MUTAMARKI TORONTO 2007:
Muxaadarooyinka Sh.Xasaan

Muxaadarooyinkii uu Sh. Xasaan kajeediyey Masaajidka Khaalid ibnu Waleed ee Toronto, July 2007, oo cinwaan koodu yahay isdul-taagid aayado ka mid ah suuratul Al-Xujuraat.

Mutamarka 2007:

mutamar
Daawo Sawirada Mutamarka Toronto ee 2007

Mutamardii Hore:

Maarso, 2005: Toronto, Canada: Shirweynaha 6aa ee Dhallinta Ku Barbaartay Woqooyiga Ameerika

Sept 2006: Kulan-diineedkii 6aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika

Sept 2005: Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga Ameerika oo lagu soo Gabagabeeyey Minneapolis..

Sept , 2004: Kulan Diineedkii 4aad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Guul Kusoo Gabagaboobey


Sawiradii kulankii 2006 ee Toronto... DAAWO

Dood Cilmiyeeddii Toronto

July 2006: Dood Cilmiyeed ku saabsan isbedelka ka dhacay Soomaaliya oo ay ka qayb qaadanayaan Aqoonyahanno Soomaaliyeed....

ABUUBAKAR AS-SADIIQ, MINNEAPOLIS, MN, USA - Aug 31, Sept 1, 2, 2007

Minneapolis: Mutamarkii 7aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika...

Jadwalkii Mutamarka: PDF | DOC

Warbixintii: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA

Jimce, 31, 2007: Mutamarkii 7aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerica ayaa Jimacadii (31/8/2007) ka bilowday magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, (Gaar ahaan Minneapolis Convension Center oo ku yaal faras-magaalaha Minneapolis). Waxana Mu'tamarku ku baxayey luqadaha Soomaali, Carabi, English iyo Oromo oo goobo kala duwan ah.

Ugu horayn mutamarka waxa furay Sh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar, waxana uu warbixin kooban ka bixiyey muhiimada uu mutamarkani u leeyahay mujtamaca Muslimiinta ah ee ku nool dalka Maraykanka.

Waxa kale oo furitaankii ka hadlay Sh. Abdulbary Yahaya oo muslimiinta wanaag ku guubaabiyey.

Waxa kale oo furitaankii ka hadlay Gary Scriff oo ka tirsan madaxda degaanka Minneapolis, waxana uu sheegay in uu ku hadlayo magaca duqa magaalada Minneapolis iyo xiriirka bulshada ee degmada, waxana uu warbixin kooban ka bixiyey sidii isaga lagu soo doortay, meesha laga dortayna waxaa ku badan dadka loo yaqaan indians-ka iyo dad Muslimiin ah. Waxana uu wax yar ka sheegay noloshiisa isagoo sheegay in uu ku dhashay Niagra falls, New york, oo uu sheegay maadaama meeshaas ay tahay halka ugu badan ee lagu duugo wasakhda sunta ah awgeed aysan lahayn fursado badan oo horumarineed oo sideaas darteed ay usoo guurey Minnesota, iyo weliba gaar ahaan Jaamacadda Minnesota awgeed.

Waxa kale oo uu xusay magaalada Minneapolis in ay ku dhisan tahay maadaama ay soo dhoweysey dadka wadanka soo galay ama ku cusub.

"Masjidka Abuubakar waxa uu ku yaal xafada phillips oo la iga soo doorto, 'waana ku faraxsanahay in madashan la igu casumey" ayuu yiri.

Kaddib waxaa lagu soo dhaweeyey furitaanka mutamarka, Sh. Mamduux Mustafa oo waano kooban munaasabada ka soo jeediyey. Waxana uu si gaar ah uga waramay muhiimada cilmi raadsiga (Dalabal cilmi). iyo Sharafta uu leeyahay cilmigu.

Markaas ka bacdi ayaa waxaa si rasmi ah u bilowday mutamarkii 7aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika oo ah Saddex beri (Jimce, Sabti iyo Axad).

Tarbiyadda aan Saxda Ahayn

Muxaadaradii ugu horeysey ee mutamarka oo cinwaankeedu ahaa "Tarbiyadda aan saxda ahayn" waxaa soo jeediyey Sh. Axmed Nuur Macalin oo ah iimaamka Masjidka Ataqwah ee magaalada Kansas ee gobolka Mesuuri, muxaaradaas waxa uu sheekhu ku bilaabay in ay muhiim tahay in gabadha guurka loo xulanayo lagu doorto diinteeda, halkaas ayey ka bilaabaneysaa tarbiyadda wanaagsan ayuu yiri.

Waxana uu intaas ku daray in asaaska tarbiyadda carruurtu ka bilaabaneyso in marka ugu horeeya oo ay kulmaan ninka iyo xaaskiisu in ay akhriyaan ducada sunnada ah, ducadaas marka la akhriyo haddii uu calool galo canugu waxa uu insha Allah noqondoonaa baari (aan caasi ahayn). Kaddib waxaa aad muhiim u ah in canuga loo Wanqalo oo loo bixiyo magac wanaagsan si uusan u noqon canuq tarbiyad wanaagsan.

Waxa uu Sheekhu hooyooyinka ku booriyey in ay carruurta naasaha nuujiyan, taas oo faa'iido weyn u leh koritaanka canuga.

Aabayaasha iyo hooyooyinku waa in caruurtu marka ay yaryar yihiin ay si wanaagsan u tarbiyeeyaan.

Khaladaadka Carruurta Laga Galo:

Sh. AxmedNuur waxa uu ku xeel dheeraaday khaladaadka carruurta laga galo oo ay ka galaan aabaha iyo hooyada, khaladaadkaas oo khaladaadkaas oo ka qayb qaata tarbiyadda carruurta oo xumaata, waxana uu sheegay in khaladaadkaas ay ka mid yihiin:

  1. In carruurta haddii arrin loo diro aan waalidku arrintii tixraac dambe ku samayn, waayo waxaa dhacda in carruurtu ay wixii loo diray dhici karto in ay si fudud ku ilaawaan, marka waa in wixii carruurta loo diro aan faraha laga qaadin ee la weydiiyo markale ama la xusuusiyo.
     
  2. In aancarruurta loo caddaalad falin ama la kala jeclaysto ama mid hadiyad loo keeno aan kuwa kale loo keenin. Arrimhaas oo ah khalad keenaya tarbiyada oo xumaata.
     
  3. In aysan waalidku carruurta tusaale wanaagsan siin, waayo in kasta oo ay dhici karto in waalidku rabo in ay wax wanaagsan u sheegaan laakiin ay dhici karto in iyagii waalidka ahaa ay samaynayaan wax aan ku dayasho wanaagsanayn, waayo carruurtu waxay ka ficil qaataan waxa ay waalidku sameeyaan. Waa in waxa aad carruurta u sheegeysaan ay waafaqaan ficilka aad samaynaysaa.
     
  4. In carruurta la habaaro, ayaa ka mid ah khaladaadka kale, waxaad arkeysaa carruurta oo ay waalidkood ku habaarayaan wax aan macne badan lahayn. Habaarka waalidku waa wax la arko oo dhaca ee yaan carruurta la habarin.
     
  5. In waalidku had iyo jeer ku hadlayaan erayo qabiix ah ama xun xun, carruurtiina ay sidaas maqlaan, haddaba waalidku waa in ay ogaadaan in carruurtu ay waalidkood ku daydaan wixii ay ka arkana sameeyaan, (Waa in carruurta la maqashiiyo wax wanaagsan).
     
  6. In aan la ixtiramin carruurta iyo fikirkooda - waxaa dhacda in aan waalidku ixtiraamin am adhegeysan fikirka carruurta arrintaas oo khalad laga gelayo carruurta ah, waayo haddii aysan fikradooda ku hor cabirikarin waalidkood meel kale ayey la raadsanayaan, taas oo keeni karta tarbiyada oo xumaata.. ogaada carruurtu xuquuq ayey leeyihiin. Haddii firkad khaldan ah ay soo jeediyaana waa in si saraaxo ah loogu sheego sida sax ah.
     
  7. In carruurta lagu barbaariyo cabsida, iyo fulay nimada, ayaa ka mid ah khaladaadka kale ee carruurta laga galo. Waxaa dhacda in carruurta lagu cabsi geliyo sheekooyin baqdin leh sida mugdiga lama maro, guriga bahal ayaa ku jira, iyo erayo cabsi gelin ah, arrimhaas oo carruurta ka dhigaya kuwo cabsi ku barbaara oo Carruurtii waxay qaadayaan cabsi weyn (khowf) aad u farabadan, taas oo ah waxa lagu soo barbaariyey.
     
  8. In aabbaha iyo hooyadu u ogoladaan gabadhohooda oo qaawanin ay baxaan waa khalad kale. Waxana uu dadka xusuusiyey xadiiska Rasuulka Nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ah haatee ee ahaa in ay iman doonaan qolo ah dumar dhar qaba oo hadana qaawan, kuwaasi janada geli maayaan.. waa sida dumarka ku lebista dun-siibka ama dhar gagaan oo qaawanaan ah. Sidaas daraadeed waa in aan gabadhaha loo ogolaan qaawanaan in ay ku baxaan, laguna barbaariyo sunnada.
     
  9. In aan carruurta la siin fursad ay khalad haddii ay galaan ay ku soo gudaan ama ku saxaan, waa in aan markiiba magac dusha laga saarin ee la siiyo in ay isa saxaan.
     
  10. In la baro caruurta been, oo loo sheego waxyaabo been ah, waa in arrintaas laga dheeraado.
     
  11. In aabaha iyo hooyadu ay guriga muddo ama saacado aad u badan ka maqan yihiin. Tusaale ahaan waxaa dhacda in aabayashu marka ay shaqooyinka ka soo baxaan in halkii ay guriga ka aadi lahaayeen ay aadaan makhaayadaha fadhi-ku-dirirka, sidaasna ay ku lunto tarbiyadii carruurtu.
     
  12. In carruurta waxa keliya oo laga barbaariyo ay tahay barbarinta xagga jirka la tarbiyeeyo, laakiin la ilaawo in la tarbiyeeyo xagga ruuxi ahaan iyo qalbigiisa, taas oo ka mid ah khaladaadka laga galo carruurta.
     
  13. In carruurta tarbiyadooda gebi ahaanba la ilaawo, oo aan laga war hayn meesha uu aado ama cidda uu tarbiyada ka qaato canuguu, la ilaawo wa barashadii carruurta, iyo waxa ay baranayaan.
     
  14. In wax kasta lagu xiro maadi, oo la ilaawo camalkii aakhiro - Waa in mustaqbalka aan lagu xirin oo keliya adduunka ee waa in sidoo kale lagu tarbiyadeeyo camalka aakhiro.
     
  15. In waalidku is hilmaansiiyo in uusanba carruurtu khaldami karin, oo aadan u haysan in uu carruurtu khaldami karto oo aadan cid kale ka dhegeysan wax taas ka duwan. Ama in aad mar kasta carruurta dembi dusha ka saartid.
     
  16. In guriga la keeno waxyaabaha khariba ama xumeeya akhlaaqda, sida in aad guriga keentid cajlado iyo TV anshax xumi ka socoto, ama waalidku daawado wax anshax xun carruurtii oo ag joogta, iyadoo taasi aysan marnaba wanaagsanayn waxaa sii dheer in carruurta tarbiyadoodii sii dhumeyso.
     
  17. In aabaha iyo hooyada ay had iyo jeer hadalo xun xun iyo is xagxagasho iyo isku qaylin ay dhex marayso had iyo jeer carruurtii oo arkaya ama maqlaya.
     
  18. In carruurtu waxa ay quutaan aysan sax ahayn, haddii aan xalaal carruurta lagu quudin markaas laga sugi maayo akhlaaq wanaagsan.
     
  19. In aan carruurta lagu tarbiyan Soonka iyo Salaada waxay ka qayb qaadataa akhlaada aan suubanayn.
     
  20. In aan carruurta la salamin, waa khalad weyn. Waa in la salaamo carruurta mar kasta xitaa iyagoo yaryar.
     
  21. In aan la barin waqtiga sida looga faa'iideysto. Waa in carruurta la baro sidii waqtiga looga faa'iideysan lahaa, waayo qiyaamaha waa la is weydiinayaa wax aad ku bixisay waqtigaaga.
     
  22. Carruurta oo guriga laga cayriyo haddii ay wax uun khaldaan, arrintaasi ma shaqayneyso, waayo haddii guriga carruurta laga cayriyo waxay aadayaan meel ay dhacayso in ay akhlaaqdoodii ku sii xumaan karto halkii la sixi lahaa oo keliyo.
     
  23. Hooyada oo la xaqiro: Haddii aabahu xaqiro hooyada waa khalad weyn oo laga galay carruurta (iyo dabcanhooyada). Waxay arrintaasi keeni kartaa in carruurtu u maleeyaan in hooyadu tahay mid u baahanin had iyo jeer la difaaco sidaasna uu canugii uu cadaawad u qaado aabaha oo ka difaaco hooyada, ama in canugii u qaato in hooyadu tahay mid la xaqiri karo oo markaas uu canugii bilaabo in uu hooyadii ku af celiyo ama aflagaadeeyo.
     
  24. In aan la tix gelin saaxiibada wanaagsan ee carruurtaada, waa khalad kale. Haddii aadan tix gelin la siin saaxiibada wanagsan ee carruurtaada waxaa canugii bilaabayaa in uu waalidka khiyaameey. Haddii asxaabtu xun yihiin waa in waalidku ay si saraaxo ah carruurtooda ugala taliyaan arrintaas. Waayo rafiiq ama saaxiibka qofku waa ku daydaa.
     
  25. In la dilo carruurta (garaacid), ama si xun loo dilo, waa khalad. Waa in carruurta la edbiyo laakiin aan si xun loo dilin. Waxana uu tusaale u soo qaatay wiil uu aabihiis xirxiray oo meel ka soo daldalay inta uu gacmaha ka xiray, arrintaasi waxay keentay inwiilkii ay gacmaha ka xirmeen dhiiga, oo taasi ay keentay in gacmihii la gooyo.. wiilkii yaraa waxa uu aabihiis weydiistey aabbe iisoo celi gacmahaygii ileyn waa canug yar oo aan waxba fahmayn e.. marka waa in aan carruurta la ciqaabin, la dilin, si wanaagsna loo tarbiyeeyo... Carruurtaadu waa in ay adiga saaxiib ay wax u sheegan karaan kula noqdaan..

Muhiimada ugu weyn ee qodobadaas waxa ay ahaayeen, sida uu sheegay sheekh AxmedNuur, in la saxo tarbiyadda carruurta, lagana dheeraado qodobadaas xumaynaya tarbiyadda carruurta.

Kaddib Sh. C/raxmaan Sh. Cumar ayaa markaas tacliiq kooban ka bixiyey tarbiya carruurta. Waxa uu sheegay muhiimada ay leedahay in labarto tarbiyada carruurta, madaama waxa ugu muhiimsan ee la barbariyo ay ugu adag yihiin bini'aadamka.

"Agoonka ma aha qofka aabihiis ama hooyadiis dhimteen, balse waa qofka ay aabihiis iyo hooyadiis ay ka tageen" ayuu madasha xusuusiyey. Arrintaasi waxa ay haysataa dadka dhulkan (Qurbaha) jooga ayuu yiri Sheikh C/raxmaan.

Si gaar ah waxa uu Sheekhu uga hadlay dadka jooga qurbaha, gaar ahaan, carruurta la geynayo meelaha loo yaqaan 'Day Care' oo inta halkaas lagu tuuro aan laga war hayn maalintii oo dhan. Sidoo kale waxaa dhacda in aabayaashu aysan in badan carruurta ka war qabin iyagoo saacado badan ka maqan guryaha.

Waa in aabaha iyo hooyadu aysan xumaan tusin carruurtooda, xitaa haddii ay iyagu is qabtaan waa in ay san xumaanta tusin carruurta, qolkiina gaarka ku wada hadla oo wixii idiin dhexeeya ku xalliya, laakiin carruurta hortooda haku muujinana is xagxagashadiina, arrintaasi waa muhiim.

Sidee Qur'aanka Uga Faa'iidaysanaa?

Salaadii Casar kabacdi, muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Sidee Qur'aanka Uga Faa'idaysanaa" waxaa soo jeediyey Sh. Maxamed Khadar, oo ku xeel dheeraaday muhiimada ay leedahay in si xeel dheer loo dhuuxo macnaha rasmiga ah ee qur'aanka si loo fahmo xigmadda ka dambaysa qur'aanka. Arrintaasi waxay u bahan tahay juhdi iyo dadaal dheer si aad u gaartid faa'iidada dhabta ah ee Qur'aanku xambaarsan yahay.

Qur'aanku waa mid wax ta'iisiriya taas oo macneheedu yahay haddii uu wax kaa bedeli waayo marka aad akhridid oo dhuuxdid markaas waa in aad ogaatid in adiga wax kaa khaldan yihiin u baahan sixitaan. Kuwa Allah ka cabsaDa quraanku qalbigooda waa gariiriyaa, waxayna ka helaan iimaan iyo hanuun, waxaana arrintaas hela qofkii Allah la doono hanuun.

Qur'aanka si uu raad kuugu yeesho waxaa muhiim ah in lagu tadaburo oo ah in loo fiirsado marka la akhrinayo. Mu'miniinta waxaa lagu gartaa waa kuwa marka qur'aanka lagu akhriyo uu u siyaado iimaan, una siyaadiyo Allah ka cabsi iyo khushuuc.

Qur'aanka marka laga fogaado waa qofka ku siyaada welwelka iyo qulubka isla-hadalka (buufiska), iyo ciriiri qofku galo, kuwaas oo dawadoodu ay tahay in lagu daweeyo Quraanka.

Qofka mu'minka ah waxaa looga baahan yahay in uu jeclaado Qur'aanka, oo qalbiga uu galo. Ducada oo aad badisid, iyo qur'aanka oo aad akhridid, isla markaasna akhridid aayadaha ka waramaya qur'aanka.

Sidoo kale waxaa haboon in la akhriyo buugaagta laga qoray dadkii muslimiinta ahaa ee juhdi weyn u soo galay barashada quraanka iyo sidii ay u dhaqmi jireen.

Hadiyada Qur'aanka si aad u heshid waa in aad juhdi badan ama dadaal u gashid barashada qur'aanka si xeel dheer oo rasmi ah, dadaal weyn ayuu yiri Sheekhu.

Mar uu wax ka sheegay heerka ummadu ka tagan tahay Qur'aanka ayuu sheegay qiso ahayd in arday dhigan jirey dugsi qur'aan uu aad u jeclaystay qur'anka oo uu markaas jeclaystay in uu mustaqbalka noqdo macallin quraan. Maalintii dambe ayaa wiilka hoyadiis waxay weydiisey waxa uu rabo in uu mustaqbalka noqdo ayuu ugu jawaabay 'hooya waxaan rabaa in aan noqdo sida macallinka qur'aanka ii dhiga ee haybada leh', hooyadii wiilkii dharbaaxo ayey il iyo baarkeed goysey iyadoo dheheysa wax Allah badiyey ma haddaad ka doratay macallin qur'aan. Eeg meesha laga taagan yahay qur'aanka, ayuu yiri sheekhu.

Qofkii raba in uu barto qur'aanka waxaa muhiim ah in la dhuuxo qur'aanka, islamarkaasna la akhriyo weynaanta qur'aanka, in la akhriyo qoraaladii laga qoray weynaanta qur'aanka.

Waa in la barto cilmiga ku dhex jira qur'aanka, ayuu yiri sheekhu isagoo ku xeel dheeraaday in cilmi badan uu ku dhex jiro qur'aanka. Waana in qur'aanka lagu camal falo, dadkana loogu yeero, oo qur'aanku noqdo ceelka waxkasta oo cilmi ah loo raadsado.

Waxa uu sheekhu sheegay in Muslimiinta lagu booriyey in ay habeenkii qur'aan badan ku tukadaan ama akhriyaan qur'aan badan xilliga habeenkii ah, ku cibaadaysto qur'aan.

Da' in aysan ku xirayn xilliga qur'aanka lagu xafido ayuu xusay qof dumar ah oo Sucuudiyaan ah oo 90-jir ah oo ku xafiday qur'aanka iyo axaadiis farabadan. Marka waa in lagu dadaalo barashada qur'aanka iyo ku camal falkiisa ayuu dulucda qoraalkiisa ku soo xiray sheekhu.

Ikhlaaska iyo Raadka uu Ku Leeyahay Dadka

Ugu horayn Dr. Maxamed Macallin waxa uu qeexid ka bixiyey Ikhlaaska, oo ah in laga tago wax kasta oo istustus ah ama halagaa sheego ama is maqashiin ah, waana in wax kasta loo sameeyo si khaalis ah oo aan cidna la isku tusayn, laga beri noqdo wax kasta oo Allah ka sokeeya, camalka la samaynayo in aad ula jeedo Allah ku dhowaanshadiisa, Allah raali ahaantiisa darteed in aad camalka u samaysid, in ujeedadu ahaato in Allah oo keliya ajar iyo liibaan laga helo oo loogu dhowaado Allah.

Waxana uu Dr. Maxamed hadalkiisa ku xoojiyey in Allah uu qur'aanka ku sheegay waajib ahaanshada in camalka Allah loo khaalis yeelo, oo loo sameeyo Allah dartiid.

Waa in ficilka aad qabaneysid uu noqdo mid waafaqsan Qur'aanka iyo sunada, isla markaasna aad ula jeedid in aad u qabaneysid Allah dartiis, ayuu yiri Dr. Maxamed Macallin. "Qur'aanka oo aad u fadlibadan marka la akhrinayo waa in aad u akhridid Allah dartiis."

Sunnada iyo Xujanimadeeda (daliilsigeeda)

Sh. Cabdiraaq Abshir (Sancaani) ayaa ka hadlay mowduuc cinwaankiisu ahaa in "Sunnada iyo xujanimadeeda in la daliilsado". Waxana uu ugu horayntii xusay in sunnada Nebi Muxamed Nabad gelyo iyo Naxariista Allah Korkiista ha ahaato (NNKH) ay tahay: manhajka ama wax kasta oo uu hadal iyo ficil ah oo uu sameeyey Nebi Muxamed (NNKH) ama ficil lagu hor sameeyey oo uusan ka hadlin.

Sunnada nebi Muxamed (NNKH) waa in la raaco, wixii taas ka soo horjeedana waa bidco ay tahay in aan la raacin.

Sunnada Nebi Muxamed NNKH marka la sheegayo waa manhajkii Nebi Muxamed (NNKH), waana in la raaco, ayuu hadalka ku xoojiyey.

Sunnada Nebi Muxamed (NNKH) waxay inagu soo gaartey xadiis ahaan madaama aynaan isku waqti noolayn, xadiiska saxiixa ah waxa lagu soo weriyey silsilad sax ah.

Xiriirka u dhexeeya quraanka iyo sunada mar uu ka hadlayey waxa uu sheekhu xusay in Qur'aanka iyo sunnadu ay is xoojinayaan, in xadiisku uu faahfaahiyo tiirar ka mid ah aayadaha qur'aanka, sida sakada iyo salaada, iwm, oo sunnada Nebi Muxamed (NNKH) ay faahfaahisay. Sidoo kale qur'aanka waxaan ka qaadanaynaa in wax kasta oo Nebi Muxamed (NNKH) uu sheegay la qaadanayo oo ay yihiin waxyi (iskama hadlin Nebigu ee waa waxyi).

Kaddib waxa uu sheekh Sancaani ku xeel dheeraaday aayadaha ku jira qur'aanka ee amraya waajib in ay tahay in la raaco Nebi Muxamad (NNKH) sunnadiisa.

Waxa kale oo uu xusay in aan diinta Islaamka ka qaadanayno in goodin iyo digniin weyn ay ku jirto haddii la khilaafo sunnada Nebiga (NNKH). Islamarkaasna Diinta Islaamka in Allah ilaalinayo. Waxaana liibanaya kuwa raaca Qur'aanka iyo sunnada Nebiga NNKH.

Waxa uu sheekhu hadalkiisa ku adkeeyey "haddii sunnadu timaado hadal kale meesha ka bax ama meesha lama soo gelin karo".

Gabagabadii waxa uu sheekh Sancaani sheegay in rasuulka laga soo weriyey xadiis macnihuusu ahaa in qofkii rasuulka diidey uu janada diidey, qofkii Rasuulka raacayna uu janada gelayo.

Waxa kale oo uu sheekhu sheegay in waqtigan la joogo ay dad badani sunnadii ka doorteen qawaaniin iyo sharciyo kale oo dad qoreen ama dejiyeen dad, halkii laga qaadan lahaa Qur'aanka iyo sunnada Nebi Muxamed NNKH.

Qofkii sunadda diida, waxa uu diidey diinta Islaamka, ayuu ahayd dulucda hadalada sheekha oo sheegay in wadan dambe la arkay dad diidaya Sunada Rasuulka NNKH. Liibaantu waa raacidda Nebi Muxammad NNKH.

Hanuunka iyo Sababihiisa

Salaadii Makhrib ka bacdi waxaa muxaadaro cinwaankeed ahaa "Hanuunka iyo asbaabihiisa" soo jeediyey Sh. C/laahi Abul-fadli oo ah xoghayaha guud ee ururka Imaamyada Golaha Iimaamyada Woqooyiga Ameerika oo ugu horayn xusay in hanuunku uu ka mid yahay waxyabaha ugu muhiimsan ee Allah ku manaysto bini'adamka. "Hanuunku waxa uu ka mid yahay nimcada ugu muhiimsan ee Allah bixiyo, waa sheyga ugu qaalisan oo Allah bixiyo" ayuu ku adkeeyey hadalkiisa dhawr jeer. Isaga oo xusay suuratul faataxa in aan ka baraneyno in waxa ugu horeeya ee Allah la weydiisto ay tahay hanuunka.

Waxa kale oo uu xusay in waxa ugu horeeya oo ay qirayaan dadka Muslimiinta ah marka ay janadda galaan ay tahay Hanuunka uu Allah hanuuniyey oo ugu nimceeyey Jannada.

Sidaas daraadeed Muslimiinta waxaa laga rabaa in ay dareemaan muhiimada hanuunka, ayuu yiri sheekhu.

Waxana uu Sh. C/laahi aad ugu xeel dheeraaday in Allah uu qaybiyo hanuunka, risaaqadda iyo maalka.

Hanuunku waxa uu leeyahay asbaab, oo qofka hanuunka doonaya uu ku heli karo hanuun haddii Allah la doono, waxaana ka mid ah:

  1. In qofku barto kitabka Allah iyo Sunnada: Waxaad arkaysaa qof subax iyo galab garabka ku wata boorso oo ku sii kalaha jaamacad, taasi ceeb ma aha, laakiin maxaa sidaas oo kale loogu dadaali waayey waxbarashada Qur'aanka... Waa in loo dadaalo barashada Kitaabka iyo sunnada oo lagu bixiyo Juhdi.. Waxa uu dadka xusuusiyey in rasuulka NNKH uu sheegay in ay iman doonaan 73 firqo waxaa badbaadeysa hal qolo waana tan raacda Kitaabka iyo sunnada, haddaba haddii aadan baran Qur'aanka iyo Sunnada sidee ku ogaaneysaa sida saxda ah. Waa in qofku barto Quraanka iyo sunnada. Allah waxa uu dadka u soo diray Rasuul ah bini'aadam la mid ah si uu u baro Diinta saxda ah, dariiqaas saxda ah waa Quraanka iyo Sunnada, ayuu aad ugu celceliyey sheekhu.
     
  2. In qofku raaco Qur'aanka, u hoggaansamo, sida kitaabka Allah amrayo la raaco. "Qofkii doonaya hanuun ha raaco Kitaabka iyo sunnada" ayuu ku adkeeyey. Waxaad arkeysaa dad aan ku qancayn xukunka Kitaabka Allah, oo aan kitaabka dastuur ka dhiganayn, waxaa dadkaas xujo ku ah ayaadaha quraanka ee sheegaya "ma waxaad qaadaneysaan qaar diinta ka mid ah qaarna waa ka tegeynaa." Waa in Kitaabka sidiisa loo qaato, waana in uusan Muslimiinta culays kunoqon Kitaabka. Kitaabka waxaa loo soo dejiyey in dadka mugdiga lagaga saaro oo loo saaro nuurka, sidaas daradeed waa in sidiisa loo qaato.
     
  3. In qofku adeeco Nebi Muxamed NNKH. Wixii rasuulku idin faray raca, wixii uu idinka reebayna ka hara ayuu dadka xusuusiyey. Sidaas daraadeed haddaad rasuulka raacdaan waad hanuuneysaan waana liibaaneysaan.

Dulucda muxadarada Sheekhu waxay ahayd in la raaco Qur'aanka iyo Sunnada, sida ay yihiina si buuxda loo qaato, sharci laga dhigto, dastuur laga dhigto, la isku xukumo, sidiisa loo rumeeyo oo aan hadal laga soo celin.

Fahamka Sidii Loogu Gargaaray Rususha

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa sidii loogu gargaarey rususha waxaa soo jeediyey Sh. C/Raxmaan Sh. Cumar oo ah iimaamka Masjidka Abuubakar As-Sadiiq ee Minneapolis.

Waxa uu ku xeel dheeraaday sidii Allah ugu gargaaray Nebiga, dhibkii la marsiiyey nebiya iyo sidii markii damba Allah guusha u siiyey iyo sida ay dad u dheeraystaan guusha la siinayo oo soo daahda. Waxana uu taas ka tusaalaynayey in dad u maleeyaan in guusha daahda ay ku ijbaarto in ay wadadii saxda ahayd ka leexdaan.

In la fahmo guusha Allah siiyey rususha waa muhiim laga tusaale qaadanayo, ayey ahayd dulucda hadalada Sheekha.

Ugu horayn guusha xaqiiqadeedu maxay tahay ayuu yiri sheekh C/raxmaan, waxana uu ku xejiyey in Allah yiri waxaan u gargareynaa rususha iyo dadka raacay. Allah ayaa yiri waxaan u gargaareynaa Mu'miniinta. Waa ballan Allah.

Guusha Rususha Allah shardi kuma xirin ee waa u gargaraa. Laakiin Guusha Muslimiinta waxaa ku xiran in Muslimiintu u gargaaraan Diinta Allah, markaas Allah waa u gargaarayaa.

Guusha laga helo Allah waxaa shardi u ah afar qodob oo ah:

  1. iimaan saafi ah oo la rumaysnaado in diinta Allah ee Islaamku xaq tahay,
  2. camal wanaagsan,
  3. jamaaco diinta Allah u gargaaraya,
  4. Allah caabuda oo aanu shariikh ku jirin (Allah cibaadada ugu khalis yeelid)

Allah ballankiisa kama baxo, waana ka nasahan yahay taas. Waxaana guusha uu Allah siiyey Rususha ka mid ah in la jebiyey xooggagii ka soo horjeedey Rususha, waxana uu sheekhu xusay qisooyinkii Rusushii uu Allah u gargaarey iyo in la jebiyey boqotooyinkii iyo xooggagii rususha ka soo horjeedey. Waxa kale oo uu Sh.C/raxmaan xusay guushii uu Allah siiyey Nebi Muxamad NNKH dagaalkii Badar.

Nasriga uu Allah Rususha siiyey waxa uu keenaa in diintii xoogaysato, ayuu yiri.

Guushu waxa kale oo ay noqon kartaa in la halaago dadka ka horjeeda Rususha, sida qoomkii Nebi Nuux kaddib 950 sano markii ay diideen dacwadii uu Allah ugu yeerayey, dad yar ayaa rumeeyey oo lagu sheego ilaa 13 qof oo keliya muddadaas aadka u dheer kaddib, waana la halaagey wixii ka soo horjeedey. Waxa kale oo uu xusay Reer Caad, Reer Samuud, Qoomkii Huud oo la halaagay.

Waxaa kale oo guusha ka mid in Allah qoomka ka aar goosto kaddib mark aay Rusushu dhintaan, sidii qoomkii Nebi Shacya.

Mararka qaarkood waxaa dhici karta waxa guul darada loo malaynayo in ay tahay guul, ayuu yiri. Dadka oo la ciqaabo, la xirxiro, la dhibo, la laayo, waxay keeni kartaa in dacwadii ay faafto. Waxana uu tusaale u soo qaatay qisadii wiilkii meesha maxsharka ah lagu diley ee dadkii yiraahdeen waxaan rumaynay Rabiga Wiilkan.. Asxaabul ukhduud ayuu tusaale kale u soo qaatay. Kuwaasi oo ku tusinaya in manhajkii Allah uu guulaysanayo.

Waxa uu xusay in Nebi Muxamed NNKH uu yiri Xaaladaha qofka mu'minka in dhammaantood ay tahay guul iyo khayr. Haddii guul iyo wanaag ay helaan mu'miniintu waa ku shukriyaan, haddii dhib iyo guul darro soo gaartona waa ku sabraan.

Sababaha guusha dib u dhiga isagoo xusaya waxa uu yiri ugu horayn Allah ayaa guusha xilligeeda og, waxaana guusha dib u dheceeda ka qayb qaata:

  1. In aadan Allah ku kalsoonayn
  2. in manhajka Allah laga leexdo
  3. in aan ummadu diyaar u ahayn in ay diinta Allah qataan
  4. Guusha qimeheeda in aan la garan
  5. waxaa dhici karta dadka in aan baadilku u caddaan

Guusha waxa soo dedejiya waxaa ka mid ah:

  1. In Allah dartiis loo istaago
  2. Wadada saxda in la hayo oo ah Kitaabka iyo sunnada
  3. dadka waxa aad ugu yeereysid waa in aad adigu ku dhaqantid
  4. In la sabro oo aan Allah laga quusan

Dulucda Muxaadara Sheikh Cabdiraxmaan waxay ahayd in si guul loo gaaro laga tusaale qaato sidii Allah u guulaysiiyey Rususha iyo in si guul loo gaaro loo baahan yahay si rasmi ah loo qaato amarka Allah iyo Sunnada Rasuulka, laguna sabro caqabad kasta oo ka hor imaan karta, ilaa laga gaarayo guusha Allah u ballan qaaday Mu'miniinta.

Mu'tamarkii maalintii koowaad oo ay ka soo qayb galeen dad kumanaan gaaraya ayaa 10:30 habeenimo soo gabagabawday. Muxaadarooyinkii laga soo jeediyey maalintii labaad ka akhri halkan...


AKhri Farriintii Masjidka Abuubakar....

Jadwalka Mutamarka: PDF | DOC

Halkan ka akhri culimada muxaadarooyinka soo jeedin doona (Flyer-ka)

Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis | Aug 31, 2007


Ku Laabo Bogga Hore ee SomaliTalk.com