan xadka laga saarin arooska, biilka iwm.. Waa in aan la xad gudbin. ayuu ku celceliyey.
Guurka marka la raadinayo waa in gabadha loo eego si guud, taas oo macneheedu yahay ninkii yiraahda waxaan rabaa gaabar intaas waxbarashada ka joogta, sidaas quruxda ka joogta, waxaa dhiceysa inaan la helin guri raaxo leh, balse haddii si guud loo eego la heli karo guur wanaagsan.
Axaadiista waxaan ka qaadaneynaa, ayuu yiri:
Haddii khilaaf ka dhaco qoyska qaabka loo maaraynayo waxaa ka mid ah:
Sheekha hadaladiisa gundhig waxaa u ahaa in la helo qoys wanaagsan oo Muslim ah si loo helo bulsho Muslim ah oo wanaagsan.
Kaddib waxaa mutamarka laga soo jeediyey warbixin kooban oo ku saabsan Jaamacadda Islamic University of Minnesota ee ku taal Minneaplos. Waxaana warbixintii laga soo jeediyey oo kooban ka mid ahaa:
WaanJaamacad u furan qof kasta oo Muslim ah, waa jaamacad qiime jaban oo halkii credit lagu dhigto $50, laga helayo cilmi ku salaysan Qur'aanka iyo sunnada, waxaana jaamacaddaas isku soo dubaridey culimaa'udiin muslimiin ah. Waxaa jaamacadda la hir geliyey August 2006. Waxaana ku hawl jirtaa in ay noqoto jaamacad adduunka oo dhan laga aqoonsan yahay. Waxa kale oo ujeedooyinka jaamacada ka mid ah in la soo saaro hoggaamiyayaal muslimiin ah. In ay ka qayb qaadato fahamka Islaamka.
Qofka jaamacada Soo gelaya waxaa looga baahan yahay in uu haysto shahaado dugsi sare. Waxaana wax lagu baraa ardayda Carabi ama Ingriisi. Waadna kusoo biiri kartaa meel kasta oo aad joogtid.
Cabdiqani Qardhaawi oo xiriirinaya mutamarka oo tarjumaya warbixintii Jaamacadda
Cinwaanka Internetka ee Jaamacada Islamic University waa: www.iumn.net
Salaaddii casar ka bacdi waxa la qabtay tartan ama kedis cilmiyeed ay soo diyaariyeen dhallinyarda Masjid Abuubakar ee Minneapolis, Waxaana arrintaas soo bandhigideeda lagu wareejiyey Sh. Sancaani oo soojeediyey su'aalo tiradoodu dhan tahay 63 su'aalood oo la weydiinayey saddex wiil iyo saddex gabdhood oo kasoo haray is reeb reebkii hore.
Tartankii markii uu dhamaaday aad ayey wiilashii iyo gabdhihii isugu dhibca dhowaayeen. Wiilasha waxay keeneen 255 dhibcood, gabdhahana 250 dhibcood.
Wiilasha kediska ka qayb qaatay:
Gabadhaha kediska kaqayb qaatay:
Waxaa markaas abaal marino lacageed la siiyey labadii kooxood ee wiilasha iyo gabdhaha maadaama ay ahaayeen kuwo kusoo baxay is reeb reebka, kaalinta koowaadna ay galeenwiilashu, gabdhuhuna kaalinta labaad, labada kooxna waxaa abaalmarinta guddoon siiyey Sh. C/raxmaan Sheekh cumar oo ah iimaamka jamciyadda Abuubakar oo soo qaban qaabisay kedis cilmiyeedka iyo mutamarka.
Kaddib waxaa Gabay soo jeediyey Cismaan Daahir, gabay hal ku dheggiisu ahaa "Ilaahay idin doori ducana wey noqotaa".. Waxana uu arrintaas ku sharaxay in qofka hadduu wanaag ku jiro oo la yiraahdo "Allah ku doori" waa habaar, laakiin haddii uu qofku ku jiro xumaan oo la yiraahdo "Allah kudoori" ducana waa noqotaa oo waa Allah wanaag hakuugu bedelo xumaanta aad ku jirtid.
Gabayga dulucdiisu waxay ahayd xumaanta qabyaalada iyo sida ay bulshada u dumiso iyo qabyaaladu ummadeena Soomaaliyeed sida ay u dulaysatey, iyo in ay tahay in arrintaas laga toobad keeno, waana in la qaato wadada Nebi Muxamed NNKH, lagana haro qabyaalada xumaanteeda.
Kaddib aqoonyahan Maxamed Cusmaan Ducaale ayaa warbixin kooban waxa uu ka bixiyey Qaadka, oo ugu horayn sheegay magacyada loo yaqaan qaadka sida Qaad, ama Jaad, iyo meelo qaybtood looga yaqaan bunkii Itoobiya, shaahii Soomaalida, suntii cagaarayd.. Waxana uu qaadku ka baxaa Kenya yo Itoobiya..
Waxana uu wax ka sheegay Caafimaadka waxa uu yeelo:
Waxa kale oo uu sheegay in: Cilmi baaris uu sameeyey nin reer Tansaaniyan ah waxa uu ku ogaadey indadka reer Kenya ee qadka soo jara ay yihiin dadka aduunka ugu nadaafada xun, oo sida ugu xun u dhaqma, waxaad arkeysaa qof iska xasaroonaya, oo kaadinaya oo isagoo aan iska dhiqin kacaya oo jaadkii jaraya.. Waa dad wasakh miiran ah oo xataa waxaad arkeysaa qof dhiig ka da'yo oo jaraya geedkii jaadka. Dhulka lagu beero qaadka waa dhulka ay degan yihiin dadka qaba cuduro badan sida AIDS.. Soomaaliduna xitaa iskama dhaqaan jaadka..
Waxa kale oo caafimaad xumada jaadka sii dheer sida Soomaalidu u isticmaalaan jaadka oo ah: Qolka jaadka lagu cunayo oo loo xiro daaqadaha, kaddibna dhammaan sigaar lag buufiyo qolkii oo daaqaduhu u xiran yihiin oo welib abirjiko kulul lagu sii shiday.
Waxa uu sheegay in aad loga dayriyey caafimaadka Soomaalida qaadka cunta ee deggan dalka Ingriiska, waana dad u baahan badbaado degdeg ah.
Minneapolis waxaa la sheega, ayuu yiri, waxaa jira dad qaadka cuna oo Soomaali ah oo ay dhakhaatiirtu diideen in ay ka safeeyaan ma aka daweeyaan Ilkaha uu jaadku diloodey ama xumeeyey...
Baaritaan ay sameeyeen Masaaridu ayey ku ogaadeen dad jaadka cuna in ay qabaan wadna xanuun ama wadnohoodu diciif yahay... Waxaa la arkay dad Soomaali ah oo sidii ay jaad u cunayeen wadnihii diciifay.. Jaadku waxa kale oo uu yareeyaa xusuusta, waxa kale oo uu wax u dhimaa beerka....
Waxaa la qiyaasay in dadka Soomaalida ay kaga baxdo kumaan doolar jaadka maalin kasta ayuu yiri.. Dadka qaadka cuna waxaa la ogaadey in ay yihiin kuwa ugu beenta badan uguna bakhaylsan.. Dadka Qaadka cuna salaada sidii la rabey uma tukadaan...
Maxamed Cusmaan Ducaale oo warbixin kooban soo jeediyey waxa uu soo koobay sida uu bulsho ahaandhibaato weyn ugu hayo jaadku dhinac kasta, xagga dhaqaalaha, caafimaadka iyo diintaba...
Kaddib waxaa mutamarka lagu soo dhoweeyey Musliimkii ugu horeeyey ee ka qayb gala aqalka Congresska Maraykanka, Keith Elison, waxanaa uu ugu horayn sheegay in aan nool nahay xilli ay aad muhiim u tahay in aan codkeena bixino mar haddii aan nahay dadka haysta dhalasha Maaraykanka.
Haddii aadan codayn dadka kale ayaa codaynaya, dadka codkooda bixiya ayaa codka helaya oo arrintoodii u meel mareysa, waxaa markaas qof kasta oo Muslim ah laga rabaa in uu codeeyo haddii uu haysto dhalashada dalka.
Tusaale ahaan, ayuu yiri, congressku waxa ay ka hadlayaan arrimo la xiriira immigration-ka. Waana ogahay inay jiraan dad badan oo jaliyada ka mid ah in ay dad ka maqan yihiin oo rabaan in ay dalka soo geliyaan, waxaa marka khasab kugu ah inay maqlaan congress-ku in ay codkaaga maqlaan. Haddii aad tahay qof codeeya in aad wacdid qofka kuugu jira congress-ka, waxaana khasab ah ninka congress-ka kuugu jira in uu ku dhegeyso, waxaana khasab ku ah in uu yimaado meelaha jaaliyadda.
Ilaa aad codkaaga dhiibatid bulshadu ma horu mareyso, ayuu yiri.
November-kii hore waxaa isu yimid Muslimiinta iyo dadka kale taas oo ka dhalatay in i soo doortay, ayuu yiri.. Waxaan haysanaa dad badan oo ina tageeraya, oo dhegeysanaya codkeena. Waa shaqadooda in ay ku dhegeystaan oo u yimaadaan bulshada oo codkooda dhegeystaan.
Waxaa loo bahan yahay in la doorto qof jaaliyaadda Muslimka, marka waa in aad u codaysaan qof aad u doorataan sida wax barashada, kuwa sharciga dejiya ee degaanka iwm, waxaana Allaah ka rajaynayaa in Muslimiintu ka qayb qaataan dhinac kasta oo dawladda ah, ayuu yiri.
Ka warama ESL-ka (luqada lagu barto iskuulada), ka warama luqadaha, waxaa muhiim ah in luqadaha kala duwan wax lagu bari karo sida Soomaaliga... Waxaana hadalkaas dulucdiisu ahaa haddii aydin codayn marka doorashada la gaaro cidina wax idiin qaban meyso.
Fadlan isu diiwaan geliya inaad codaysaan, ayuu hadalka ku adkeeyey. Qofkii saaxiib garanaya oo codaynaya waa u sheegaan in ay codeeyaan, in ay is diiwaan geliyaan. Waxba kama sheegan kartaan dawladdda haddii aydin codkiina bixin.. Waa guul codayntu.
Markaas ka dib waxa culimo dhawr ah ay mutamarka ka soo jeediyeen xusuusin qiimaha qur'aanka iyo sida uu qofku ugu baahan yahay qur'aanka. Waxana dulucda muxaadarooyinkaasi ay soo jeediyeen ahayd in maadaama qof kasta oo adduunkaan soomara uu dhimanayo in meesha nafaca ugu weyn ee qur'aanka ee uu qofku helayo in ay u bilaabaneyso maalinta uu dhinto.
Waxayna Muslimiinta xusuusiyeen in qofku marka uu dhinto uu ka qoomameeyo wax kasta oo noloshiisii ah marka laga reebo digriga Allah (Akhrista qur'aanka, cibaadada suuban, salaada, xuska Allah...).
Ka feker adigoo sariir saaran oo geeridii qarka u saaran oo dadkaagii kugu hareeraysan yihiin. Maalin ayey taasi iman doontaa ee Allah halaga cabsado. Aan Allah u toobad keeno.. Qof kasta oo Muslim ah Allah ha u ballan qaado in uu toobad keenay. ayey culimadu dadka ku adkeeyeen.
Waxana xusuusiyeen: Qofka Meydka ah waxaa raaca saddex, ehelkiisa, maalkiisa iyo camalkiisa, marka iilka la dhigo waxa soo laabta labo kuwaas oo ah ehelkiisa iyo malkiisa, waxaa qabriga kula haraya camalka ila uu ku hubsado janno ama naar.. Marka qabriga waxaa qofka muslimka ah ugu yimaada qof waji qurux badan oo nuur ah, markaas ayaa qofkii weydiinayaa war kuma ayaad tahay waji ehelka khayrka ayaa kaa muuda e, waxa uu markaas ku jawaabaa waxan ahay camalkaagii .. waa camalkii wanaagsanaa ee aad adduunka ku samaysay.
Siyaad Saciiid Saalax (Som-TV) Minnesota oo
duubaya Mu'tamarka
Salaada makhrib kadib, muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Dhallinyarada iyo Dhibaatooyinka haysta" waxaa soo jeediyey Sh. C/risaaq Xaashi oo ah iimaamka masjidka Ataqwah ee Boston, oo ugu horayn si xeel dheer uga hadlay muhiimada dhallin yaranimada iyo sida ay dhallinyaradu adduunka wax weyn ugu soo kirdhiyaan.
Dhallinyaranimadu waxay ka mid tahay waxyaabaha qofka la weydiiyo qiyaamada meeshii uu kusoo dhameeyey dhalinyaranimadiisii.
Sheekhu waxa uu dhallinyarada aad ugu guubaabiyey in ay yeeshaan hadaf iyo yool dheer ama meel sare oo ay higsanayaan. Qofku waxa uu higsan karaa meel sare ama wax wanaagsan.
Dhibaatooyinka hasta dhallinyarada waxaa ka mid noqon kara in aysan is weydiin waxa uu Allah u abuuray oo adduunkan u keenay.
Waxyaabaha dhallinyarada dhisa waxaa ka mid ah:
Sheekhu waxa uu ka sheekeeyey qiso ahayd in sheekh kale ka sheekeeyey wiil dhallinyaro ah oo bartay daroogada, kaas oo markii la weydiiyey waxa uu sheegay in ay bareen saaxiibadiis.
Dhibatada dhallinyarda haysata waxa ka mid ah:
Dhibaatooyinkaas waxaa keena
Haddaba qofkii dhallin yara ah oo raba in uu is daweeyo: Jidkii nebi muxamed NNKH ayaa daawo ah, masaajida ayaa daawo ah, culimadu in ay kuu duceeyaan ayaa daawo ah. saaxiibada xun xun oo aad goysid iyo gool iyo hadaf sare in aad yeelataan.
Sida ay dhallinyaradu wax uga aqoon diinta iyo dadkii wanaagsanaa waxaa daliil u ah ayuu yiri: Waxaa dhacday in wiil dhallin yaro ah uu sheeg sheegay magac yada dadka ciyaara, markii wiilkii la weydiiyey rag saxaabadii ahaa waxa uu yiri "oo yuu u ciyaaraa".. Wiilkii waa la waaniyey hadda waa dadka ku xiran masaajida oo aadka u wanaagsan..
Markaas ka dib, muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Dhexdhexaysiga Dacwada" waxaa soo jeediyey Sh. Nuur Sh. Ciise. Waxana uu ku xeel dheeraaday sida ay waajibka u tahay in ummada diinta loo gudbiyo. Dadka khayrka la faro, looga digo wixii diinta ka hor imanaya.
Dacwada waxaa ka mid ah in dadka lagu booriyo cilmiga iyo barashada shareecada Islaamka.
SHeekh Nuur waxa uu sheegay in dacwada wanaagsan ay tahay tan waafaqsan shareecada Islaamka, oo dadka lagu booriyo wanaaga, lagu booriyo sharafka Shareecada iyo akhlaaqda wanaagsan, lagana fogeeyo wax kasta oo akhlaaqda xumeeya iyo baadilka iyo wax kasta oo xun.
Dacwada wanaagsan waa in dadka laga fogeeyo wax kasta oo xumaan ah, sida sinada iyo fawaaxishta in dadka looga digo, oo dadka loo soo jiido wanaaga Islaamka.
Dacwada in loo istaago meel kasta iyo waqti kasta oo la joogo, waana in ay dacwada gudbiyaan dadka Allah cilmiga Islaamka ku manaystay.
Sheekh Nuur waxa uu si qoto dheer uga hadlay sida dacwada Islaamku ay tahay mid dhamaystiran oo aysan jirin wax ka sareeya.
Qofka daaciga ah ama dacwadda Islaamka gudbinaya waa in uu raaco oo diinta ka qaato rasuulka NNKH. Waa in uu yahay qof Islaam ah oo isu taagi kara dacwada, la yimaado niyad saalax ah, ahaado mukhlis allah u khaalis yeelay camalkiisa.
Kaddib waxaa culimada la weydiiyey su'aalo ay ka mid ahaayeen:
Su'aal: Waxaa jira kareemyo la is mariyo oo ay ku jirto kiimiko ah Alkolada, kareemyadaas haddii la marsado ma lagu tukan karaa...
Jawaab: Aalkolada kiimikada ah ee ku jirta ashyaada sida kareemka, wax dhibaato ah ma leh waana lagu tukan karaa haddii la marsado kareemka leh kiimikadaas..
Su'aal: Waalidkaa hadduu ku yiraahdo fur xaaskaaga ma furi kartaa?
Jawaab: Ugu horay waa in ay jirtaa sabab sharci ah oo waalidku sheegayo. Laakiin xaaska laguma furi karo gabadha iska fur waan nacnay'e, haddii aan la keenin masalo sharci ah oo waalidku hayo sida in ay in ay diinta kaa fasahaadinayso.
Su'aal: Haddii aan janada galo ma helayaa wiilal ah Xuural-Ceyn Boys.. ?
Jawaab: Waxa uu qofku jeclaysto marka uu janada tago Allah waa siinaya.. Laakiin xagga xuural caynta sida Allah aduunka ugu dhigay in aan qof dumar ahi wada wadaagi karin niman badan ayaana jannada insha Allah u ahayn in qof dumar ah wada wadaagaan rag badan...
Su'aal: Bangiga haddaanku leeyahay Koonto ah tan kaydka (Saving Account) oo laga iitaal la ii dul saaro ribo, lacagtaas maka qaadi karaa oo dad m asiin karaa... Waan aogahay in aanaan wax ajar ah ka helayn, laakiin su'aashu waa ma ka qaadi karaa oo meel kale ma ku bixin karaa?
Jawaab: Ugu horayn waa in aadan adigu weydiinsan in lacagta laguu dul saaro, waxaana haboon in aad yeelatid koontada checking oo aan la saarayn dulsaarka.. Balse haddii ay dhacdo Saving Account inlacag laguu dul saaro, culimadu waxay ku fadwoodeen in lacagtaas aan gaalada loo dhaafayn ee inta laga qaado lagu bixiyo mashaariic wax anfacaya waayo gaaladu iyo kaniisaduhu lacagtaas dulsaarka ah ayey dadka ku wareeriyaan ama ku dhibaan, marka waa in aan loo dhaafin..
Su'aal: FinancialAid iyo Scholarship ribo ma soo gelayaan?
Jawaab: Financial Aid ribo ma soo gelay, waayo dawlada iyo haw'ada macaamilka dhex maraya adigu shaqo kuma lihid, marka ribo ma soo gelayaan. Sidoo kale Deeqda waxbarasho ribo ma aha.
Su'aal: ma guursan karaa afar haween hal mar, hal meel ma la iigu meherin karaa, waxaana Internetka lagu arkay nin hal mar aroosay laba naagood?
Jawaab: Ma garan karo nin hadda sidaas samayn kara, laakiin shareecadu waa kuu ogoshahay, haddad rabtid Afarta waa isla aroosi kartaa hal mar. Intaas markii culimadu ku jawaabeen ayey hadana raaciyeen: Arrintaasi baxsi lagu sameeyey waxa uu muujinayaa in aysan ahayn dhaqan Islaam oo bannaan, waxayna u muuqataa ciyaar ciyaar..
Su'aal: Haween uur leh ma nikaaxi kartaa?
Jawaab: Marka hore maxaa uureeyey, MAYA! haddii arrintu ay tahay wax ayaa la xalaalaynayaa, maya gabadhu waa in ay dhasho oo ay marto cidadeeda, kaddib ayaa la nikaaxayaa.
Su'aal: Dajaal ma waxa uu la imanaya kitabkiis ah?
Jawaab: Dajaal waa calaamadaha qiyaamada, kitaab la iman maayo, waa nin beenaale ah, waana nin Muslimiintu ku garanayaan calaamdaha lagu sheegay...
Su'aal: Sigaarka ma lugu afuraa, soonka.. Waayo sigaarka iskama dhaafi karo in aan soomono waa rabaa?
Jawaab: Sigaarka waa lagu afuraa waana kaa jebinayaa soonku haddii aad sigaar cabtid
Su'aal: Malaga shaqayn karaa makhaayad qaybta weel dhiqida haddii makhaayada lagu gado khaansiir hilibkiisa
Jawaab: Haddii makhaayadda lagu iibiyo khamri iyo doofaar oo halkaas laga keeno lacagta lagaa siinayo makhaayadaas sinaba loogama shaqaynkaro.
Su'aal: Nin aan tukan meher ma kuu qabanayaa?
Jawaab: Salaada ka tegideeda culimada qarkood waxay dadka kaga saraan diinta. Culimada qaar waxay yiraahdaan haddii uu salaada diido meher ma qabanayo (Haddii aadan weli guursan haba guursan nin aan tukan, oo haka dhigan nin). Haddii uu ninku salaada ka tago hala waaniyo haddii uu diido markaas waa laga furayaa.
Su'aal: Sheekh waxaad tiri gabadhu ninka haday is qabtaan yuu guriga ka tegin ee dhinaca kale sariirta ha uga durko, haday iyadu ka saarto guriga muxuu samaynayaa?
Jawaab: Haweeneyda sidaas samaysay, haddii aysan jirin dhibaato muslimintu xallin waayin, oo markaas arrintaas gaalo la kaashato, ficilkaas waxay ku noqoneysaa mukhaalafo ninkeeda ihaaneysey waana fadeexad, arrin ka dhalatay sharci gaalo laguma daweeyo Islaamka.
Gabagabadii waxaa culimadu mutamarka ka soo jeediyeen guubaabo ay muslimiinta kula dardaarmeen in ay mutamaradan ka faa'iidaystaan, sidoo kale waa in la faafiyo cilmiga laga soo jeediyey mutamaradan, sida cajaladaha iwm. Ha la is cafiyo wax kasta oo dadka kala dhex dhacay ha is cafiyeen, culimada haloo duceeyo sida ay iyaguba dadka ugu doceeyaan.
Waxayna Culmiada Allah ugu mahadiyeen tirada dadka Muslimiinta ah ee ka soo qayb galay mutamarka, oo saddexdaas beri u taagnaa, waxayna u duceeyeen dadkii soo abaabuley mutamarka.
Waxay dadka u dardaarmeen in masaajidda lagu xirnaado, khaas ahaan dhallin yarada. Masaajidu waa guryaha Allah waana meesha lagu badbaado.. Waxayn aku guubaabiyeen rag iyo dumarba in ay wax bartaa.. Waxaan ka codsanayaa inta meesha timid inay ugu yaraan hal maalin masjidka waqtigooda ku qataan makhrib iyo cishe inta u dhexaysa iyagoo cilmi ka kororsanaya.. Markaas ayaa dadkii dhammi gacanta taageen in ay sidaas yeeli doonaan.
Waxay culimadu ku dardaarmeen in qof kasta oo inaga mid ah uu ku dadaalo in caqiiqadasiisu ay waafaqsanaato tan Nebi Muxamed NNKH oo ah Diinta Islaamka shareecada ah. Wax kasta oo aad samaysaan in aad Allah dartiis ula jeedaan.. Ficilka aad samaysaan ha waafaqo Kitaabka iyo Sunnada, hala iskadhaafo khilaafka. Dadka dhulkan qurbaha jooga haku dadalaan sidii ay diintooda u xifdan lahaayeen, carruurtooda iyo carruurta ay sii dhalan u badbaadi lahaayeen. Waana in ay awoodooda mideeyaan, meel wada degaan, waayo haddii qofba meel dego markaas waad ku milmeysaan dhulkan waana dhumeysaan ama ubadkiina ayaa dhumaya. Waana in aad ficilada wanaagsan joogtaysaan.
Waxay dadka u dardarmeen taqwada Allah. In la fuliyo dhammaan diinteena, wixii xalaal ah la qaato, xaaranta laga tago, Allah loo toobad keeno, dadka dabeecad wanaagsan kula dhaqantaan. Waa la is weydiin doona waxa qof kasta cimrigiisa kudhamaysatay, ma cibaado mase fadhi-kudirir.
Waqtigu waa wax lagu xisabtamo waxa ugu wanaagsan oo kusoo mara, noqona kara seef ee yaan la dayicin.
Dardaaranka ugu weyn waxa uu ahaa in la noolaysiiyo sunnada Rasuulka NNKH, taas waxaa lagu nolaysiin karaa in cilmiga sharciga ah la barto. in aan la quusan.
Sidaas ayaa mutamarkii waxaa ku soo xiray Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo ah iimaamka masjirka Abuubakar oo mutamarka soo qabanqaabiyey.
Ugu dambayntii Xasan dhooye oo ka mid ah xiriiriyayaasha qaban qaabiyey mutamarka ayaa u mahad celiyey dhammaan intii ka soo qayb gashay mutamarka waxana uu warbixin kooban ku sheegay in mutamarkii socdey saddexda maalmood ay ka qaybqaateen 30 sheikh oo goob joog ahaa muxaadarooyinka soo jeediyey iyo labo sheikh oo lagu soo xiriiriyey khadka Video-ga. Waxaana ka baxay mutamarka 60 muxaadaro, laba gabay, iyo cilmi baaris ku saabsanayd qaadka. Waxaa kale oo hadal ka soo jeediyey ninka ah Muslimka keliya ee ku jira aqalka Congress-ka Maraykan iyo warbixino kale oo muhiim ah.
Dadkii ka soo qayb galay mutamarka waxay mashruuca Abuubakar qaybtiisa labaad ugu yabooheen $165,000 doolar, waxaana dadkaas laga codsaday in lacagta ay ku yabooheen ay soo bixiyaan Ramadaanka ka hor.
Sidaas ayuu guul ugu soo gabagaboonbey Mutamarkii Muslimiinta Woqooyiga Ameerika ee socdey Aug 31, Sept 1 iyo Sept 2, 2007.
Muxaadarooyinkii maalintii koowaad ee Mutamarka ka akhri halkan...
Muxaadarooyinkii qaybtii labaad ka akhri halkan...
Halkan ka akhri culimada muxaadarooyinka soo jeediyey (Flyer-ka)
Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis | Sept 2, 2007
Muxaadarooyinkii uu Sh. Xasaan kajeediyey Masaajidka Khaalid ibnu Waleed ee Toronto, July 2007, oo cinwaan koodu yahay isdul-taagid aayado ka mid ah suuratul Al-Xujuraat.
Daawo Sawirada Mutamarka Toronto ee 2007
Maarso, 2005: Toronto, Canada: Shirweynaha 6aa ee Dhallinta Ku Barbaartay Woqooyiga Ameerika
Sept 2006: Kulan-diineedkii 6aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika
Sept 2005: Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga Ameerika oo lagu soo Gabagabeeyey Minneapolis..
Sept , 2004: Kulan Diineedkii 4aad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Guul Kusoo Gabagaboobey
Sawiradii kulankii 2006 ee Toronto... DAAWO