MUTAMARKI TORONTO 2007:
Muxaadarooyinka Sh.Xasaan

Muxaadarooyinkii uu Sh. Xasaan kajeediyey Masaajidka Khaalid ibnu Waleed ee Toronto, July 2007, oo cinwaan koodu yahay isdul-taagid aayado ka mid ah suuratul Al-Xujuraat.

Mutamarka 2007:

mutamar
Daawo Sawirada Mutamarka Toronto ee 2007

Mutamardii Hore:

Maarso, 2005: Toronto, Canada: Shirweynaha 6aa ee Dhallinta Ku Barbaartay Woqooyiga Ameerika

Sept 2006: Kulan-diineedkii 6aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika

Sept 2005: Kulan Diineedkii 5aad ee Woqooyiga Ameerika oo lagu soo Gabagabeeyey Minneapolis..

Sept , 2004: Kulan Diineedkii 4aad ee Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Guul Kusoo Gabagaboobey


Sawiradii kulankii 2006 ee Toronto... DAAWO

Dood Cilmiyeeddii Toronto

July 2006: Dood Cilmiyeed ku saabsan isbedelka ka dhacay Soomaaliya oo ay ka qayb qaadanayaan Aqoonyahanno Soomaaliyeed....

ABUUBAKAR AS-SADIIQ, MINNEAPOLIS, MN, USA - Aug 31, Sept 1, 2, 2007

Minneapolis: Mutamarkii 7aad ee Muslimiinta Woqooyiga Ameerika...

Jadwalka Mutamarka: PDF | DOC

Warbixintii: SomaliTalk.com | Minneapolis, MN, USA

Rumaynta Allah

Muxaadaradii ugu horeysey maalintii labaad ee Mu'tamarka oo cinwaankeedu ahaa "Rumaynta Alle" waxaa soo jediyey Sh. C/raxman Sh. Cumar, iimaamka masjidka Abuubakar oo ah xarunta soo qaban qaabisay mutamarka.

Ugu horayn waxa uu Sh. C/raxmaan ku xeel dheeraaday iimaanka iyo rumaynta Allah, isagoo tibaaxay in dadku ay u qabsamaan laba qaybood oo ah Mu'miniin iyo mushrikiin, waana in qofku hubiyo tan uu ka tirsan yahay.

Waxa uu si gaar ah u qeexay iimaanka oo ah rumayn iyo hoggaansan uu qofku u hoggaansamo amarrada Allah, isagoo halkaas sharaxaad ka bixinaya waxa uu yiri "iimaanku waa in uu qofku yaqiinsado, kuna camal falo, ficil ahaan iyo qowl ahaanba."

Caqiiqada waa in qofku qalbiga ka rumaysan yahay, yaqaana caqiidada dhabt ah ee xaqa ah. Waana in qofka qalbigiisu khaalis yahay, Allah keliya ka cabsado oo weyneeyo, Allah oo keliya tala saarto, una hoggaansamo Allah.

Iimaanka (caqiiqada) marka uu qofku qalbiga ka rumeeyo uu hadana afka kaga dhawaaqo, sida qirida shaqaadada, kaddibna uu ficil ahaan u sameeyo wax kasta oo caqiiqada Allah farayso.

Quraanka Akhrintiisa, xamdiga Allah, ducada, wacdiga, dadka oo khayrka la baro waa camalka carrabka laga sameeyo. Camalka xubnaha laga sameeyo waxa ka mid ah salaada, soonka, u lugaynta masaajida, iwm.

Haddii qofku afka kaga dhawaaqo iimaanka, laakiin uusan qalbiga ka jirin waxaa la yiraahdaa Munaafiqiin, kuwaas oo ka hooseeya gaalada.

Iimaanku waa siyaadaa ama waa kordhaa, waana yaraadaa ama naaqusaa.

Waxa iimaanka saa'idiya ama kordhiya waxaa ka mid ah ayaadaha qur'aanka, Allah dartiis oo wax loo jeclaado. Waxaa kale oo ka mid waxyaabaha kordhiy aiimaanka:

Waxyaabaha Iimaanka Nusqamiya ama yareeya waxaa ka mid ah:

Sh. C/raxmaan waxa uu hadalkiisa ku soo xiray in Muslimiintu meesha ay hadda ka liitaan ay tahay iimaanka, dinta iyo caqiiqada oo la barto ayaana iimaanka lagu dhisi karaa.

Hilibka Culimadu waa Sun

Kaddib waxaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Hilibka Culmadu waa sun" soo jeediyey Sh. Nuur Ciise oo ah iimaamka Masjid Sunnah wa-dacwah ee Seattle.

Ugu horayn waxa uu sheekhu sharaxaad ka bixiyey sida beryahan dambe ay u bateen dadka sida aadka ugu xad gudbaya cirdiga culimada faafineysa diinta Islaamka ilaa la gaarey heer xitaa kuwa calmaaniyiinta ay aad u hadal hayaan ama xaqiraan, ku xadgudbaan culimada diinta Islaamka isu taagey.

Calmaamiyiintu waa kuwa sida tooska ah uga horyimaada Diinta Islaamka oo diidan in Diinta sharci laga dhigto.

Kaddib waxa uu ku xeel dheeraaday sharafta iyo derejada ay culimadu ku leeyihiin Bulshada Muslmiinta dhexdeeda, taas oo ah in culimada la xaq dhawro, oo la sharfo ama la ilaaliyo sharaftooda.

Waxa uu Sheikhu si gaar ah Muslimiinta ugu booriyey in ay carrabkooda ka ilaaliyaan culimada u taagan in ay diinta Islaamka faafiyaan, in ay arrintaas ka dheeraadaan si aysan ciqaab iyo dembi ugu mutaysan.

Waxa kale oo uu Muslimiinta xusuusiyey in ay laba malag garbaha bini'aadamka ka saaran yihiin kuwaas oo qoraya wax kasta oo ay ku hadlaan, ee haku hadlina wax aydaan hubin. Iska ilaali ku tiri ku teenta.

Sh. Nuur Ciise waxa uu ku xeel dheeraaday digniinta uu Muslimiinta uga digayo beenta iyo xanta, iyo ciqaabta arrintaas ka dhalata.

Waxa kale oo uu ka digey qorshaha gaalada oo ah xumaynta iyo wax ka sheegida culimada si teed ama ood loo kala dhex dhigo culmiada iyo dadka ay diinta gaarsiinayaan.

Khaladaadka la xiriira Guurka iyo Furiinka

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Khalaadaadka laga galo guurka iyo dalaaqa" waxaa soo jeediyey Sh. Maxamed Khadar oo ah iimaamka masjidka Ansaarul Sunnah ee Sandiyeego, California.

Ugu horayn waxa uu xusay in guurku yahay nidaam uu Allah u dejiyey bini'aadamka oo uu kaga soocay xayawaanka.

Waxan uu markas ku xeel dheeraaday khalaadka lag agalo guurka iyo dalaaqa, waxan uu yiri:

Khaladka guurka waxaa ugu horeeya khaladaadka dhaca ka hor guurka, waxaana habkaas loo yaqaan dhulkan galbeed "Saaxiib iyo saaxiibad" (Boyfriend/Gildfriend), taas oo keenta in aabahii iyo hooyadii aysan arrintaas u fiirsan. Waxaadna arkaysaa in reer galbeedka ay aad ugu badan yihiin carruurta ku dhasha cilaqaadka ama xiriirka ku salaysan habkaas saaxiibka iyo saaxiibada. Waana nidaam aan Muslimiintu dhaqan u lahayn.

Saaxiibka iyo saaxiibadu waa arrin aad u khatar badan taas oo keenta in lagu dhaco sino iyo xaaraan, arrintaas oo aan wax dhisin balse wax dumisa, dembi weyna ah, una baahan in aad looga fogaado.

Sinadu waa deyn waxayna ku soo noqotaa qoyskaaga. Haddii aad sino ku raadsatid lacag badan waxaa dhici doonta in si riqiis ah ay ugu soo laabato qoyskaaga, marka waa arrin gaf weyn ah ee waa in laga fogaado.

Khaladaadka kale oo ka horeeya guurka waxaa ka mid ah in la isla keliyeysto ama la isla cidloodo (khalwo), rasuulku NNKH waxa uu masaladaas ka yeelay xaaraan , waxana rasuulku NNKH inoo sheegay in laba qof ee isla cidlooda uu saddexeeyo shaydaan.

Islaamku waa ogol yahay in gabadha iyo wiilku sheekaystaan guurka ka hor, laakiin waxay leedahay nidaam loo maro. Haddii aad rabtid in aad gabar guursatid la hadal dadka maxramka u ah, sida aabaheed, u sheeg in aad guriga oo la joogo ugu imaaneysid halkaas kula sheekayso meel lagu arkaayo, haddii markaas aad heshiisaan in aad is guursataan waa mahad Allah, hadiise aad heshiin weydaan markaas waxba kuma jabna, laakiin looma baahna inaad sidii saaxiib/saaxiibad isu daba joogtaan oo cidla isla aadaan.

Khaladka kale waxaa ka mid ah in gabadha lagu khasbo nin aysan rabin. Ma banaana in gabadha lagu khasbo nin aysan rabin, kuma bannaana shareecada Islaamka. Gabadha iyo aabaheed waa in ay ka dhexeyso xiriir ku dhisan raali ahaansho cidda ay gabadhu guursan doonto ee ma aha in gabadha lagu jajuubo nin aysan raali ka ahayn.

Arrinta ah gabadha lala baxsado ma banaana. Nikaax ma jiro ilaa weligeedu ogolaado ma ahane. Nikaaxa aan weliga lahayni waa baadil. Ma dhacayo nikax aanweli lahayn, Rasuulka ayaa sidaas yiri ee tuura wixii intaas ka soo hara.

Haddii gabadhu ay nin kuu keensato haku xujayn ninka qabiilkiisu yuu yahay ee si xigmad ah ula hadal oo arrinta ku xalli, haddii aad hore ka diido, adigoo ku diidaya arrimo aansharciga Islaamka waafaqsanaydn, haddee ninkaas ayey iska raaceysaa, gaar ahaan gabadhaha jooga qurmaha ma garanayaan wax la yiraahdo qabiil ee taas ogaada.

Waa in aan meherka qaali laga dhigin. Waxaa aad u wanaagsan in meherka la khafiifiyo. Waxaa beryahan dambe soo batay in meherka aad qaali looga dhigay, taas sabab u noqotay in guurkii yaraado. Gabadha meher badan waa la siin karaa laakiin waa in aan meherka la qaalisiin, sidaas ayaa wanaaggu ku jiraa.

Waxaa kale oo khaladka ka mid ah, in meherka ka dib la sameeyo aroos lagu dhigo huteelada waaweyn oo lagu bixiyo maaliyad farabadan iyadoo muslimiinta ka bahan yihiin. Waxaa dhici karta ninkii oo lacag yar ku shaqeeya in la yiraahdo iidhig aroos lagu dhigayo hoteelada waaweyn oo uu sidaas deyn ku soo galo.

Waxaa kale oo khaladka ka mid ah in meelaha aroosyada lagu dhigo lagu tumayo muusiq, lagu ciyaaro qoob ka ciyaar iyo wax la mid ah, raggii iyo dumarkii is dhex galaan. Waxaa dhacda dumarkii oo qaawan in rag kale video ka duubtaan oo sidaas filimkii lagu qaybiyo oo uu gaaro rag kale oo ajaanib ka ah. Halkaas markii u umarayey ayaa waxa uu sheekhu sheegay qiso ahayd: Waxaa dhacday in nin uu u yimid rag daawanaya video in la yiri eeg naagtan siday u ciyaareyso oo isu jejebineyso, itusa ayuu yiri, mase waa xaaskiisi, wuu xanaaqey oo gurigii markii uu tegey ayuu furay xaaskiisii.

Waxaa muhiim ah in guurka ka hor la ogaado mas'uuliyadiisa dhabta ah. Waxaad arkeysaa in lagu bilaabo waan ku jeclahay iyo erayo la mid ah kuwaasina ay dhawr beri ku dhamaadaan markii mas'uuliyadii dhaqan gelinteeda la gaaro.

Guurku waxa uu u ku dhisan yahay wada noolaansho iyo is faham. Haddii dhib yimaado waa in ninku mas'uuliyad la yimado, oo uu isku dayo in uu xalliyo. Haddii keligiis uu xallin waayo in dad ehelka ama qaraabada ay yimaadaan meesha oo isku dayaan in arrinta ay xalliyaan. Haddii markaas xal kale la waayo tan u dambaysa ayaa noqoneysa furiinka, marka xal kale la waayo. Waana arrin mas'uuliyadeeda ay saaran tahay ragga. Waxaa dhacda in rag qaar marka ay gabadha in yar is qabtaan uu dalaaqo. Ila aay dalaaqdii ka dhamaato.

Cilmi baaris ama Daraasooyin la sameeyey ayaa muujiyey dhulalka Islaamka in ay ku soo bateen furiinku, waxaan la sheegay in afartii reerba ay mid is furaan. Dhulkan galbeedka arrintu kaba sii daran. Dumarka ayaa marka ay awood sheegtaan waxaa raggii la soo ordaan furiin.

Waxaa kale oo dhacda in ragga qaar ku dhaartaan in ay gabadha furayaan. Tusaale ahaan in uu ninku yiraahdo "wallaahi haddad guriga kabaxdid waa iga furan tahay" oo gabadhii markas iska baxdo. Haku dhaaranina wax aan xaq ahayn.

Khaladaadka dalaaqa laga galo waxaa ka mid ah in dalaaqa hal meel lagu dhamaystiro, oo hal meel lagu yiraahdo waxaan ku dalaaqay saddex. Waayo waxaa bannaan in labada dalqadood ee hore la soo celin karo xaaska, laakiin dalqadda sadexaad aysan soo noqonayn. Haddii aad dalaaq rabtid una aragtid xalka keliya markaas hal dalqo gabadha ku fur ee haku furin saddex, waayo masoo noqoneyso gabadhaasi.

Khaladaadka kale oo laga galo dalaaqa waxaa ka mid ah gabadha oo la furo iyadoo xalka (caadada) qabta. Arrintaasi diinta kuma banaana. Gabadha oo xayd leh ma banaana in la furo.

Khaladka kale waa gabadha oo la furo iyadoo xalka iska daahirisay, laakiin ay ninka iyo xaaskiisu is arkeen, arrintaasi ma banaana, waa in la furo gabadha oo daahir ah laguna furo cidadeeda.

Gabadha la furo inta cidadeedu u dhamaaneyso waxay xaq u leedahay in ay guriga joogto, la biilo, laga bixiyo kirada. Taas waxaa daliil u ah qowlka Allah  ee ah gurigooda haka bixinina.

Gabadhu inta ay cidada ku jirto, haddii hal dalqo ama laba dalqo lagu furay markaas gurigii weysii wada degaanaan karaan, haddiise lagu furo saddex dalqo markaas waa in ay ninka ka xijaabato.

Haddii gabadhu hayso wax shareecada waafaqsan waa dalban kartaa in laga furo ninka.

Khaladaadka kale waxaa kamid ah in aabaha ama hooyadu inta ay ninka u yimadaan ay yiraahdaan gabadha iska fur. Arrintaasi waa khalad haddii aan loo hayn wax shareecada waafaqsan. Waa in aabuhu ama hooyadu keento masalo ama arrin sharci ah , laakiin gabadhan iska fur, lagu furi maayo. Waxaa dhacda in la arko ninkii iyo gabadhii oo had iyo jeer is daba socda oo inta laga hinaaso la yiraahdo hala furo gabadha,gabadhu ninka waa sixratay ee halaga furo.. Sidaas lagu furi maayo. Haddii aan sabab sharci ah keenin. Sida in ay ninkii salaadii ka goysey, oo diintii ka sii fogeyneysa, iwm.

Salaadii casar kabacdi waxaa gabay aad u qiiro badnaa oo sarbeeb iyo xigmadi ku dheehan thay soo jeediyey C/raxmaan Shaacir.

Mashruuca Jamciyadda Abuubakar

Kaddib waxaa warbixin ku saabsan Jamciyadda Abuubakar, oo ah tan soo qaban qaabisay mutamarka, ka soo jeediyey Sh. C/raxmaan Sh. Cumar, isagoo xusay wax qabadka jamciyadda Abuubakar iyo sida ay uga qayb qaadato carruurta sidii loo bari lahaa diinta Islaamka. Waxana uu Muslimiinta ku guubaaiyey in ay ka qayb qaataan socodsiinta iyo sii wadida mashruuca Abuubakar. "Mashruuca waa sadaqo jogto ah (sadaq jaariya), sidaas daaraadeed waa in Muslimiintu k aqayb qaataan".

Ha is Khilaafina si aydaan u Fashilmin

Waxaa khadka Video-g conerence laga soo xiray gobolka Oregon muxaadaro cinwaankeedu ahaa " Ha is khilaafina si aydaan u fashilmin", waxaana soo jeediyey Sh. Maxamed C/raxmaan Kaariye, waxana uu si xeel dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay in Muslimiintu midoobaan, iyo in la xoojiyo wada jirka muslimiinta.

Midnimada Muslimiintu waxay noqoneysaa waajib sharci ah. Sidaas daraadeed waa in Muslimiinta la mideeyo. Waxaana taas ku xoojiyey: in diinta Islaamku ay tahay diinteena, oo ah diin keliya ee Allah lagu caabudo. Waxaana diinta ka baraneynaa in aan la iskhilaafin si aynaan u fashilmin.

Muslimiinta waxaa looga baahan yahay in ay qabsadaan xariga Allah, oo aysan kala tafaraaruqin ama kala tegin. Sidaas waxaan ka baaraneynaa diinteena Islaamka, sidaas ayaana Allah ina amrayaa in aan qaadano.

Waxaa Muslmiinta looga baahan yahay in ay kumidoobaan caqiiqada Islaamka, ayuu sheekh Maxamed Kaariye hadalkiisa aad ugu celceliyey.

Waxanauu dadka uga digey in aysan ku dhiman wax aan islaamnimada ahayn, isagoo dadka xusuusiyey in diinta Islaamku ay tahay diinta xaqa ah.

Waxa kale oo sheekhu ku xeel dheeraaday sida ay waajib u tahay in lagu dhaqmo shareecada Islaamka, oo aysan qofna u banaanayn in uu wax ku xukumo ama ogolaado in lagu xakumo wax aan ahayn shareecada Islaamka.

Waxaa jira ayuu yiri: kooxo sheegtay in ay ka bixi karaan shareecada Islaamka, kooxahaasi waa kuwo diinta ankiray ama sheegtay in la isku xakumi karo wax aan diinta Islaamka ahayn. Kuwaasi waa kuwo diinta Islaamka ka doortay shareeco kale kuwaasi waa ka bexeen diinta Islaamka.

Waxa kale oo jira kooxo sheegta in ay ku dhaqmayaan Kitaabka oo keliya laakiin waxay diideen sunnada, kuwaasina waa xad gudbeen, waxayna ka leexdeen jidkii Rasuulka Allah NNKH. Kuwaasi xaggee ka marayaan: Rasuulku NNKH wuxa uu idiin keeno qaato waxa uu idinka reebona ka hara. Qowlka Rasuulka waa waxyi ee wax kale ma aha.

kooxahaasi waa kuwo caqligu waxa uu keeno ka hor mariyey shareecada. Caqligaasi caqli saliim ah ma aha mar haddii uu ka hor yimid shareecada Islaamka.

Waxa uu Sheekhu muslimiinta ku waaniyey in ay ka fogaadaan bidcada, ka fogaadaan khilaafka iyo wax kasta oo keeni kara khilaaf, waa in qabaliyada la iska ilaaliyo iyo wax kasta oo tafaraaruq ah.

Maxaa u dhexeeya Qabiil iyo Qabyaalad?

Salaadii Makhrib ka bacdi, muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Maxaa u dhexeeya qabiil iyo qabyaalad" waxaa soo jeediyey Sh. Cabdirazaaq Xaashi. Ugu horayn waxa uu qeexid ka bixiyey waxa uu yahay qabiil: oo loola jeedo in qofku uu ka dhashay reer. Qabiilka oo sidaas ah ayaa waxaa dhacda in si khaldan loo adeegsado, waaana taasi la mid tahay daawo si khaldan loo adeegsadey.

Waxaa dhacda in si xun loo isticmaalay qabiilka, taasoo xitaa carrurtii lagu ababiyey. Waxaa dhacday qiso ahayd ayuu yiri: wiil yar ayaa dhumay oo markii uu dad u yimid la weydiiyey magaciisii, markii uu sheegay oo magacii la garan waayey ayaa la yiri adeer qabiilkaagu waa kuma, canugu qabiil ma yaqaane waa garanwaayey, markaas ayaa la yiri aan sheegno qabiilooyin bal in uu garto, markaas ayaa lagu yiri: Adeer qabiilkaagu ma reer hebelbaa, maya ayuu ku ajwaabey, qabiil kaagu ma reerkaasaa, maya, qabiil kale ayaa la sheegay, markaas ayaa canugii yiri "maya qabiilkaas col ayaan nahay". Markaas ayaa odayaashii is weydiiyeen yaa reerkaas la col ah, sidaas ayaa canugii lagu gartay.. Bal eega, ayuu yiri sheekhu, in canuga xitaa lagu ababiyey qabyaaladda.

Allah waxa uu bini'aadamka ka abuuray hal meel, sidaas daraadeed bini'aadamku waa isku asal. Asalkaas ayaa Allah ka dhigay Qabaa'il iyo shucuub. Waxa keliya oo ay ku kala wanaag badan yihiina waa cabsida Allah iyo sida ay Allah ugu kala cibaado badan yihiin.

Allah waxa uu Rasuulka NNKH soo diray xilli dadku u kala qaysan yihiin qabaa'il, rasuulka ayaana arrintaas daweeyey, waxana uu dul dhigay dallad haraysa oo ah in dhammaan ay walaalo ku yihiin mu'minimada, waxaana astaan u ah in ay yihiin ummad kaliya. Waxaa hadda taas loo bedeley ummad kala qaybqaybsan.

Qabyaaladdu waa jaahil nimo, laga gudbey, waxaana daweeyey Rasuulkeena Muxammed NNKH.

Sh. C/razaaq waxa uu dadka xusuusiyey in qofkii ku faana qabiil uu soo hoos gelayo sifadii ibliiska, waayo ibliisku waxa uu ahaa kii ugu horeyey oo qabiil ku faana markii uu yiri waxaa la iga abuuray naar, malaa'igtana nuur. Sidaas daraadeed qofkii qabyaalada ku faana sifadaas Ibliiska ayuu soo hoos gelayaa. Ogaada in aydin qur'aanka ku arkayn meel lagu faaninayo qabiilka.

Waxana sheekhu uu aad ugu xeel dheeraaday in qabiilka lagu faanayo lagu geli karo naar ee arrintaas halaga fogaado.

Bal hada eega Soomaalida ku fanaya qabiilka, ayuu yiri. Maxaan ku haysanaa qabiilka. Waxaan noqonay qabiilooyin kala qaysan, qaxooti ah, oo qabiil kasta sheeganayo dawlad aysan waxba ku haysan.

Waxa uu ka sheekeeyey qiso ah in: nin Soomaali ah uu gabar la sheekaystay isagoo iska dhigaya madowga Maraykanka waxana uu gabadha kula hadli jirey Ingriisi, gabadhii ayaa ninkii loo guuriyey, muddo ka dib gabadhii oo ninkii uur u leh ayaa waxay aragtay ninkii oo inta uu qol guriga ah hoosta galay hooyadiis inta uu telefoon u diray kula hadalay AfSoomaali, hooyo biilkii ayaan kuu soo dirayaa ee la soco iwm. Gabadhii waa oroday oo inta ay hooyadeed u tagtay ayey waxay ku tiri "hooyo ninku waxa uu ahaa jareer is qarinaya" weyna ka carartay ninkii.. bal eeg ayuu yiri sheekhu, dadkeena Soomaalida ah ee halkan qurbaha jooga sow dhammaanteen ma nihin jareer, Afrikaan, tii uun ayaa la kal saaray.

Dhibaatada ay qabyaaladu ku keento qofka waxaa ka mid ah in qofku waayo wixii uu walaaltinimada Islaamka ku heli lahaa. Waayo quur, lagu quursado. Qabiilku sidoo kale waxa uu burburiyaa mujtamaca.

Waxa uu dadka xusuusiyey in aan qabiilku qabriga kula gelayn, ee Allah hala cabsado, ayuu yiri. Waxana uu mar kale shacabka Muslimiinta xusuusiyey in ay walaalo ku yihiin diinta Islaamka. Bal eega ayuu yiri hadda waxaad arkeysaa in xitaa la soo kaxaysto gaalada si loola dagaalamo reer hebel, waa habkii wadama Islaamka oo dhan lagu qabsaday habkaasi.

Qofka Allah ayaa abuuray, qabiilka uu ka dhashay qof doortay ma jiro, Allah ayaa qabiilkaas ka dhaliyey ee yaan la isku colaadin, yaan la isku yasin, yaan guurka la isugu diidin. Muslimiintu waa walaalo, ee inta aanq abiilka ka harno aan u shaqayno diinta Islaamka, diinta aan walaalaha ku nahay ee Islaamka.

Gabagabadii waxa uu Sh. C/razaaq ka sheekeeyey qiso ahayd: in laba nin ay safa galeen, jirka ayey waxay iska sii raceen gabar, diyaaradii markii ay ka degeen ayaa gabadhii waxay tiri aniga ayaa gurigaya idin geynaya inta aan meesha aad u socoteen ka heleysaan. Gabadhii gurigoodii ayey geysey, nimankii ayaa laba maalmood si wanaagsan loo soo dhoweeyey, meel wanaagsan oo ay seexdaan iyo cunto wanaagsan la siiyey. Maalintii dameba ayaa labadii nin mid kamid ah waxaa u yimid nin qaraabadiisa ah oo raadinaya, markaas ayuu ninkii waxa uu ku yiri "reerkan ma garaneysaa", ninkii labada beri la marti sooray waxa uu ku jawaabay "maya". Kii kale ayaa yiri 'reerkani waa nasab dhiman", markaas ayuu ninkii cataabay oo inta uu orday is matajiyey oo yiri ma anigaa cunto ka cunay nasab dhiman... Bal eega ayuu yiri, yaa labadaas qof sharaf badan.... Miyeysan ahayn qofka gacantiisu sarayso ayaa sharaf badan.

Waxana uu hadalka kusoo xiray erayo nuxurkoodu ahaa in la fahmo xikmadda uu Allah u abuuray Qabiilka, waana in laga cabsado Allah, waa in aan qabiil awgiis la isku colaadin, la isku nicin. Laakiin lagu walaaloobo diinta Islaamka.

Taasi waxay ahayd warbixintii maalintii labaad ee Mutamarka, maalintii saddexaad oo ku bilaabatay muxaadaro xagga khadka Video-ga oo Nairobi lagaga soo xiriyey oo cinwaankeedu ahaa "Ribada iyo Xumaanteeda" oo uu soo jeedinayo Sh. Xasaan Xuseen, ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com | Minneapolis | Sept 1, 2007


Ku Laabo Bogga Hore ee SomaliTalk.com